Wasiir Maxamed Kaahin Oo Nin Maxbuus Ah Ka Hor istaagay Inuu Ka Qayb Galo Jinaasada Xaaskiisa

0
Tuesday March 03, 2020 - 11:18:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Nin Maxbuus Ah Ka Hor istaagay Inuu Ka Qayb Galo Jinaasada Xaaskiisa

    Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mar Hadduu Nin Weyn Oo Mujaahid ahaa Waxey Aheyd In Uu Maxbuuska U Daayo Ka Qeybgalka Jinaasadda Xaaskiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mar Hadduu Nin Weyn Oo Mujaahid ahaa Waxey Aheyd In Uu Maxbuuska U Daayo Ka Qeybgalka Jinaasadda Xaaskiisa

Maadaama aynu nahey Dad Islaam ah oo heysta Diintooda Suuban, tixgalin iyo qadarin iyo mudnaana siiya dhaqanka iyo xeerarka islaamka,iyo dhaqankeena mudan isu-tanaasulka iyo sida loo qalbi ilaaliyo xuquuqaha qofka geeri, iyo arimo la xidhiidha ay lasoo daristo waa mid qof kasta taabata oo ah lama huraanka aanu qofna ka badbaadeyn ee lagu hoyano ka u sareeya iyo kan u hooseeya labadaba.

Muhiimadda ugu Weyni waxey aheyd, In Ninkaa Maxbuuska ah oo aan Lasii deyn laakiin loo ogolaadey in isagoo Maxbuuskii uu ahaa ah, uu kaga qeyb galo, jinaasada Xaaskiisa geeriyootey islamarkaana, ay arkaan Caruurtiisa rajoobey, ee uu isaguna ka xidhnaa mudada Sanadaha ah Waxey taasi lamid tahey sida loogu ogolyahey (Maxbuuska),in uu Xaaskiisa la kulmo isagoo Xidhan ujeedada Nuxurka Qoraalkeygan ayaa ku sahabsan arrin lala fajacsan yahey Maalmahan kadib Markii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ah Nin Weyn oo shacabka dhexdiisa Muxtaram ku lahaa oo kamid ahaa ragii ka dagaalamey ee banaanka uga baxey in Shacabka Xuquuqdooda la dhibaateeyo,lakala geeyo ama lagu qaaddo Xukun adag oo lafjab ah Waxaa la yaab leh in uu Qaflad kaga daba tago oo Ciiddan u dirro Nin Maxabuus ah oo Dawlladii haysatey ee uu u xidhnaa garatey in isagoo ilaalo la socoto oo(Maxbuus), ah aaska ka qeyb galo caruurtana Niyada u dajiyo oo Albaabka Geerida hooyadood ku baneysay ay kaga Samraan aragtida Aabahooda Xidhnaa oo isla maalintaa loo soo fasaxey Cajiib.



Waxaan leeyahey Arintaasi may aheyn, tii Wasiirka laga filyay may aheyn mid Islaanimada, meelna kaga jirta, may aheyn mid ku fiican dhaqanka umadeena, Waxaan u maleynayaa in aanney dhaqanka Millatariga iyo kan gaaladana meelna kaga jirin haseyeeshee, ay noqonayso middii aynu maanta kaga Tilmaan qaadan laheyn oo kaliya in ay la asbaab tahey tii uu Mujaahidka ka ahaa Maxamed Kaahin(Wasiirka Arimaha Guduhu), ee uu mudada badan Magaca iyo Maamuuska inooku sheeganayey,oo in badan inoo lahaa ‘Waxaan ahey Sarkaalkii Afraad ee Ka Tallaabey Taliskii Siyaad Barre iyo Xukunkiisii’ Marka uu isaga Xukunkiisu yahey mid uu Beeshiisa oo kaliya ka dhagaysto oo jeebkiisa kala soo baxayo, oo aanu Wax tixgalin ah Qarankii iyo Hay,adihiisii midna Siinayn oo aanu Xurmo cidna ugu haynin oo aanu Madaxweyne iyo Dawllad midna ku tixgalinin Sidee bay umaddii kale ee Somaliland ugu kalsoonaan karraan.


Gabagabadii annigoon ku dheeraanayn Nuxurka Qoraalkan Waxaan horta tacsi u Dirayaa Ninkaa Maxbuuska ah Ina-Dubbad oo aan leeyahey Eebe Samir iyo Iimaan hakaa Siiyo Xaaskaaga Geeriyootey,adiga iyo Caruurtaba illaahayna Quluubta ha kaaga Reebo arinta Foosha Xun ee kugu dhacdey, Wasiirka laf ahaantiisana Waxaan leeyahey Geeridu Waa Xaqqe Wasiir waa inaad Qoyska iyo Caruurtaba Xuquuqdooda mariso falkaa foosha xun lehna Raali galin ka Siiso, ilaa iyo hadda dadkii kama ay bogsan dhacdadaa Xanuunkeeda, Wixii dhibaato ah ee Maxbuuska ku yimaadana aad adigu dusha u ridataa Masuuliyadeeda, Wixii Dilka la Xidhiidhana iyo kiiska Marxuumku u Xidhan yahey, waxa Qurux baddan inaad u kitaab eegto Dilalka Beeshaadu geysatey mudadii aad Xilka Wasaaradda haysay iyo intii ka horeysayba oo Gobanimada loo marey aad u marto beeshana Ku Qanciso.


Wa Bilaahi Tawfiiq

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...