Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.8aad (Abdi-S hotaly).

0
Wednesday March 04, 2020 - 08:07:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.8aad (Abdi-S hotaly).

    Waxan weli ku jirney Cinwaanka sare ku yaala sooyaal-kiisii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan weli ku jirney Cinwaanka sare ku yaala sooyaal-kiisii,
oo aynu ku qaadaa-dhigaynay Madax-ddii runta ahayd, ee soo martay dalkan mar la odhan jirey Somaliland ( Imika-se ah Maamul Goboleedka) ee uu ugu Horeeyey Abdiraxman Ahmed Ali (Ihun), M.I. Cigaal (Ihun), Riyaale ( Alle Caafimaad ka haw gu deeqee) iyo Siilaanyo ( Ilhaa Caafimaad-kiisii haw soo celiyee). oo ugu dambeeyey, dhamaan-tood-na ahaa madax dhab ah, Ha yeeshee waxa hore loo yidhi " Meel Aar ka kacay atoor fadhfa-dhiisaye" uu hadda xaar walwaal-kani wixiisii dabadda ku jiida-nayaa " Waa raggii ma adigaa ka hadhaye iyo wisikh-ddii uu ku jiida-naayey lugaha dambe oo ah Geenyo shaaximan" ay gebi ahaan-ba magaca iyo manfac-ba xabaal ku rideen. hadaba waynu soo dhamaynay, oo wax walba madax laguma sheegee, ka soo sheegaynay horumarkii ay ka sameeyeen afartii madax-weyne ee hore ( Magacya-doodda waa aniga sare ku soo tilmaamaye), ha iska jireen dhaliilo'e, hadana ay maalin kaste oo timaadda wuxuun bay soo kordhi-nayeen ( Kahyr Alle ha siiyo'e), Waad ogaydeen halkii ay ka maraysay Sumcadda Somaliland aduunka, intaanay waxan is daba dinisayaa, ee macaan jecesha ahi aanay boobka ku cadayn foodkii, si loo hantiyo ummadan wixii ay lahaayeen, Akhristaw saaka bal waxan u guda geli doonaa, qayb kale oo ka mid ah waxan ay canda-dawleen labadani, aan wax loo diran jirini iyo ayaxa ku hoos nooli, Waxana ay tahay, Waxa marka la doonaayo-na jeebka lagala soo baxo, si in gaar ah loogu munaafaqa-deeyo iyo xusbi-yadda Mucaaridka ah, marka kale-na sidda la rabo laga yeelo, aan kuu soo koobee waxa weeye, waxa ay ku sheegaan " Distoor Ama Sharci", kaas oo hadda wax jira aan ahayn ee ah " la Jiifi-yaana banaan, la jooji-yaana banaan". ee ku soo dhawaadda waa tane:-

(a) Ma jiro distoor iyo sharci shaqaynayaa, oo madax banaani, ee waxa la xukumaayo, Waxa amar ku soo bixiya Askariga dhukan, ee Gurigii Moorgan ku ciyaara ciyaartii la odhan jirey "Gebley-shimbirta ( waa Xaafad-tooyada'e), Waxa meesha fadhiyaana waa beesha uu ka soo jeedo askarigu, oo uu ku magacaabo Xukaam iyo qaar musharka yar ee laga siiyo ku habradda, oo is leh yaan lagaa jarin ee daba-dhilifka u rux askarta.

(b) Waxa kale oo aan iyana jirin, oo la mamnuucay, gar-yaqaanaddii u doodi lahaa dadka la iska xidh-xidhaayo, waxana ay sababtu tahay, in siddii la doono laga yeelo, oo aanay cidi ogaan beenta lagu soo oogaayo ama denbiga looga dhigaayo ee loo soo malma-luuqay, looma ogola in cidi u hadasho, waayo beello gaar ah bay ka soo jeedaan, oo ay cuqdad ka qabaan "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo Shaaximani"

(c) In ka badan 150 ruux baa iyana u xidh-xidhan Ka ay ilmaadeerka yihiin qaneecaad-laawaha " Raggii ma adiga aka hadhay", Waa ka ay ugu yeedhaan " Ina Aw Saciide" oo askarta laf-toodda maamula, kuna kharash-gareeyey in foodkii ay boobaan lacga dhan $12 milyan oo doolarka maraykanka ah (waa hadaad run doonaysid), sidiina ay u dhacday. looguna abaal guday in wixii uu yidhaaho xidha-ba jeelka loo dhigo ( Ilayn waa duul aan diin iyo illaah mid-na aan aqoone).

(d) Ma jiraan Maxakamado dhex ahi, ee waa qaar beelaysan, oo loo yeedhiyo xukumadda ay ridayaan, Waxana jira cid gaar ah oo haday cirka iyo dhulka soo rogaan aan juuq loo odhan, sidda Cabdiraxmaan Sakhraankii Habalaha Buuga Ka qori jirey caydda ah, waayo waa askariga inaadeerkii,ba u u fiirsadad ka la yidhaaaho" Kud-madaw" isna wuxu doono buu amraa oo ay ku lkacaan askartu.

