Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go'aaya Q2

0
Thursday March 05, 2020 - 08:23:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go'aaya Q2

    Siddii qaybtii 1aad ku sheeganayd qoomiyada Soomaalidu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siddii qaybtii 1aad ku sheeganayd qoomiyada Soomaalidu
iyaga oo dhaqan Ummad weeye Dabar go'aysa, ulama jeedo waa Ummad aduunka ka dhamaanaysa ama ka idlaanaysa se waa Qoomiyad waxay ku ahaayeen qoomiyada ay ka sii suulayso.


Horta Qoomiyad waa Ummad isir, Af, magacyo, jinsi, dhaqan, caado, agab iyo astaan wada leh ay ku soocmaan kuna suntamaan oo lagu garto looguna soo hagaago, iyada oo qoomiyadnimadu taa tahay Soomaaliduna tahay Qoomiyad jirta oo dhaqan Maxaa u sabab ah inay Dabar go'aan iyagoo dhaqan??

.

Waxa sabab u ah ama keenaysa in Qoomiyada Soomaalida ahi iyaga oo dhaqan oo aduunka ku guud noon inay Dabar go'aan ama doorsoomaan ba waa isbedel ku yimid shan tiir oo kamid ah tiirarka ay ku Taagnayd Soomaali-nimadu ee ay qoomiyada ku ahaayeen oo kasii suulaya kana sii tirtirmaaya qoomiyada Soomaalida kuwaas oo kala ah :-



1-hidihii ay ku Dhaqmayeen


2-Afkii ay ku hadlayeen


3-Magacyadii ay labaxayeen


4-Caadooyinkii ay caadaysteen


5-Jinsiyadii ay lahaayeen


Shantan arimood ee isbedalku kuyimi amaba sii masaxmayaa waxa ayaandaro ah in aanay dhaadahayn qoomiyada Soomaalidu in wixii ay ku ahaayeen qoomiyada uu siddii maro Midab baxaysa oo kale ay u fasaqmayaan una doorsoomayaan iyaga oo istabahayn.


Haddaba Shantan arimood inkastoo ay wada sameeyeen Soomaalida Guud ahaantood hadana deegaamada Soomaalida ama dalalka shanta Soomaaliyeed ayaad moodaa inaanay isku si u wada taaban ama u aafayn.


Intaynaan is dultaagin waxay isku sidda u saamayn waayeen dalalka Soomaalida, Bal marka hore aynu midhomidhaysano Shantan arimood ee Soomaalidu la doorsoomayso ama doorinaaya kow……..Lasoco Qaybta danbe.


Wixii Dayacmaa ileen Doorsooma!!

Fuad Fartaag

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...