Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.5naad (Abdi-S hotaly).

0
Sunday March 01, 2020 - 09:05:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 4
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.5naad (Abdi-S hotaly).

    Waxaynu weli ku jirnaa taxanahan ka hadlaaya " Cinwaankan" sare ku qoran,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu weli ku jirnaa taxanahan ka hadlaaya " Cinwaankan" sare ku qoran,
 Hadaba in kaste oo aan kan la odhan karin waa madax, ee uu yahay duuf-laakaa magnuunka ah, wax lagu sheego iyo magac loo bixiyo mid-na aanu u qalmin, khasrare yahay hadal hayn-tiisu iyo wakhti lumin, xataa qof waalan inaka oo nidhaah-na na xukun ay dhaami lahayd kan ( waa raggii ma adigaa ka hadhaye) Waxaynu qaybtii afraad ku bilaabaynaa, wuxuu soo kordhiyo daayo, ee baaba'a uu u geystay Ummadda Somaliland iyo dalka-ba, cudrka uu dhex dhigay, ee aan dawadda lahayn isna, ee ah reer hebel iyo qabyaalad lagu kala qaybiyo, eex-dda iyo isku dirka dadkii meel u wadda jeeday, oo aan maanta mid-mid arki karaa aanu jirin haba-yaraatee,  Akhristaw waxan hoos ugu daadegayaa, talaaboo-yinkii uu ku kacay kan dhukani, oo aan halkan hoose idiinku soo ban-dhigo, inta aan maanta ka gaadhno, kolay laga gayoon maayo, burburka iyo khasaaraha ay keeneen ama dhigeen labadda askari ee maskax xumidda kala darani, kuwaas oo kala ah " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani", Ee bal ku soo dhawaadda koox kale oo iyana ah qodobo dhawr ah, oo ah afcaasha kuwa aan sare ku carabaabay ( waa askarta'e).


(1) Wuxu xoog ku boobay, kuna haystaa reer hebel, Beertii Ciidamadda Asluubta ee geed Deeb-leh, oo ay uga shaqeeyaan 12 qof, kana beero khudradda noocya-deedda kala duwan.

(2) Beer-taas iyadda ah, waxa laga waraabiyaa, ceelashii ay Dawladda shiinuhu ugu tallo gashay in Hargeysa ay ku filaadaan, oo ay ka cabaan wakhtiggii laga qoday Geed deeb-leh, laba ceel oo ka mid ah kuwaas, oo ummaddii loogu tallo galay ay ka qatan tahay, baa lagu biyeeyaa beer-taas aan sare ku soo sheegay, ee ciidamadu Asluubtu ay lahaan jireen. mudadaas 30ka sano ah ee la lahaa wax Somaliland la yidhaaho baa jira.

(3) Wuxu haystaa keliggii 13 ban-gallo ama Filo oo Hargeysa guda-heedda ku yaala, ahaa guryihii shaqaalaha dawladda, ee ay isticmaali jireen Xukuumadihii soo maray Somaliya ilaa iyo 26 june 1960ggii, oo ay weliba qaar ay ka mid ah, aynu ka dhaxalay ama dhiseen-ba Mustacmarikii Boqor-tooyadda Ingiriisku. wixii af-Weyne ka xishooday bay ku kaceen, wax korodhso baan is lahaaye, iilka ma siku sii xabalay.

(4) Wuxu mansuul ka yahay labaddii food ee dalka ka dhacay, intii uu Xusbiga Qudhmiye gacanta ku dhigay maamulka uu boobay, kuwaas oo kala ahaa,

(a) Kii deegaanka oo xataa ay dad ku dhin-teen ku shuba-shaddii ka dhacday, goob kaste oo sanuduuq ay dhig-teen, meelaha qaar-koodna ay ka xidheen muraaqi-biintii Xusbi-yadda kale, oo aanay cidiba ku wehelin.