(e) Gole Ku sheega uu hor fadhiyo oday-ga bambarka xidhan ee asaasaqay ( Magaca gaalka lihi), waxa ummadu u egmatay in ay sharciga ilaaliyaan, uu inoo sameeyey Madax-Weyen Cigaal (Ihun), laakin-se, wuxu isugu biyo subtay, in ay marba Xukuumadda joogta u naageeyaan, siddii aan loo eryin, waxay shaqa-dooddii noqotay in kolba ay sii kordhis-taan wkahtiga mooyaane, lama hayo meel ay wax ka qabteen ilaa iyo abuuri-taankii la sameeyey, marka laga reebo mudo kordhin bilaa sharci ah oo qudha.

(f) Golaha Sharci dejintu, waa kii la odhan jirey berigii hore ee Somaliland jirtey " Golaha Wakiiladda" hadase ah kuwo dhibay xilkii loo egmaday, oo dhaameel ku nool ah iyo cad quudheed looga tuurto "Xaafda-tooyadda", si aay kaadhka uga marsadaan wixii ay kolba ka doonayaan, in ay u ansaxiyaan, sharci ay maunsuul ka yihiin iyo distoor baaba iska yar ( Calooshoodda mooyaane). waa hunguri-sharciyeed wakiilo ah lagu adeegto, isku dir ay ka dhex faa'iidaan mooyaane, wax ay u qabtaan ummadan iyo distoor ay meel mariyaan mid-na ma jiro, waxay toos ugu xidhan yihiin " Beello iyo Xusbiga Qdhumiye", dan qaran hadal-koodda daa" ee waa dhaameello la ciyaara-yaal hunguriga wax ka arka, kuwa ummadda sii baabi'iyey-na waa iyaka, ee sharciggii ku tuntay, kolba kay doonayaan in ay ku dabaqaan cunaha ku qabta, kay doonaana khaladka u fasaxa, una xalaaleeya.

(g) Haduu sharci uu jiro ummadda u dhexeeyaa, oo lagaga dhabay-naayo siduu u qoran, Maalin-kasta ma wuxuu ka bixi lahaa Balan iyo heshiis uu galay askarigu? Maxay kuwa ku mushahaaro qaata ee lagu biiliyaa magaca Guurtidda iyo Wakiiladda, ay u odhan waayeen waa khalad? Ee beenta, boobka, munaafaqadda ay ugu ansixiyaan ciil-qabayaasha uurka ka buka, kuwaas xaal-koodu waa af wax cunay xishoo. iyo jin-dagaagay dibnaha loo qooyo.

(h) Yaa mayd ugu dambeeyey baa la yidhiye, akhristaw maxaa ka dambeeyey ee ay u qaban waayeen? Ma distoor baa qoraaya inoo yaala,17 xub-nood oo Komishan ku sheeg ah, saw may ahayn in ay yidhahaan wax jira maaha, ee siddii caalamku inagu dhex-dhexaadiyey ha tageen Cabdi Qorato ( Waa ina riyo-jire'e) iyo Riyaha uu raacaa ee orgaca looga dhiagy, ee ay wataan "Kud-madaw, geenyo shaaximan iyo raggii ma adigaa ka hadhay"

(i) Akhristaw ma jirto haba yaraatee saaka wax la yidhaaho Somaliland, waa taas la inoo yeedhi-naayo ee uu ka Mareexaan badhisaabka ka yahay, ee gaallo inoo noqotay dhex-dhexaad, sharciga qorayaa waa kee, taasi waxay si cad inoo sheegaysaa in aanay hadda wax meesha yaal aanay jirin, ee ay tahay ceel ay ka dhaansa-daan inta yar oo ku xidhan askartu, oo ay ka ceeshaan, yaan la isku khaldin ama maaweelin dal baa jira, waa magac qaran oo reer lagu dhaqaalay-nayao hoos ahaan. dad-kaana loo sheegaayowax aan jirin, ee wax kale haw fadhiyina.

Waxan ku soo xidhay, taxanahan aan qaybtii 8aad wado, oo aynu ka soo bilaabnay, ku dhawaaqiddi Halgankii SNM ee 06/04/1981kii, ilaa iyo imika baaba'a, khasaaraha, dib u dhaca, balan-balka, hooga ay badeen labadan askari, ummadda reer Somaliland ee ay soo gaadh-siiyeen iyo madaxddii soo kala hogaami-naysay, haddii ay yihiin kuwii Wakhtigii halgankii ama afartii madax-weyne ee hore ( Kani wa ciyaala suuq cuqdad qaba, oo weliba waalane), ma aha wax aynu soo koobi karno, waxan meesha joogaa iyo yiciista ay wataan ee lagu shaqaystaa, waa kuwa dheryaha ku bisleeya been-beenta ah, magac qaran ku sheeg baa jira, laakiin-se iil ka yar loo qoday oo xabaasha ka dhex leh, waar iaga qabta yaan lay aasine weli maan dhimane, idinkoo nool baa hor-tiina la iigu xidhayaa aboore, oo hog la iigu rida-yaaye. ugu dambayn madax-ddii hore waxay qabteen soo arganaye kuwani wax ay burburi-yeen mooyaane, meel ay irbad dun geliyeen ma haysaan? Jawaabtu waa maya laba jibaaran ( No Square).

La Soco Qaybta 9aad

* N.B La Jiifi-yaana Banaan, La Jooji-yaana Banaan!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...