Qaab Dhismeedkeeda Xukuumadda Jabuuti Vs Ahmed Osman Geelle

0
Wednesday April 03, 2019 - 12:21:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaab Dhismeedkeeda Xukuumadda Jabuuti Vs Ahmed Osman Geelle

    Qormadan gaaban waxaynu ku eegi doonnaa qaab-dhismeedka Xukuumadda Jabuutti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadan gaaban waxaynu ku eegi doonnaa qaab-dhismeedka Xukuumadda Jabuutti

,Taariikh yar oo kooban oo Madaxweynaha Jabuuti ah,Xagga Xuquuqal insaanka ,Xorriyadda hadalka iyo fikirka,heerka ay ka taagantahay jabuuti iyo ganacsadaha reer Somaliland ee Ahmed Osman Geelle.

Jabuuti waa qaab madaxtooyo (presidential) Madaxweynaha ayaa soo magacaaba Raiisal wasaaraha,waxa jira gole wakiillo oo la soo doorto iyo Golaha Fulinta labaduba waxay hoos yimaadaan madaxweynaha,

Sidoo kale Xisbiga talada haya (RPP) waxa guddoomiye iyo musharax ka ah Madaxweynaha Sadex doorasho ayuu madaxweynuhu hadda marayaa,markii ugu danbaysay waxa la furay Distoorka dalka Isaga awgii, in kastoo 1992 la furay hanaanka xisbiyada badan haddana waa iska magac u yaal sababtoo ah hogaamiyaysha waa la xidhaa markii la doono,

Jabuuti waxa madaxweyne ka ah Ismael Omar Geelle wuxuu ku dhashay Diridhaba,wuxuuna u soo wareegay jabuuti oo askari police uu ka noqday 1960s,wuxuu ku dallacay sarkaal police, isla 1968 wuxu noqday Chief of Cabinet isagoo ka hoos shaqaynayay adeerkii Xassan Guleed Abtidoon.Ismael waxa uu tabobar ka helay hayaddii Sirdoonka Somalia oo ahayd mid aad u khatar badan (NSS) "Somali National Security Service”iyo French Security Service (FSS) wuxu talada dalka qabtay 1999kii ka dib markii madaxweynihii hore Xassan guled Abtidon uu ku dhawaaqay inuu ka nasanayo oo aanu wadi Karin shaqada.

Illaa iyo maanta Madaxweynaha dalka,Taliyaha Ciidamada,Hogaamiyaha iyo musharaxa xisbiga Talada haya,guddomiyaha Golaha Fulinta iyo golaha parlimanka,Garsoorka iyo cadaaladda ma jirto hayad keliya oo madaxweynaha ka madax banana mana jirto cid hadal ku soo celisaa,waxanay halkaas aad isugu egyihiin Xukunkii Siyaad barre ama waxaba la odhan karaa Baro ayuu dhaafiyay.

Dhinaca saxafadda haddaynu ka eegno,waxa maamusha xukuumadda,Warka soo baxayaa waa (Uniformity) hadday tahay TV,Radio iyo Internet waxa maamula Xukuumdda dabcan waxay ku hadlayaan uun afka Xukuumadda,Xorriyadda hadalka iyo cabirka dareenku haba yaraatee kama jiraan waddanka Jabuuti.warka waxa ku badan faaf reebka haba yaraatee xukuumadda waxba lagama sheegi karo,Wargeiska keliya ee soo baxa waxa la yidhaa (La Nation) waxa leh Xukuumadda.

Dadka loo aanaynayo inay Danbi siyaasaded galaan waxa lagu samaeeyaa Aargoosi daran oo ay ka mid atahay Hantida oo lala wareego,Xadhig,Jidh dil iyo xattaa in qofka haddii uu baxsado Qaraabadiisa laga jaro,waa halka ay ku soo baxday Kalmadda Caanka ah ee laydhka iyo biyahaba waa laga jaray Hebel.

