Hareeraha iyo Awr daaqda...W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

0
Tuesday March 03, 2020 - 19:35:52 in Articles by
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hareeraha iyo Awr daaqda...W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

    Hareeraha iyo Awr daaqda...W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hareeraha iyo Awr daaqda...W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"


Xilliga jiilaalka reer miyigu biyaha kama ag fogaadaan, hadday guuraana biyaha ayay ka ag dhawaadaan. Kolkaa marka aqalka la dhiso aad looma adkeeyo wax badanna laguma dhiso, Dabadeeto hadhow marka kaliishu sii dhamaanayso ayay dumarku aqalka giigiijiyaan oo adkeeyaan, si dabaysha iyo roobku wax u yeelin una dumin oo dugsi laga dhigaa aqalka.




Hase ahaatee dumarka waxa ku jirta mid basari ah oo wada wahsi ah, iyadu waxba kama qabato aqalka ee hadhow marka roobku hooro ee dabayl kiciyo ayay tidhaahdaa "Alla Ilaahayow hareeraha iyo awr daaqda" iyadoo u jeeda in roobku oo uu hareeraha aqalka iyo meelaha u dhaw ee awrtu daaqayso in uu ku da'o oo aanu u soo dhaafin halkaa, hase ahaatee roobku waxaa ma dhegaysto ee hilfuhuu u qaadaa.


 

Iminka Xukuumadda ina biixi ee taladii somaliland la dabayshatay ayaa sidaa ka dhigan, oo sidii ay ugu mashquulsanayd boobka baloodhada,beeraha iyo xoolo urursiga, dhanka kalena ay tamarteedii ugu lumisay kala qaybinta iyo kala qoqobka bulshada reer Somaliland ayaa waa cusub ugu dul beryay geeska afrika iyo isbeddel xawaare ku soconaya oo in wax lagu darsado mooyee aan cidna joojin karin. Dabadeeto waa kaa in biixi iyo kooxdiisu ku waasheen Hareeraha iyo Awrdaaqda.


 

 

Isbeddelkanna waa mid dunidu aad u shidaalinayso oo riixayso una baahan in indheergaradka somaliland aad ugu baraarugaan arrinkaas oo talo laga yeesho iyo sidii looga qaybgali lahaa danteenana loogu dhexdari lahaa inta aanu ina qaadan.

 

Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...