In Golayaasha Deegaanka Lakala Dirayo Waxaan Ku Gartay Markuu Maxamed Kaahin Isdhaafiyay..W/Q Najiib Ismaaciil Maxamed

0
Tuesday April 02, 2019 - 21:40:19 in Articles by
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Golayaasha Deegaanka Lakala Dirayo Waxaan Ku Gartay Markuu Maxamed Kaahin Isdhaafiyay..W/Q Najiib Ismaaciil Maxamed

    In Golayaasha Deegaanka Lakala Dirayo Waxaan Ku Gartay Markuu Madaxweynaha Labaad.Maxamed Kaahin Isdhaafiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Golayaasha Deegaanka Lakala Dirayo Waxaan Ku Gartay Markuu Madaxweynaha Labaad.Maxamed Kaahin Isdhaafiyay

Mid la isweydiin Maayo oo Waxaan.la.isweydiinayn in Talada uu Soo jeediyaa Tahey Tan ugu Dambeysa ee Khalad iyo Sax uu Muuse Biixi Duuduubka ku Qaato Wasiirka Arimaha Guddaha ahna Madaxweynaha Labaad ahna Wasiirka Rasmiga ah ee Wasaarada Gaashaandhiga Kadib Markuu dhaafiyay Ninkii Warsangali Waxa kale oo aan La isweydiinayn in Jagadii Wasiir-Kuxigeenka Amniga Islamarkaana ah Wasiir Kuxigeenka Koowaad ee Arimaha Guduha, iyo Agaasimaha Guud ee D/ hoose oo loo Wareejiyay Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradaasi in ay Wali Banaan Tahey oo aan Cidina Soo Buuxin, taas oo Sababta loo Buuxin Waayay aan laba Cali isweydiinayn.


Haddaba ama ha la isweydiiyo ama Yaan la isweydiine Waxa ay Hawshaasi u taalaa Wasiirka Wasiirada Maxamed Kaahin, Waxaana Suurtagal ah inaan habayaraatee cidna Loo Magacaabin halkaasi ama Uu keensan Doono Laba abaal ku qaba oo aan D/hoose iyo Maayaro midna faragalin ku Yeelan oo Waxey Maqlaana Wasiirka usoo Sheega Waxa uu Ku Yidhaahdana Qaata Sida Waajibaadka Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ku Suntan, haddana Marka ay Sidaa Tahey Waxaan habayaraatee Mugdi kujirin oo aan Shacabka qarsoonayn in Odaygaa Tallada Xiligan Awooda badan ku lihi uu Qorsheeyay in lakala Diro Dhamaanba Golayaasha Deegaanada D/hoose ee Dalka taas oo ay cadeynta Koowaad u Tahey Sida la isku dhaafiyay Maxamed Muuse Diiriye oo Ku Milmay Maayarada iyo D/hoose ee Dalka, halka ay Dhawaana Ka maqalney Xantii kadib Markii Madaxweyne Biixi ku Taliyay in laga Reebo laba Maayar oo kala ah Maayarka Berbera iyo Maayarka Gabiley uu Maxamed Kaahin Wasiirka Arimaha Guduhu arintaa lafteeda Gaashaanka ku Dhuftey isagoo Sheegay in aanaey taasi Suurtagal aheyn ee la Iswada Raacinayo.

Guud ahaanba Shacabku Raali ayuu ka yahey hadey Taasi Dhacdoin.lais Dhaafiyo Golayaasha Deegaanada oo Maayaro Cusub oo aan aheyn kuwa hadda jooga Degmo kasta Loo.magacaabo iyo Caasimadaba si ay Kacaankan Cusub ula jaanqaadaan Waxey taasi noqonaysaa Talaabada kaliya ee Shacabku ku Soo dhawaynayo Maamulkan ay Gadhwadeenka ka Yihiin Labada Askari.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...