Shaagle Laga Baqay ( Abdi-Shotaly)

0
Wednesday April 03, 2019 - 12:07:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaagle Laga Baqay ( Abdi-Shotaly)

    Ina Kaahinaw "Ma taqaanid beenta'e, runta barasha-deedaa bello kaa hor joogtaa", Beri baa laba reer oo ay shaqaaqo dhex martay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ina Kaahinaw "Ma taqaanid beenta'e, runta barasha-deedaa bello kaa hor joogtaa", Beri baa laba reer oo ay shaqaaqo dhex martay,

ay nin ka mid ah beeshay is hayeen qabteen, oo mid tahay Reer Boorma baa qaar laga helay, dabeed raggii waxay ku heshiiyeen in aanay sheegan beesha ay yihiin, iyaka oo ka baqaaya in la dilo, halkaa markay maraysay, ee la weydiiyey geesta ay ka yimaadeen iyo cidda ay yihiin, baa nin ka mid ahaa beesha Reer Boorama, oo weliggii beeni aanay af-kiisa ka soo bixini, kolkii la yidhi xageed ka timaadeen, uu siddii u caadiga ahayd runtii uga gaw siiyey, oo uu yidhi murti hadeer caan noqotay, taas oo ah " Maxay Beeni Tari Booramaan ka imiye", Waxan uga socdaa oo aan u soo qaatay xikmadan sare ku qoran " Ka Geenyo shaaximan la yidhaaho) waa ina kaahinka ka ay ku magacaabaane, oo wasiir arimaha gudaha ah, ee uu ku shaqaysto " Raggii ma adigaa ka hadhaye", oo been cadaan ah isla soo taagay, inta uu shir jaaa'id qabtay, Wuxu dafiryaa hadana uu sheegayaa, in la yidhi ha la soo qabto Axmed Geelle Arab, bal hadda xagan hoose ka akhriya isaga oo marna qiranaaya, marna ina wax kama jiraan ka dhigaaya, waaranka loo Axmed Geele Arab loo soo jaray iyo warka uu soo direy Ina GeellahaJabuuti.

Wuxu ina leeyahay ma jiro waaran loo gooyey, in lagu soo qabto, oo aniga baa ah wasiirka daakhliga ( Ilayn waa waxa lagu adeegsado'e), oo waa been abuur, waxana meel lagaga dhacayaa Axmed Geelle Arab, hadana wuxu sheegayaa, in ay jirto wax uu ku sheegay wadan aynu jaar nahay ( siduu yidhi waa jabuutiye), in ay na soo gaadh-siiyeen dacawad ka dhan ah A.G.Arab, Waxa kale oo uu af-kiisa ka qirayaa, in waxan ay walaaqdaan ee ay distoor iyo sharci ku sheegaan, oo wax jira aan ahayn, cid ku shaqaysaana haba-yaraatee aanay jirin, baa sharciga uu ku andacoo-naayo, faraqiisa lambar-kaas lihi uu qorayaa ( Waa sidda uu af-kiisa ka yidhiye), in la soo qabto, oo maamulka jabuuti baa denbi laga galay. Hadaba akhristaw, ilayn waa kan is dhaafka ku hadlayee. goormuu run sheegayaa? amase been? kolkee buu sax yahay? markuu dafiraayo ee uu leeyahay Jabuuti baa na soo waydiisatay? Mar markuu akhriyaayo sharci canda-dawlan?.

Waxan ku soo gaba-gabeeyey qoraalkan. akhristaw murti ahayd " Shaagle laga baqaye" Inaan Beesha Arab dhukh-dhukh iyo dhalan-teed loogu tegin ma u cadaatay oo " Durba hugunkii iyo hadraddii hoos ma loo dhigay?" Rag-ragga dheh, noolaadda weliggiin. Ha qirteen arinta waaranku waa dhabe. horaa loo yidhi " Illaahaw haa iyo maya meel ha nagaga wadda keenine " isla mirirdho guda-hood buu sheegayaa hadana shareerayaa, ee dhankee loo raacaa? Waxa u caado noqotay, maamulkan khariban, intay wax sheegaan ay hadana marka ummadu kacdo, misana ay dafiraan, tani wax inoo cusub maaha, waayo hore bay kun jeer inoo soo martay, oo ay ugu dambeysay qodobadan soo socdaa.

(a) 80$ milyan oo doolar, intay ka qirteen Golaha Baarlamaanka, bay hadana Markii ZAmZAm tidhi waa beentood, oo ma jirto dayn intaas ah, oo aanauku wareejinay, ay ka dib hadalkii bedeleen, oo ay is masxeen, maanu odhan yidhaaheen ( Subxaana-llaah). ilayn duul illahay ka baqaaya maahee.

(b) Waxa kaloo iyana ka sii dambaysay, in markii la waydiiyey, kiraddii Dekedda Berbera, ee la yidhi ma ku jirtaa Miisaaniyadan, aad soo ban dhigteen? Waxay ku jawaabeen, maya, ee kiraddii dekedda waxa toban sanood sii qadintay, maamulkii naga horeey ee Siilaanyo, taasna markii ummadu ku kacday ee ka gadooday, waa kuwii ka daba keenay, iyaba waa yaabe " Maba aanu odhan cayn-kaas, ee wax kale oo aan loo jeedin ku raad gatay( Fina-cawdu Bilaah), miyaanay isku khajilayn?

(c) Muwaadin, Tanina ( waa arinta Axmed Geelle Arabe), waa idin-kaas arka, ee uu askariga Geenyo Shaaximani uu kala hadlaayo, ee marna leeyahay war-kaasi wuxu naga soo gaadhay Maaulka Jabuuti, marna uu dafiraayo waaranka.

(d) Ma waxa aynu odhan karnaa Salaadiintii Arab, ee War-baahinta soo hor dhigay shaambadihii iyo waraaqihii loo soo Jaray, ee waaranka ahaa baa been ah, kolba warqad yar oo aan jirin haka soo daba daabaceen, oo ha yidhaaheen wax kama jiraan. Waxan ku soo dabray maah-maah-ddii ahayd " Caado la gooyaa, cadho Allay leedahay", ee ogaadda waa u dhaqan maamulkan askarta, marka lagu soo qabto been, ee ay kashifmaan, in ay isla markiiba is bedelaan, oo khiyaaliggii ummadda lagu maaweelin jirey ay ku warwareegaan.

* N.B Durba Hugunkii Iyo Hadraddii Hoos Ma Loo Dhgigay!

Qore:- Abdi-shotaly


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...