Musue Biixi Iyo Talada Dalka Beelo Heshiiyay Mise Qaran? (Qaybtii 66aad) Qore : Maxamed Xoosh

0
Tuesday April 02, 2019 - 18:44:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musue Biixi Iyo Talada Dalka Beelo Heshiiyay Mise Qaran? (Qaybtii 66aad) Qore : Maxamed Xoosh

    Waxaa jira dad badan siiba inta dhaqanka sheegata oo fahanka dawladnimo aad u liito amaba ay aqoon daro ka hayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira dad badan siiba inta dhaqanka sheegata oo fahanka dawladnimo aad u liito amaba ay aqoon daro ka hayso

Heshiisyadii lagu samaynaayay Dawalad lawada leeyahay oo dhex u ah dadka oo dhan waxa ugu mudnaa Shirkii Boorama waxaa ka soo baxay Axdi Qarameed lagu dhisaayo Dawlad Casriya oo dadka oo dhan deeqda


Canaanta ugu badan saari maayo odayaasha dhaqanka Waayo iyagu waxay matalayaan bulshooyinka iyo beelaha ay hor fadhiyaan EEDA ugu buuran waxaa iska leh Ninka Siyaasiga sheeganaaya ee hadana jahli iyo madmadow badani kaga jiro dawladnimada

Jamhuuriyada Somaliland Ee Dimuqraadiga ah waxa loo qiray in hanaankeeda dawladnimo iyo Nidaamka Siyaasiga ah ee ay qaatay ka gooni yahay Geeska Afrika iyo Qaarada Afrika oo dhan, hanaanka ka jira Somaliland iyo hanaanka ka jira dawladaha yurub ayaa is shabaha

Bulshada Somaliland waxay aad isku weydiisaa goorma ayay dhamaanaysaa Qabyaalada Iyo Musuqu ?

Musuqu wuxuu yaraanayaa marka shaqaalaha la siiyo lacag ku filan iyo marka si fiican loo ururiyo cashuurta "dad badan ayaa cashuurta u haysta baad” waan ka xumahay in la yidhaa qofka walba ha lasoo qabto Musuqu wuu sii kordhayaa hadii Shaqaaluhu aanu daryeel ku filan oo kaga maarmo laaluushka haysan

Qabyaaladu waxay yaraanaysaa marka uu muwaadinku dareemo in dawladu ugu jirto xagii qabiilka
Cadaalad inuu ka heli karo xukuumada , isagoo lagu xidhin shahaadad iyo wax la mid ah xaq uu u leeyahay shaqo , ka heli karo daryeel caafimaad , heli karo Amni iyo Amaan Gudaha iyo Xuduudaha , heli karo TACLIIN fiican , heli karo Garsoor aan eex lahayn , heli karo dhul uu dego isagoo muwaadin ah…….


Waa marka uu Muwaadinku ka abtirsan karo Somaliland Qabiilka iyo Odayaasha Dhaqankuna Doorkoodu yaraan doono

Somaliland waa Qaran buuxa oo ka dhashay shirar joogta ah iyo heshiis sida ay dadka qaarkood leeyihiin waa beelo isku yimid waxba kama jiraan


Alle Mahad Leh




AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...