WARQADDII AAN KUU SOO DIRAY

0
Tuesday March 03, 2020 - 12:13:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARQADDII AAN KUU SOO DIRAY

    Ma xasuusataa maalinkii aad Xamar iiga dhaqaaqday? Sow ma xusuusatid in aad iga tagtay iyadoo hoobiyuhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma xasuusataa maalinkii aad Xamar iiga dhaqaaqday? Sow ma xusuusatid in aad iga tagtay iyadoo hoobiyuhu


 

Eeddo? Adduunyadu waa ay kulushahay. Si gaar ah anigu waxa aan ku jiraa waayo xun. Xamar waa dab. markaanna waa goorta ay ugu hanfi badantahay. Sannadkii hore, waxa aan isku dhaafsiiyay is-moodsiis. Waxa aan dafiray xaqiiqda oo hirar khiyaali ah ayaa aan dhexda ka galay. Waxa aan ku noolaa, welina ku noolahay nolol saldhiggeedu yahay sida xunbada cad ee rahdu biyaha ku dul dayso. Xumbadaas oo jeer walba unugyada ku jiraa ay biyaha raaci karaan amaba la wayn karo.

 

Sannadkaan oo qura waxa aan deegaansaday shan guri oo ay cido ehel ahi leeyihiin. Arxanku waa uu igu yaraa. Indhageddintu waa ay igu badnayd. Canaantu joogto ayay ahayd. Markaad ku nooshahay guri kale, niyad ahaan iyo jir ahaanba dhaawac baad u tahay. Yar iyo wayn ayaa kuu talinaya adna waxaa kula gudboon in aad addeecdo. Gunnimo wayn baad garbaha iyo gundahaba saaranaysaa. Wax kastoo gabbood fal ah ayaa laguu gaysanayaa.

 

Waxa aan damcay in aan maktabad dhisto, si aan isu dhaafsiiyo murugta qarada wayn ee madaxayga degtay. Jeer kale waxa aan isku deyay in aan shaqo abuurto, si aan ugu yaraan dunida wax uga taransado. Mar kale waxa aan is-dareensiiyay in aan ku laabto gobolkaygii aan ka imid si aan beerahayga isaga fasho. Haddana waxa aan damcay in aan soo iibsado dharka iyo kobaha ciidanka si aan uga go' o nolosha cataawga iyo welwelka badan uguna biiro hablaha xoogga dalka. Mar kale waxaan isla qaatay in noqdo gabyaa, iyo maanso yahanad jiiftada hadba si u dhigta, mar sagaalleey ka dhigta marna tobanleey. Si kastaba ha ahaatee, tillaab ma qaadi karo ilaa ay maskaxdaydu waayaha la heshiiso. Far ma dhaqaaji karo ilaa aan sidii qof caadi ah u noolaado oo aan caadiyeeyo deegaanka gudehayga ah. Ma aqaanno goorta iyo meesha aan ku caadiyayn doono. Wax kasta se adigaa iiga daran eeddo!.

 

Ma xasuusataa maalinkii aad Xamar iiga dhaqaaqday? Sow ma xusuusatid in aad iga tagtay iyadoo hoobiyuhu ku soo dhacayo gurigeenna? Ma ogid miyaa in aan wax badan u nolaa sidii eeyaha? Eeddo markaad ila hadleyso, waxaas oo dhan waad is illowsiidaa. Ma ihi qofkii aad Neyroobi ka aadday iyadoo oo ka dhex ooyaysa guri xun oo Fillo mirirtay ah oo horay iyo gadaalba ka dunsan. Maalin walba maad iyo qosol baad ii soo wacdaa. Jixle ayaad la dhacdaa, laakiin anigu waan aammusaa. Ma is weydiisay sababta aannan kuula qoslin? Waa aan ka xumahay in aad fahmi wayday taas. Curaddii hooyaday baan ahaa, in badan ayaa aan la sheekaystay ka hor inta aan luxudka loo dhigin. Waxaa ay ii sheegtay in aad hadda ka hor anigoo yar berked ay biyo ku jiraan igu ridday. Si dirqi ah in la iiga soo badbaadiyayna waa maqlay

 

Waan maqlay in aad dhowr jeer oo kale igu gardarrootay. Eeddo? adduunaydaa nasiibkaa, aniguna ayaankay. Waan xusuustaa maalinkii aad taagnayd ganjeelka cagaaran oo aad ninkaaga ku lahayd " Tii xumayd oo madowga badnayd ma carootay? wallee naxariis iguma aragtid dheh kaymadoobay" adiga laftaadu waad ogeyd in aan araggaba ka caraysnaa, inkastoo aan yaraa, haddana jirxumada waa dareemi karay. Meel iyo goor aan kula heshiiyayna ma jirto. Dad badan waxa ay dhintaan iyaga oo ehel nimo lagu dulmiyay ama lagu dayacay, anna ciil uun baan la god geli doonaa.

 

W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo

[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...