'' Kulmiye Vs Eprdf '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday March 03, 2020 - 13:29:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kulmiye Vs Eprdf '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Waddanka Ethopia markii uu dhacay Taliskii dhergigu waxaa ka dhismay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddanka Ethopia markii uu dhacay Taliskii dhergigu waxaa ka dhismay
Taliskii ay gadh-wadeenka ka ahayd Gaashaanbuurtii Eprdf oo ahayd Xisbi ay ku midaysanaayeen 4 ta Qawmiyadood ee kala ah , Tikree , Orromo , Amharro iyo Shucuubta koonfureed .

Hadaba xukunkaasi markuu muddo jiray , hogaamiyihii xisbigaasi oo ahaa Malez Zanawi wuxuu qaatay aragti ah in uu Qoyskiisii Tikreega taladda ka wareejiyo , Etoobiyana u diyaaro isbadal ka dhaca si ay usii jiri karto .



Aragtidaas uu qaatay Males oo la odhan jirey Dib-ucurasho wuxuu sal-dhig uga dhigy in uu xukunka ka fogeeyo siyaasiyiintii ruug-cadadiga ahayd ee lasoo shaqaysay , kuwaasoo u badnaa qawmiydiisa Tigreega , isagoo uga danlahaa in ay fududayso shaqaynta dawlada cusub ee ka danbayn doonta .


Sidaa darteed markii Males geeriyooday waxaa taladii la wareegay Haile maryama deselign oo ka dhashay shucuubta koonfureed , isna waxaa uga danbeeyey Abby Ahmed oo ka yimi Qowmiyadda Orromadda .


Abby Ahmed oo sii wada dadaalkii Males ayaa isna dhamaystiray casriiyeynta siyaasaddii Eprdf , waxaanu u badalay xisbiga cusub ee uu u bixiyey PP kaasoo ah xisbi ay ku dhan yihiin reer Itoobiya oo aan ku koobnayn siddii Eprdf afar qawmiyadood .


Sidaas oo kale , Madaxwaynaha Somliland waxaa lagga rabaa in uu badalo tubtii siyaasadeed ee horre ee uu ku socday Xisbigiisa kulmiye , una diyaariyo Kulmiye isbadal cusub oo suurta geliya in taladda Xisbigu ka wareegto labada gacmood ee loo bixiyey Jeeganta taasoo ah mid u baahan in looga taxadiro si kawayn sidii uu uga taxadiray Males Zanawi in taladda Itoobiya ay ku meeraysato qawmiyadiisa Tigreyga .

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...