Ma Ilduuf Nololeed Baa Ina Helay, Mise Arad Aqooneed ? !!!
Aduunkani waxa uu ka bilaabmay Aabo iyo Hooyo kaliya
oo ahaa Nebi
Adem cs iyo Xawa , waxa ifka lagu soo tuuray iyaga oo qaawan , waxaa loo
keenay sabab iyo macno weyn oo looga soo saaray janadii iyo halkii ay
ku noolaayeen sababihii doonaa ha jiraane , waxa ay bilaabeen noloshii
oo midiba dhinaciisa qabtay , waa ay tarmeen , noloshooda iyo ujeedada
aduunka loo keenay waxa ay sidaa cilmi dhan oo adiga laguugu talo galay.
Noloshu way soo socotay oo jiilba jiilba buu u soo dhiibayey ,
Nebiba Nebi kale ayaa ka dambeeyey ilaa la soo gaadhay taariikhdii uu
noolaa Nebi Nuux cs oo marlabaad aduunka uu Alle swt biyo ku rogay
markii laga baydhay amaba la garan waayey ujeedadii nolosha ee aduunka
loogu noolaa , halkaasi waxa ka bilaabmay noloshii labaad ee Ilma Nebi
Adem oo ka unkantay intii raacday Nebi Nuux , dad iyo nooleba kaleba ,
sidaasi ayey u soo socotay oo loo tarmayey oo aadamuhu u waday isbadelka
nolosha iyo waxii uu ku soo kordhinayo ilaa la soo gaadhay maanta oo
Ilma Nebi Adam aqoon iyo aragti marba marka ka dambaysa usii siyaadayso
oo horumar la sii gaadhayo.
Dadka dunida guudkeeda ku nool sidii ay dhibtu ugu soo kala horeysay
ayey u kala fikrado iyo dedaalo bateen , waana halka ay ka timid
aqoonta iyo horumarka aduunka guudkiisa yaalla maanta oo marka horena ka
timid samada , sababta oo ah noolaha , ma noolaha iyo xayndaabkiisa
ayaa ah aayado muuqda oo lagu garanayo in aduunka macno weyni ka
dambeeyo , marka laga reebo waxii si cad oo samaawi ah u yimid inta kale
dedaal bay ku timi iyo ujeedooyinka weynuhu ka lahaa.
Isbadelada kala duduwanaa ayaa aduunka marba cidi sareynaysay cid
kale oo sareysaysana baaba'aysay , arimahani ayaa iyaguna ahaa aayado
iyo mucjiso nool oo Adamaha la tusayo awoodaha ilaahay iyo asbaabaha
dhacdooyinkani sababayaba oo u baahan wax ku qaadasho iyo in laga
faaiideysto oo aad loogu fiirsado si loo buuxiyo ujeedooyinka nolosha
iyo kaalmaheega u baahan buuxinta iyo kaa faaiideysiga waxyaabaha ku
xeeran ee maalinwalba dhacaya.
Haddaba aqoonta inaga ina soo gaadhay ayaa ah , sadex qaybood marka
aan daraaseeyey oo kala ah 1- Aqoon deegaanka iyo sida aynu ugu
noolaanaynaa ina bartay oo aynu kala dhaxalno. 2- Aqoon samaawi ah oo uu
Alle keenay oo ah kutubtii iyo waxii nebi muxamed ka tagay scw 3- Aqoon
maadi ah oo ku timi dedaalkii aadamaha iyo tuujintii maskaxaha dadkii
hore oo marba wax lagu sii kordhiyo oo halkii ay taagnayd kor looga sii
qaado.
Dhaliisha aynu leenahay ayaa ah in aynaan aqoontii deegaanka iyo
noloshu ina bartay aynaan sii wadin oo hore u marin , waana sababta
aqoon kale oo 90% aan ku haboonayn deegaankeena iyo nolosheena aan u
barano , iyada oo aynu ku qasbanahay cida abka u leh waxa aynu baranayno
in aynu daba socono oo la ina hogaamiyo duruufahani jira awgood , hada
ogow aqoontani waata dhalisay in qaaraduhu kala horumaraan oo dadku
isdaba socdaan , inta badan kumaynaan salayn goobta aynu ku noolahay iyo
waxa ay nolosheena ka anfacayso inaga ahaan.
