Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Su,aal Galiyey Qorshe Uu Kornayl Muuse Biixi Ka Dhex Wado Kulmiye
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyihii hore ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Siyaasi Jaamac Ismaacil Cige(Shabeel) ayaa ka hadlay qorshe aan wali dibada u soo bixin oo Muuse Biixi ka dambeeyo kaas oo ka dhex socda xisbiga Kulmiye.
Siyaasi Jaamac Shabeel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye ay cay ku tahay in la hor wad wado wasiir Saleebaan Cali Koore oo uu tilmaamay inaanu jirin wax uu xisbiga Kulmiye u qabtay balse uu tilmaamay inuu wato hogaamiye Muuse Biixi.
Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Waxay ceeb iyo naaqusnimaba ku tahay ragii xisbiga u soo halgamay, waxa kale oo ay meel ka dhac ku tahay kaadirkii xisbiga Kulmiye, waana riwaayad yar oo la soo abaabulay oo aanay jirin wax macno ah oo ay ku fadhidaa, wasiirbaa loo ciyaarayaa maxaa ku dhex jira, Ina Cali Koore waanu is garanaynaa.”
Sidoo kale siyaasi Jaaamac Shabeel waxa uu sheegay inaanay jirin cid uga shaqo badnayd xisbiga hadii hawlkarnimo loogu abaal gudayo dadkii tacabka galiyey xisbiga waxaanu yidhi "Hadii cidbaa xisbiga wax u soo tartay oo wax u soo qabatay lagu muunaynayo nina igama lahayn aniga, hadii intaas lagu ixtiraamayo qofna aniga ayaa laygu ixtiraami lahaa oo xisbiga kumuu jirin nin iiga shaqo badan oo iiga lexejeclo badnaa oo iiga wax qabad badnaa laakiin waa riwaayad yar oo muraad kale laga leeyahay, Waxaanse la yaabay kuwan xisbiga sheeganaya ee ka daba mushxaradaya, maxay ka mushxaradayaan ee uu qabtay iyagana dheer yahay waa maxay, muraadkii ayaa la qarinayaa laakiin wuu iska soo bixi,”
Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa su,aal galiyey muraadka uu Muuse Biixi qorshahan ka leeyahay waxaanu mar kale yidhi "Aniga waxaan u arkaa markaan dadka sidaa u eegay arin madaxweynuhu dabada ka wado, markaan raga iyo dumarka mushxaradaya eegay waxaan ku qanacsanahay oo aan u arkaa arin uu Muuse dabada ka wado oo uu muraad ka leeyahay, waanu iska soo bixi doonaa muraadkiisu.”
Hadhwanaagnews.com