Brobaganda
lahayn intiisa badan lakiin loo ekaysiiyo run mararka qaarkood na wax yari ka run yihiin oo loola jeedo in dad lagu jiheeyo ama darenka caaddifadoda lagu kiciyo si loogu gaadho hadaf ama ujeeddo.
Brobagandadu waxay soo shaac baxday xilligii dagaalkii kowaad ee dunida ka dib markaas oo xukuumadihii Fashistaha ahaa iyo kuwii Hanti -wadaagga ahaa ay aad sare ugu qaadeen xagga military ahaan, waxay ujeedadoodu ahayd inay xukunkooda ku gaadh siiyaan meelo ka fog inta ay ku egyihiin oo ay baraq jebiyaan dalalka ay dagaal ka kula jiraan.
Xukuumadahan
sida tii Hitler,Mussolini iyo
raisalwasarihii Japan ee Tojo HidekiWaxay u adeegsan jireen Idaacadaha iyo qalabka is gaadhsiinta,mararka
qaarkoodna diyaarad ayaa waraaqo daadin jirtay loogu digayo dadku inay meeshas
iskaga guuraan, waxay na sheegan jireen meel aan u dhowayn inay qabsadeen ama
ay in yar u jiraan taas oo keeni jirtay khal khal iyo cabsi oo mararka qaar ay
sababi jirttay in dad baro kacaan
Markii danbe waxa hoos u dhigay markii la sameeyay hay’adda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ama UNta wixii ka danbee yay 1945kiihoos ayay u dhacday ka dib markii dagaalladii Adduunku joogsadeen,in kastoo siyaabo kale oo cilmi ah loo adeegsado wakhtigan casriga ah.
Xagga Somalida waxa adeegsaday Brobaganda Xukuumaddii kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad barre 1982kii markaas oo dagaal ba’an ay jabhaddii SSDF iyo Ethiopia ku qabsaden labada magaalo ee Balanballe iyo Galdogob si looga jeediyo indhaha dadka guul darradaas Somalia soo wajahday waxa la sameeyay barmaamijyo ka baxa idaacadaha Radio Muqdisho iyo Radio hargeisa waxay ku soo geli jireen heesta la yidhaa "Dhulka soo anigu ma lihi ninkii dhiif ku yimibaa geeridu dhibaysaa”dhinaca Radio hargeisa waxa barmaamijkan daadihin jiray Xuseen Yusuf Caddayse
Dhinaca kale
jabhaddii SNM ayaa adeegsatay Brobganda xilligii ay xoogag ka mid ah dagaal
yahankii SNM ay buuralayda Somaliland woqooyiga dagaal ku galeen 1984kii,xilligan
oo idaacaddii Radio halgan ay sheegan jirtay inay buuraha dhex socoto oo
Matalan waxay odhan jireen halkani waa Radio halgan oo idinkala hadlaysa
buuraha Almis ama Gacan libaax, taas oo Ciidamada Siyaad
barre ku keeni jirtay khal khal iyo kalsooni la’aan,waxa kaloo jirtay waraaqo
ay ku daadin jireen meelaha qaarkood oo ay ugu baaqayaan ciidanka Dowladdu inay
is dhiibaan taas beddelkeed ana la siin doono magangelyo.
Tusaale yaal ku saabsan Brobagando;-
Marka lagu jiro Ololaha doorashooyinka Brobagando waxa adeegsada Musharaxiinta Tartanka ku jira qaababkan ayay adeegsadaan inta badan;-
1-Dhisid sawir maskaxed;- qofka siyaasiga ahi waxa uu dhisaa ama marka uu hadalka jeedinay Sawir sida ay dunidu ama waddanku u ekaan karto haddii isaga la dooran waayo waxa uu u tusaa dadka khatar ku soo wajahan oo isagu biyo ku shubayo haddii la doorto.
2-Ficil gelin xad dhaaf ah; qofka siyaasiga ah oo dadka ku kiciya oo ka mara xagga midabka,diinta ama qoomiyadda isagoo odhanaya dadkii kale ba way urureen ee idinkuna ficil muujiya oo soo Urura magaciinnu kor ha u kacee.
3-Naanaysta; haddii qofka siyaasiga ahi uu dadka ku celceliyo naanays ama dacaayad uu ugu yeedhayo kuwa tartanku ka dhexeeyaan marka danbe waxay noqon kartaa hal hays. Sida haddii uu yidhaa hebel waa dad qal,ama waxbuu xadaa ama wuxu xidhiidh la leeyahay cadowga sida daba dhilif,basaas iwm marka danbe dadka carrabkooda ayay qabsattaa oo waxad arkaysa dadka oo ku dhawaaqaya eraygii dacaayadda ahaa.
4-Canbaaraynta; canbaarayn toos ah oo uu qofka musharaxa ahi sameeyo way dhacdaa tusaale ahaan isagoo odhanaya qof ka ila tartamaya ama doonaya inuu ila tartamo waa "Sakhraan” ama wuu cabbaa markaas maxad ku falaysaan doorashadisa.
Wakhtigan casriga ah way jiraan dad badan ama madax badan oo adeegsata brobagandada waxana sii fududaynaya baraha bulshada iyo isgaadhsiinta oo abid halkii ugu sarraysay gaadhay hadda Waddanka Somalia waxa aad u adeegsada Brobaganda Xukuumadda Somalia ka jirta ee la baxday (N&N) ama nabad iyo nolol oo magaca qudhiisa sida ka muuqatta uu qof kastaa fahmi karo inuu yahay Brobagando iyo sheegasho darajo aanay gaadhin xukumaddasi.
Rashiid OdowaaM.A.Diplomacy and IR
063-4101213
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!