Waxa suurto gal ah haddi madaxweynaha ay iska horyimadaan shakhsi ganacsade ah in hantidiisa lala wareegayo,isagana la xidhayo waxana hadda Dibad wareeg ku maqan ganacsato waaweyn oo caan ka ahaa waddanka Jabuuti sida C/raxmaan Boore iyo Axmed Osman Geelle,waxa kaloo hore u jiray ganacsade Cumar caydiid oo lagu qabsaday gaadhi ka madaxweynaha u eg ayaad iibsatay.

Xagga Xuquuqda Aadmiga Jabuuti way ku liidataa,sida ay caddaynayan report badan oo ay soo Gudbiyeen Freedom House iyo World Freedom in the world, oo laga diyaariyay,Isla markii ay jabuuti xornimada qaadatay waxa jeelka loo dirtay 17 taagerayaal u ahaa Urur la odhan jiray "Movement populaire de libaration” waxa ku xigay 15 arday oo Paris France ka soo dhamaystay waxbarasho oo iyagana Xabsiga loo diray,1979 sagaal siyaasi ayaa xabsiga la dhigay waxa ka mid ahaa laba xubnood oo parlimenka ahaa,sidaas ayuna cabudhintu u socotay illaa maanta.

1999 ayuu Abtidon ka degay xilka waxa loo doortay Ismael Omar geelle musharaxa xisbiga RPP halkaas oo uu afar meelood marka loo qaybiyo sadex ku guuaytay codadkii,waxanu ka guulaystay musharaxii la tartamay oo ahaa "Muuse ahmed Idiris”hase ahaatee Xabsiga ayaa loo taxaabay bishii ku xigtay waxana lagu eedeyay inuu "Ciidamada Qalabka Sida Moralka ka dilay” waxana lagu xabisay meel aan la garanayn.

Human right watch sida ay soo warisay hayadaha sirdoonku waxa ay si sharci darroi ah u xidheen Jean Poul Noel Abdi,2011 wuxuu ahaa guddoomiyaha Ururka Xuquuqul insaanka ee jabuuti,sababtu waxay ahayd Report uu u gudbiyay Human right watch.

Sidoo kale report yo badan ayaa ay soo saareen Amnesty International ay ku sheegayaan in Xabsiyada uu ka jiro Jidh dil aad u daran,jeelka ugu wayn jabuuti ee Gabode ayaan xaaladiisu fiicnayn,sidoo kale dadka laga tirade badan yahay sida Yamanta iyo Afarta waa la liidaa ama hoos ayaa loo dhigaa.

Haddii aan ku soo noqdo,arrinta Ahmed Osman Geelle iyo Xukuumadda jabuuti u dhaxaysa,waxay aniga ila tahay hadday xisaabtan rabaan Hargeisa ha ugu yimaadaan waa la xisaab tansiin doonaa oo isaguna wuxu sheeganayaa in hantidiisi ma guurtada ahayd xoog looga haysto,waliba hadduu jabuuti tagona ay iska caddaan tahay in la xidhayo,Sidaas darteed Hargeisa ayay Xorriyadi taallaa ee ha ugu yimadaan ciddii baaqi lehna ha la siiyo,sidaasna ha ku dhamaato howshu,wixii intaas ka badani waa gardarro.

Meesha waxa ka muuqata qaabdhismeedka xukuumadda jabuuti oo ay ka muuqato astaamihii iyo dabeecadihii Kalitalisnimo,iyo muwaadiniinta Reer Somaliland oo ah dad neceb Gumaysiga iskuma gelayaan meelna ma soo wada fadhiisan karaan,waxa suurto gal ah in xukuumadda jabuuti ay daba socoto ama ay reer Somalilnd ka rabto inay ugu habradaan aqoonsiga oo ka maqan iyo iyadoo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mararka qaarkood passport siisa haddii se waxa la isa siinayo aanay walaalnimo ahayn waa waxba kama jiraan.

Rashiid Odowaa

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...