(5) Tii abid ugu xumayd ee uu isaga laf-tiisu uu boobay, si uu ugu fadhiisto Guriggii Moorgan ee la yidhaaho " Xaafad-Tooyadda" iyana ahayd, wax aan la arag lana maqlin sheeko iyo shaahid, wax muran ahina aanay ka jirin, looga tanaasualy markii ay noqotay in dagaal ka dhaco dalka, oo ay ummadu isku dhamaato, ilayn isagu dan kama laha ee waa shakhsi soo xoogsi tegaye, kaas oo uu sababo Jaahilkan bukaa iyo kuu guudka ka fuushan yahay ee la ydihaaho Geenyo Shaaximan, oo isagu bilaa Caqli ah, wax uu diidi karaa ama yeeli karaa mid-na aanu jirin ee uu yahay " Dameeri Dhaan Raacday".

(6) Wuxu abuuray is nacii abid ugu xumaa, ee ummadda Reer Somaliland soo martay taariikh-dda aduunka intii aynu jirney.

(7) Waxa ka dhacay Musuq-maasaqii ugu weynaa, oo aan hore inoo soo marin isna, Waxa aad arkay-saan in siddii uu ku sheegay Gabaygii dalmar (Ihun) Xaaji Aadan Af-qalooc, ee uu yiidhi " Waash-maan kol ay tahay, ninkii taabay meel dheregye" kii irbad loo dhiibay-ba, wuxuu ku leeyahay fooq-yadda ugu dhaadheer Hargeysa, oo la wadda yaqaan cidda ay ka soo jeedaan ama dabadda ku hayaan. qara gaar ahna waxa la eryadaa reer hebel, kuwa ugu sii darani waxa weeye, Maxamuud Beenaale, Af-dulaaq, Ramaax, jano-ka-bood ( Waa samaale'e), Baqdaadi, solteko, Nuux Taani , Cabdiraxmaan Sakhraankii buuga hablaha ku caayey, oo inta Hanti dhawrku xisaab ku soo dalaceen uu cunay, uu askarigu yidhi waa inaadeerkay ee yaan la xidhin, xataa agasima-yaashii yar-yar iyo karaani-yiintii baa Hargeysa mid-ba jeex yeeshay, cid ka saraysa iska daayo.
 
Muwaadin waxan ku soo xidhay qoraalkan, si aanu u sii dheeraan, oo aan lagu xiiqin ama wakhti loo waayin, kaas oo aynu kaga sheekay-naynay baaba'a iyo dib u dhaca ina soo gaadhay ( Wax la soo kordhiyo daayoo). Ummadda reer Somaliland intii Ninkan maskax feredka qabaa uu soo galay meesha, ee uu balaayoo-yinkiisa dhex dhigay wax dhaca mooyee yaa sheegaaya wa khayr leh oo uu la yimi? Waxan maanta ku soo jooji-naynaa, 7ddii qodob ee ku taalay qaybtii 4raad iyo 7dan ah qaybta shanaad, inka oo aan fandhaal weli dheri darin, ee sii wadi doona waxa uu walaaqay askarigan qafal-marjaca ahi, ee bilaa qaneecaadka u dhshay qas mooyaane, Waxa hore loo yidhi " Waaliyi reer ma dhaqdo, kala roor mooyaane" Hadaba kala yaaca uu u geystay dalka iyo dadka kuma dhamayn karno maqaal iyo laba-toona. Sidaas awgeed, waxan kaa codsa-nayaa in haddii aad dacad u tahay naf-taadda, dalka, dadka, oo aad ka madax banaan tahay reer hebel ama ka naxaysid sidda wax y soocdaan, In aad si rasmi ah u baadho, waxa aan kuu soo qorey run iyo been kay yihiin, go'aana aad ka gaadhay adiga laf-taadu, ilaa imika 14ka qodob weeye, oo ka kooban qaybta 4raad iyo 5naad. inta dambe-na la soco oo kefed iyo miisaan saar, 

La Soco Qaybta 6aad iyo farsamooyinka Raggii Ma Adigaa Ka hadhay iyo Geenyo Shaaximan!

* N.B  Waaliyi Reer Ma Dhaqdo Kala Roor Mooyaane!
QorE;- Abdi-Shotaly


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...