Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.7aad (Abdi-S hotaly).

0
Tuesday March 03, 2020 - 11:08:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.7aad (Abdi-S hotaly).

    Akhiristaw ma cas-casa balaayadda, qalbi jabka, soof-daran habawga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhiristaw ma cas-casa balaayadda, qalbi jabka, soof-daran habawga,
xinjiro daadiska la isku jebinaayo ummadda, cuqdadda iyo colaadda lagu kala dhex abuuraayo, kala eriga bulshadda, kala faquuqa inba gees been loogu jeedi-naayo,anshax xumidda shicibka lagu kala soocaayo, ficil-tanka qaawan ee aan geed-na loogu soo gaban, waalidda sii afar qaadaysa, hooyo cayga madaxdda mucaaridka "Xaafad-tooyadda" lagaga samaynaayo, dalkii oo jeex tegay, Maamulka Xamar oo hoosta heshiis laga yahay, hadana beello gaar ah iyo mucaarid baa wata lagu hadoodi-laayo, kala duruga la sii kala fogeeyey reeraha, iimaan la'aan ah qaataye-qaado, misana la rabo in qiiqa la dedo, oo ay u qalab-dhebeyaan siddii heestii ay haweenku u tirin jireen qorqodaha ee ahayd " Qoraneey qor-qode wuu qayliyaa, oo wuu qax-tamaa, naa neefka qal,oo qari buu yidhaa, naa qiiqgu yuu bixin buu yidhaa" oo micna-heedu yahay, weligaa ha qiran wax kaste oo aad samayso, denbi kaste oo lagugu hayo, afka booshka soo marso oo dafir, cid kale-na ku sheeg oo yaan lagu marin, xataa haddii aad qof dhan liqdo, oo cagaha la hayo, aniga maaha dheh, weligaana ha ogolaan, hoos-tana ka sii waddo waxad is dhaafi-nayso, oo been indhaha u cadee ciddii kugu qabata. Way tiro dhaaftay ilaa xad aan qiyaas kahayn, qalooca xad gudubka ah, ee lagula kacaayo ummadda u dhalatay waxan laga dhigay " Maamul Goboleedka Somaliya" Waxad mooday-saan malaha in ay ka tahay madaxnimo jacayl, ee runtu waxa weeye hadaf-koodu, dhaqaale urursi ay xoolaha ummdda tuuganimo kaga haqa-beelaan. isku soo celceliyoo, Hurgu-mooinka ay hoosta malaxdu jiifto, kana horseedka ka yihiin askartu, waa wax aan gun-toodda la soo taaban karayn ee intaas ka qoto fog, dherer iyo balac-ba ama balaadh-kaba. Waxa hore loo yidhi " Bello nin yidhi gunta soo taabo isagaa ku baxa, sidaas weeye xaal-kuye, kanina ( Waa raggii ma Adigaa ka hadhaye iyo ka uu u sareeyo'e geenyo shaaximane) wax yar baw hadhay in lagu hnijiyo, ee ku soo dhawaadda ceebaha cadaanka ah ee falkina-yeen sidda kebeddii haweenku kunka nooc ee dun iyo xadhko ah ku samayn jireen, anaa idinka dhergine doono ibitiladda ay ina dhaxal siiyeene:-

Wallee qalaxeey, nin qadeeyoo, qawlka dufankii, qoyan yahay weli, kuwo qatanoo, qurus daayo, qaxwe aan cabin. isku reer qudhac, qaan-taan bixinaa, miyey is qabtaan ( maanso hore loo tiriyey baan ka soo qaataye), Waxan uga sodaa laba is qabta maaha, waxay-na hadeer taagan tahay gabagii (Ihun) Cabdi Gahayr ee uu lahaa " Nin Qatani, Nin qado haysta, waa inuu ku quus-taaye" Halka uu hadeer dalku maraayo baa ah, marxalad loo kala baxay Mid dherega ay calooshu shan mayl ka horeyso, oo daaca-diisa laga subka-naayo iyo mid dooxa qashinka lagu qubo, naf ka daya oo ku nool, way-se kala bixi, sidaas-na ahayn maysee waa la isku quusan, oo inoo kala goo bay iman, dhan-kay doonto haw dhacdee, igana hoo qodobo kale oo iyana yaab leh,oo uu la yimaadeen maamulk ku sheega Askartan kunka jeer ka xun " Af-Weyne", oo waxay is leeyihiin canjila, aaba-hooddii digtoonaw mooyee, aan wax kale soo barin, kuwan dhegaha la', waxana ay yihiin qodobadu:-

(1) Waxay ku bilaabeen labadan daaquud ( Waa ragii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane), in ay ummadda juuq dhaw-raan, oo car hadal yidhaahaan, haddii aanad been nagu amaanayn, waxa aanu walaaqa-naynana ma sheegi kartid, Ma jirto Xoriyatul qawl, iyo saxaafad madax-banaani, ee waa durbaan dhalan-teed ah noo garaac, arima-haas waxaa lagu xidh-xidhay, muwaadiniin fara badan oo bilaa denbi ah, loona haysto maxaad noo kashifay-saan, waana kuwan hoos ku qoran in tusaale ah oo aan idin xasuusi-nayaa akhristaw.

