Jaariyadnimada aynu u Isticmaalno Halka ay ku Habboon Tahay!!W/Q Proff Cabdi Cali Jaamac

0
Tuesday March 03, 2020 - 19:56:01 in Articles by
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaariyadnimada aynu u Isticmaalno Halka ay ku Habboon Tahay!!W/Q Proff Cabdi Cali Jaamac

    Jaariyadnimada aynu u Isticmaalno Halka ay ku Habboon Tahay!!W/Q Proff Cabdi Cali Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaariyadnimada aynu u Isticmaalno Halka ay ku Habboon Tahay!!W/Q Proff Cabdi Cali Jaamac


Waxan halkan ka cambaaraynayaa rag waawayn oo halkan aanu saaxiib ku nahay oo reer Somaliland ah oo isu sii dhiibay Farmajo iyada oo aynaan waxba isla fahmin ba nimankaas!!

Image may contain: 1 person


Waxa aad arkaysaa iyagoo taageeraya dagaalada immika uu qaaday, ee uu ku qaaday qaar maamul goboladiisa ka mid ah; waxan is waydiinayaa miyay kala jecel yihiin talaw; haa, way kala jecel yihiin oo waxaba ay ku leeyihiin ninkii Farmajo tallaabo fiican ayuu qaaday!! oo waxabu uga hadlayaa sidii oo aynu nimankaas isa saamaxnay, is fahannay, dawlad wada dhisanay, oo aynu xataa isku xisbi nahay ka meesha haysta; cajiib!! Mid waxaa ka sheekeeya oo ku asaasaqay Somali wayn aanu dadkiisa waligii kala tashana waxaba ay ku leeyihiin waaba khabiirka Geeska!!; walle cid baan innaga dhiman, khalad kasta oo uu galo.


Haddaba, talaw waxan oo xaraash ah oo ay xaraashayaan dadkoodii iyo dalkoodii, ma qof nacybaa, ma cid nacay baa, odhan kari maayo reer nacayb e, maxaa yeelay sidooda afka kuma ballaadhin karo dad walaalo ah magacyada reerahooda; mise waa ba ka nacasnimo iyo wax garadnimo, ileyn nin wayni muu garan waayin ha is qiimo ridin xaaa haddii qorshahaagu yahay in aad ku biirto Somaliya e, maxaa yeelay nin immika is dhiibay, yaa la hadlaya ee la gorgortamaya; wuxu diyaar u yahay in uu halkaa jaariyad ka noqdo!! waa in uu hore ka galaa shaqadaa; Wallahi, waxay kallifaysaa in dadka aniga oo kale ahina in aanu kaga dhigno dheglay ku shub dhan walba ha lagu qado e; kuwaasoo kale cabaadkooda hadhaw laga fadhiyi maayo; yaa durriyadiiya iyo sheeko laga ilbaxay bay rabaan inay ku ceshadaan! Alla idin doori; waa habaar iyaduba, ducana waabay noqotaaye!


Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...