Maraykanka Oo Albaabada U Xidhaya Xarun 3,000 Oo Bisadood Lagu Dilay

0
Wednesday April 03, 2019 - 08:35:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Albaabada U Xidhaya Xarun 3,000 Oo Bisadood Lagu Dilay

    Waaxda beeraha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay joojinayso xarun bisadaha lagu dilo oo cilmibaaris loo adeegsado,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda beeraha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay joojinayso xarun bisadaha lagu dilo oo cilmibaaris loo adeegsado,

ka dib markii ay bulshadu aad u dhaliishay arrintaas.


Bisadaha waawayn iyo kuwa dhasha ah ayaa la qali jiray si loogu adeegsado cilmibaaris lagu samaynayo caabuq ama fayras inta badan bisadaha ku dhaca oo mararka qaar cuntooyinka lagu arko

Bisadahan ayaa lagu quudiyaa hilib xanuun lagu tallaalay iyo waxyaabo kale si loogu tijaabiyo.

Marka cilmibaarista laga dhamaystana bisadahaas ayaa la dilaa.



Dhakaatiirta xayawaanka ayaa ku dooday in xannuunka bisadaha lagu tallaalo uu yahay mid la dawayn karo, sidaas darteedna loo baahan yahay in la daweeyo oo lagu wareejiyo dad xanaanaysta badalkii la dili lahaa.

In kabadan 3,000 oo bisadood ayaa la dilay tan iyo markii cilmibaaristan la billaabay 1982, WCWP oo u dooda xuquuqda ayaa sheegay in barnaamijka bisadaha lagu laayo ay ku baxdo 22 milyan oo doolar oo ka mid ah canshuurtii shacabka laga soo aruuriyay.


Bishii maarso ayay xildhibaannada Kongareska ee labada xisbi oo midaysan u codeeyeen in meesha laga saaro sharcigaas bisadaha lagu laayo, iyaga oo ugu yeeray "kawaanka bisadaha ee canshuur bixiyeyaasha".

Jimmy Panetta oo ka mid xisbiga Dimuqraadiga aadna ugu ol'olaynayay in meesha laga saaro sharciga fasaxayay in bisadaha la laayo ayaa markii meesha laga saaray sheegay in arrintan ay muujinayso waxa ka suuragali kara siyaasadda.


Bisadaha hadda xaraysan ee dilka sugayay oo 14 ah ayaa lagu wareejin doonaa shaqaale ka tirsan wasaaradda beeraha ee dalka Maraykanka, si ay u xannaanaystaan.


Dadkii cilmibaarista samaynayay ayaa sheegay in ay kala bar yareeyeen halista xanuunka toxoplasmosis, kaas oo halis ku ah carruurta uurka ku jirta iyo dadka uu liito habka difaaca jirkooda.


BBC

Loading...
Loading...