Mustaqbalka Sooyaalka Siyaasadeed ee Soomaliland. Qaybtii 2aad

0
Monday March 02, 2020 - 17:21:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalka Sooyaalka Siyaasadeed ee Soomaliland. Qaybtii 2aad

    dhaqan siyaasadeed ku salaysan kobcinta afkaarta keli-ahaansho,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhaqan siyaasadeed ku salaysan kobcinta afkaarta keli-ahaansho,
keli-lihinimo iyo iska-caabinta fikirka aan kiisa ahayni waxay jahwareer iyo faham la`aan dhinaca ay wax u socdaan ku keentay, silamarkaana ay khalkhal iyo dayaw ku keentay shacabka ay codkooda ku joogaan, kuwaasoo aan ka warhaynm Xeedhada siyaasadeed waxa ku dhex jira iyo hirdanka siyaasadeed ee Muxaafidiinta nooc kasta oo ay yihiin iyo Mucaaridiinta nooc kasta oo ay yihiinba waxyaabaha ka dhex socda ee ka dhax aloosan, kuwaasoo Shacabka u tumaya Durbaan laablakaceed oo khiulaaf ba`an ku dhextuuraya sida dab la shiday, marna daminaya khilaafka, kuwaasoo Shacabka ku soo celinaya rajo aan saadaalin dheer oo kalsooniyadeed lahayn.


Waxyaabaha lagu yareyn karo siyaasad xumida maanta, waa in la xoojiyaa hay`daha madaxa-banaan ee cilmi-baadhiseed oo u dhigma ama ka xoogan hay`adaha Dawladda oo dabagal aqooneed ku sameyn kara, si loola xisaabtamo, ixtimaalna loogu samayn karo dhismaha siyaasadeed ee Dawladnimo fahamkeeda sida kor u qaadida nooca fahamka dhaqaalaha siyaasadeed (political economy), wadada siyaasadda maaliyadda dalka iyo noocyada (monetry policy) iyo ( fiscal policy) ga ee Dawlidnimo ee xeedhada ku dhex jira. Kor u qaadida iyo iftiiminta Arimaha Bulshada, saqaafadda, dhaqan-dhaqaalaha iyo Falsafadda maamuleed, taasoo kor u qaadaysa tayada-aqooneed ee bulshada (human capital) si loo fahmo oo loogu gundo-dego gudaha xeedhada siyaasadeed.


Mohamud Hussein-Finland

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...