Dawlada Kenya Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Hudheel Ku Yaala Muqdisho.

0
Friday March 01, 2019 - 22:51:01 in News by Super Admin
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Hudheel Ku Yaala Muqdisho.

    Dowladda Kenya ayaa farriin tacsi ah u dirtay xukuumadda Soomaaliya, iyadoo u muujisay sida ay uga xuntahay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa farriin tacsi ah u dirtay xukuumadda Soomaaliya, iyadoo u muujisay sida ay uga xuntahay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa ku lifaaqday warqadda tacsida ah oo uu ku saxiixnaa xog hayaha joogtada ah ee wasaaraddaas Macharia Kamau.

Qoraalka oo lasoo saaray maanta ayaa lagu yidhi:

1- Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay iyadoo xanuun qalbiga guntiisa hoose u dhaadhacay dareemeysa tacsi tiiraanyo leh u direysaa xukuumadda iyo shacabka dowladda federaalka Soomaaliya, ka dib weerarkii argagixiso ee musiibada ahaa ee laga fuliyay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. heinous

2- Falalkan argaggixiso waxay khatar isku mid ah ku yihiin shacabka labadeenna waddan, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa sida loogu baahanyahay inaan si dhow oo wada jir ah uga wada shaqeyno, innagoo kaashaneyna istiraatiijiyadda xulafadeenna, sidii loo wajihi lahaa dagaalka argagixisada iyo xagjirnimada qalalaasaha wadata, si aan ula tacaalno ugana adkaanno halistan isla markaana ugu baddalno nabad iyo amaan.

3- Maadaama uu yahay dal aan walaalo nahay, waxaan naxariis iyo dhimrin u muujineynaa isla markaana garab taagan nahay qoysaska soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuweenna, waxaana uga tacsiyeyneynaa geerida dadkii ay jeclaayeen ee iyagoo aan waxba galabsanin noloshooda ku waayay weerarkan naxdinta leh.

4- Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya waxay tacsida u gudbisay Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna u xaqiijisay sida ay Kenya diyaar ugu tahay iney sii xoojiso wada shaqeynteeda la xiriirka dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Marwo Monica Juma ayaa shakhsi ahaan uga tacsiyeysay weerarkii Muqdisho oo ay ku tilmaantay mid musiibo ah.

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyada ruxay Muqdisho iyo howlgalkii daba socday oo lala beegsaday hotel iyo guryo ku yaalla waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, halka dad 50 kor u dhaafayana ay ku dhaawacmeen.

Farriinta tacsida ah ee dowladda Kenya ayaa kusoo aadday xilli ay dhawaanahan xiisad diblomaasiyadeed soo kala dhex gashay Kenya iyo Soomaaliya.

Khilaafka labada dal ayaa salka ku haya muranka lahaanshaha qeybo ka mid ah biyaha xadka dhinaca badda ee kala qeybiya.



Sources: BBC Somali.

Loading...
Loading...