Siyaasadaha Isdaba-Roga Ah Ee Ka Dhacaaya Caalamkana Waa Innay Inoo Noqdaan Cashar Aynu Tijaabinno Maantaba.

0
Wednesday March 04, 2020 - 08:18:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadaha Isdaba-Roga Ah Ee Ka Dhacaaya Caalamkana Waa Innay Inoo Noqdaan Cashar Aynu Tijaabinno Maantaba.

    Iiraan - hogaamiyihii ciidanka qaabilsan ka hortaga khatarta bariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iiraan - hogaamiyihii ciidanka qaabilsan ka hortaga khatarta bariga dhexe ee qudus " sulaymaani " waxay ku wayday ka hortaga dhibaatada kaga imman kara ciidanka maraykanka ee barriga-dhexe fadhiya.

Waxana lagu qiyaasa miisaniyada ku baxda batalka qudus lacag dhan 3 miliyan oo doolar.


Turkey- dal weynaha jamuuriyada turkey-gu si uu uga hor-tago duulaanadda iyo duqaymaha jabhada xornimo doonka kurddida turkiga ee loo soo gaabiyo PKK, ayuu ciidankiisa gudaha u galiyay suuriya kuna waayay 35 ka mida askartiisa halka qaar kalana dhaawac yihiin.

Isreal- dalka kaliyee ay leeyiih dadyawga " juwish-ku " ayaa noqday dalka leh sirdoonka labbaad ee ugu quwada badan addunka.

Iyagoo ka hortagaaya khatarta uga imman karta waddamada carabta ee ay ku xeeran yihiin, Waxayna ka dhigeen awoodda labbaad ee dalka (sirdoonka). Taaso ka caawisay innay dhib walba ku bakhtiyaan meel ka baxsan dhulkooda.

Miisaaniyad sannadeedka haayada mossad ayaa ah 10 bilyan sannadkii , halka ciidanka qalabka sidda ee milatarigu yahay 18 bilyan. Kaliya farqiga u dhaxeeya ayaa ah 8 bilyan. ( 2018 ).

Hogaamiyihii SNM " cabdiraxmaan tuur " ayaa dheelay istaraatijiyad cajiib ah si uu culayskii badanaa ee wakhtigii xoraynta taaqnaa iskaga yareeyo , hawlgalkiisuna ugu fududaado wuxuna abuuray qorshe ahaa " inn muqdisho lafdigeeda qori dable la kala dhex-dhigo" taaso ugu danbayntii ka dhigtay riyadiisi mid rumawda....

Sahamiye walba oo leh arragti dheeri wuxu mijaraha usii siiba geed walba oo caqabad ku noqon kara mustaqbalka fog .

Haddaba si looga hor tago khatar walba oo ka imman karta cid walba oo soomaalilaan kasoo hor jeeda, waa inn la hella qorshe cad oo ay dawladu dajiso , si ay u difaacdo dalka iyo dadka ay masuulka ka tahay...

Soddon sanno oo aynu dawlad ahayn maynaan yeelan haayad sirdoon ama cudud ciidan oo ka hawlgali kara meel ka baxsan ciida soomaalilaan. !!


Waxayu kusoo Gunaanadaynaa murtidii uu lahaa cabqarigii weynaa ee reer isreal.

1- " If an expert says it can't be done, get another expert." David Ben-Gurion.


2- ""Without moral and intellectual independence, there is no anchor for national independence." David Ben-Gurion.


Qore: Nimcan Ahmed Biihi
Frankfurt Germany
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...