Marka aad dib u raacdo taariikhda waxa jirtay maalin qofka Somaliga
ahi aanu aduunka kale 99% waxba uga baahnayn laakiin aduunku isaga u
baahnaa , maalintaa waxa aynu nooleyn noloshii dhabta ahayd ee dhulkeena
iyo dadkeena anfacaysay , waa laguu yimid oo waa lagaa raray ama lagaa
dumiyey taadii si aad tu kale u qaadato una hogaansanaato , waxaa lagugu
abuurey baahi aad bakhtiyeyso hadaad aduunka kale ku xidhnaan waydo ,
waxaa aad noqotay suuq cidwaliba wax keento oo aan isagu waxba cidna u
geyn intani waa ujeedooyinka gumeysiga laga lahaa ee aduunka la isku
qabsanayey.
Waxa la abuurey cadaawado iyo dagaalo aduunku wada galay oo dano la
isku haysto ay ka mid tahay dhaqaale , isku awood sheegasho iyo aduunka
yaa ka talinaya , laga yaabee in aynu nahay kuwa la isku haysto ha
yeeshee waxaa si dadban oo dano ku jiraan laguugu qasbi in aad cid
dhinaca saarto oo dagaal aanad ujeedooyinkiisa garanayn gasho riiqdiisa
iyo dhibaatooyinkiisuna ay suuragal tahay in ay qarniyo ku daba socdaan
oo hagardaamo uun aynu ka dheefno.
Isku soo wada xoori ma ilduuf nololeed baa inagu dhacay mise arad
aqooneed baa ina haysta , waayo maalintii aanay Somalidu aduunka waxba
uga baahnayn iyo maanta oo aynu aqoon sheegano keebaa aynu aqoon badnayn
bal isweydii , waxa kale oo aad isweydiisaa aqoontan aan waxba ka soo
saarayn deegaanka aynu ku noolahay, nolosheenii waxba uga badali weyday
sida kuwa inoo keenay aqoontan ay ugu horumareen , laakiin inoo noqotay
quutal daruuri qofwaliba ku qasban yahay hadii uu waayona uu noqonayo
mid aan qadaynayn ama nolosha ku qasaaray taasi oo sababtay tartan ku
jihaysan meel aan aheyn halka aynu ku noolahay iyo hiigsi aynu cid kale
daba socono.
Waxa aynu lahayn nolol dhamaystiran oo isku filaansho ah , waxaa
keenay aqoon aynu lahayn oo u baahnayd in tacab iyo tabar la galiyo si
aynu u ahaano umad la hiigsado oo wax hogaamisa , ee may ahayn in aynu
labadaba ka guurno oo tu aynaan garanayn marqudha u wada guurno , waana
la inoogu talogalay oo cid baa qaabaysay in aynu sidan noqono , ilaa
maantana isma weydiino horta maxaa la idiin hogaamiyaa ee aad wax u
hogaamin waydeen , waayo la inagama dal wanaagsana , la inagama dad
wanaagsana la inagama khayraad badna la inagama xoolo badna laakiin waa
la inaga caqli batay !
Waana sababta maanta aduunka uu u jiro gumeysiga maskaxeed ee socdaa
, waanu soconayaa ilaa inta aynu garanayno danteena iyo waxa aynu rabno
iyo halka aynu u socono iyo waliba sida aynu doonayno in aynu
nolosheena u qaabeyno mustaqbalka dambe iyo isweydiinta dhaxal aqooneed ,
nololeed iyo taariikheed maxaad uga tagi doontaan dadkiina dambe !
Muxamed Dhimbiil
Email: [email protected]
Mob: +252634429221
Hargeisa, Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...