(2) AbdImalik Musa Coldoon, oo soo ban-dhigay daboolihii aduunka ugu weynaa, kaas oo ay askartu ku soo casuumeen Dugsiga Abaaso, kaas oo yidhi isklu dhunkadda sidda dumarka. kaaga darane hablihii yidhi u socdda sidda kuwa wax xayey-siiya ( Cat-walk girls) oo xubna-hiina qurxoon qaawiya ( Finka cawdu-bilaahiye), Ilaa 17kii bishii April 2019kii jeelka buu ugu jira arin-taas awgeed Abdimalik Musa Coldoon.

(3) Abwaan baashe oo isna gabay ka tiriyey maamul xumaanta dalka ka taagan iyo sidda wax u socdaan, waxa lagu xukumay 8 sano oo xadhig ah iyo $600.000 oo doolarka Maraykanka ah, laakiin ay sii daayeen mudo sanad iyo 8 bilood ah ka bacdi, Hay'yadaha Caalmiga ah ee u doodda Xuquual-Insaanka ee la yidhaaha "Amnesty International iyo Human Rights Group".

(4) Macalin Cabdil-qaadir Xasan, oo Isna sidoo kale lagu xukmay 8 Sano oo xadhig ah iyo $ 600.000 oo doolarka maraykanka ah, isna ay sii daayeen hya'yadaha" Xuquual-Insaanka ee la yidhaaha Amnesty International iyo Human Rights Group"Markii uu xidhnaa mudo la mid ah taas Abwaan Baashe.

(5) Suldaan Abshir Mohamed Ducaale, Oo ah suldaan ka hadla dulmiga iyo tacdiga lagu hayo hayo Gobolka Awadal, oo mudo laba bilood ah ku xidhnaa Jeelka mandheera, isna isaga oo aan la xukumin, markii dambe ay sii daayeen Hay'yadaha sare ku qoran ee u dagaalama " Xoriyatul-qawlku".

(6) Dr Mukhtar Cali Aadan, oo maqaal aan anigu qorey ku faafiyey baraha bulshadda iyo war-baahinta ku ab-tirsata Gobolka Awdal, oo isna mudo laba bilood ah jeelka Boorame ku jirey bilaa xukun, markii danbe damiin ahaan ay ku soo daayeen " Amensty International iyo Human Rights Group" ha-yeeshee maalmo ka bacdi markuu debedda joogay, la yidhi dib ha loo soo xidho, laakiin nasiib wanaag, isaga oo la doon-doonaayo hoos ahaan ugu bax-saday dalka Itoobiya, ilaa imikana ku nool, haduu soo noqdana xadhig lala sugayao.

(7) Waxa iyana si badheedh ah loo xidhay oo uu Gudoomiyaha Baanka Dhexe ( Baqdaadi) Ashtakeeyey dhamaan shaqaalihii War-baahinta ugu caansan Somaliland (Hadhwanaagnews) ee Hargeysa, iyaga oo lagu xidhay Maqal aan anigu qorey, oo xatooyo xoole dad weyne ku soo ban-dhigay, Xafiiskii Hargeysa waxa ay maamulka askartu ka gurteen dhamaan qalbkii ay ku shaqaynayeen, aakhirkiina waxay u baxsa-deen Xamar," Tafa-tirihii, Agaasimihii iyo weriyihii warbahainta ee Hargeysa, halkaas oo ay uga sii talaabeen dalka Yuqaandha, oo ay ilaa imika joogaan, war-baahin-tiina laga mamnuucay in laga akhristo Somaliland, ka dib markii ay shirkadaha is gaadh-siinta lagu amray in aanay u furin khadka Internet-ka, si aan loo akhrisan dalka gudihiisa.

(8) Abdirazak Teera, oo ahaa Weriye ka soo dayn jirey warka BBC-dda Af-Somaliga ee London, kaas oo isna dalka ka mamnuunc ah in uu soo gallo, ka dib markii warar run ah ka sheegay askarta dalka rogtay iyo waxay ku kacayaan, eexdda, abyaaladda, isku dirka, in yar oo dheregta, inta kale-na laga ilaaliyo oonta, Hargeysa oo in yar biyaha iyo laydhka loogu roon yahay, ilaa 75% ka mid ahna laga ilalaiyo in ay helaan, arima-haas iyo qaar kaloo fara-badan, oo uu baahiyeey baa lagu haystaa runa ah, waxana ay ku xukumeen dil isaga oo dalka ka maqan.

Lama soo koobi karo waxa ka dhacaaya dalka, ee ay noloshii, xoriytal-qawlkii, midni-maddii, wadda jirkii, wax wadda lahaanshihii intiiba ay ka baxeen daaqadda, oo ay xaaraan ku haystaan dhuuni raacyo u soo shaqo tegay, oo lagu shaqaalay-siiyey qabyaalad iyo beelaysi, aan xad iyo xishood mid-na aan lagu ogayni. Laga dhamaan maayo ee waxan ku soo xidhay qaybtan iyadda ah, Heestii uu qaadi jirey (Ihun) Cabdi cali Bacalwaan ee ahayd "Hays odhanin cidi kuma arkaysee, aqlo jeexo", Waxan uga soo qaatay intaas heesta, kuwan meesha ka buuf-taamaa ee raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan iyo weliba dhuuni raac-yadda lagu masruufaa, ha ogaadeen in lala socdo, oo wax qarsooni aanay jirin haba yaraatee, hora aloo yidhi " Nin is waalaba waabiyaa hela", ee hadda way iska soo dhamaan beenta iyo sheeko baralaydda lagu maaweeli-naayo ummadan teeddii ay cuslaysay.

La Soco Qaybta 8aad.

* N.B Hays Odhanin Cidi Kuma Arkaysee,Aqlo Jeexo .

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...