Taalibaan Iyo Maraykanka Oo Heshiis Gaadhay

0
Saturday February 29, 2020 - 19:55:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taalibaan Iyo Maraykanka Oo Heshiis Gaadhay

    Maraykanka iyo Taliban ayaa kala saxeexday heshiis looga golleeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka iyo Taliban ayaa kala saxeexday heshiis looga golleeyahay
in jidka loogu xaadho nabadda Afghanistan ka dib in kabadan 18 sano oo dagaallo ah.



Mareykanka iyo xulafadiisa Nato aya isku raacay inay ciidamadooda kala baxaan waddankaasi, 14 bilood gudahood haddii jihaadiyiintu oggolaadaan heshiiska.


Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo iyo hogaamiyaasha Taliban ayaa ka qeyb galay xafladda saxiixa oo ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qadar.


Wadahadallada u dhexeeya dowladda Afqanistaan iyo Taliban la filayaaa in xog dheeraad ahi ka soo baxdo

Sida ku xusan heshiiska lagu saxiixay Doha, Taalibaan waxay kaloo ogolaadeen inaysan u oggolaanin al-Qaacida ama koox kale oo xag-jir ah inay ka shaqeeyaan aagagga ay ka taliyaan.


Mareykanka ayaa weerarey Afghanistan asbuucyo kaddib weerarradii Sebtember 2001 ee ay geysteen kooxda al-Qaacida ee fadhigeedu yahay Afghanistan.


In ka badan 2,400 oo ciidamada Mareykanka ah ayaa la diley intii uu socday iskahorimaadkaaso. Ilaa 12,000 ayaa wali ku sugan dalkaasi. Madaxweyne Trump ayaa ballan qaaday inuu soo afjari doono khilaafkaas muddada dheeraa.


Sanadkii 2001, Mareykanka ayaa ciidammadiisa geeyay Afghanistan wuxuuna xukunka ka tuuray dowladdii Taliban, isagoo sababta ku sheegay in dagaalyahannadu ay gabbaad siiyeen shabakadda al-Qaeda si ay u abaabulaan weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September.


Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa difaacay ujeeddada laga lahaa in Taliban lagu martiqaado Mareykanka, maalmo kahor sanadguurada weerarka.


Wuxuu sheegay in sababta Camp David loo doortay ay tahay in hore ay uga dhaceen wadaxaajoodyo nabadeed.


Maxaa sababay in kulanka la baajiyo?

Khamiistii ayey aheyd markii gaari ay Taalibaan ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku qarxiyeen magaalada Kaabul halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof oo mid uu ahaa askari Ameerikaan ah.


Sidoo kale waxaa halkaasi lagu dilay askari u dhashay dalka Romania oo la shaqeynayay howlgalka Nato ay horkacayso ee dalkaasi ka shaqeeya.


Weerrarka ayaa waxa uu bannaanka soo dhigay cabsida ah in wadaxaajoodka u socda Mareykanka iyo Taalibaan uusan soo afjari karin qulqulatooyinka maalinlaha ah ee dalkaasi Afgaanistaan iyo dhibka soo gaaraya dadka rayidka ahba.


Heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqangalay Afqanistaan


Dad rayid ah oo ku dhintay duqayn ay Mareykanka ka fuliyeen Afqanistan

Afgaanistaan: Qaramada Midoobay oo sheegtay in dhimashada dadka rayidka ah ay aad sare ugu kacday 2018

Dadweynaha Kabul ayaa su`aalo iska weydiiyay sababta dhimashada askari ay u sababtay baajinta kulan nabadeed.


"Marka, dadka reer Afghanistan ee sanadihii la soo dhaafay noloshooda ku waayay dagaallada, dhiiggooda qiimo malaha miyaa?" ayuu mid ka mid ah dadka degaanka u sheegay BBC-da.


Falanqeynta weriyaha BBC-da

Tan iyo markii uu ergayga Mareykanka, Zalmay Khalilzad, uu todobaad ka hor tegay magaalada Kaabul isagoo wada warka ah "in mabda' ahaan heshiis la gaaray," ayaa waxaa dalkaasi ka dhacayay weerraro maalinle ah oo ay Taalibaan soo qaadaysay, iyo caro sii kordhaysay oo ka jirta gudaha dalka Afgaanistaan iyo Mareykankaba.


Taalibaan ayaa sheegtay inay beegsanayso xooggaga shisheeye. Hasayeeshee marwalba waxa ay dhibta soo gaartaa dadka rayidka ah ee Afgaanistaan.


Heshiiska cusub ayaa la sheegay inay ku jirto oo kaliya in Taalibaan ay weerrarada dhimayso oo kaliya. Diblumaasi sare oo Ameerikaan ah ayaa waxa uu sheegay inay aqbaleen doodda Taalibaan ee ah xabbad joojin ay tahay waxa ugu wayn ee ay kula gorgortamayaan wadahadallada ay la galayaan dowladda Afgaanistaan kuwaas oo lagu wado inay dhawaan markii ay dhammaadaan wadaxaajoodka Mareykanka.


Sarkaal sare oo dowladda Afgaanistaan ka tirsan ayaa si caro leh iigu sheegay "xabbad joojin in la gaaro waa waxa innaguna aan ku gorgortan tagayno," waxa uuna ku adkaystay in dowladdu aanay aqbalin heshiiska haatan miiska saaran. Hogaamiyayaasha Afgaanistaan ayaa waxa ay Mareykanka ku eedaynayaan inuu sharciyad siinayo Taalibaan taas oo sii dhiirigelisay un.


Sidoo kale waxaa soo ifbaxaya shaki badan, oo uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Trump, kaas oo ah in waajibaadkasta oo ay galeen dadkii Taalibaan ku matalayay Dooxa aanay warkooda fulinayn taliyayaasha ku sugan gudaha dalkaasi.


Dhinacwalba muxuu ka doonayaa wadahadallada?

Maleeshiyaadka Taalibaan ayaa haatan waxa ay maamulaan dhulkii ugu ballaarnaa ee ay gacanta ku hayeen tan iyo 2001 markaas oo uu Mareykanku dalkaasi xoogga ku galay, waxa ayna diiddan yihiin inay la hadlaan dowladda Afgaanistaan, kuwaas oo ay u arkaan inay dabadhilif u yihiin Ameerikaanka.


Mareykanka marka uu dalkaasi isaga baxo waxa uu Taalibaan ka doonayaa inay u xaqiijiyaan in Afgaanistaan aanan mar dambe loo adeegsan doonin inay saldhig u noqoto kooxo maleeshiyaad ah oo raba inay weerraraan Mareykanka iyo xulafadiisa.


Qaar ka mid ah dadka Afgaanistaan ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in heshiiska uu burburin doono xuquuq iyo xorriyad si adag lagu gaaray. Maleeshiyaadka ayaa waxa ay dalkaasi ku soo rogeen shuruuc diimeed oo adag iyagoo haweenka si adag ula dhaqmayay intii ay maamulka hayeen laga soo bilaabo 1996 ilaa 2001.


Ku dhowaad 3,500 oo askari oo ka kala socday ciidammada isbahaysiga caalamiga ah ayaa ku dhintay dalka Afgaanistaan tan iyo markii dalkaasi ay galeen 2001, iyadoo in ka badan 2,300 oo askartaasi ka mid ah ay Ameerikaan yihiin.


Aad ayey adag tahay in la tiriyo tirada dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaalkaasi, waa rayidka Afgaanistaan, maleeshiyaadka iyo ciidammada dowladduba. Warbixin ay bishii Febraayo soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku sheegtay in 32,000 oo qof oo rayid ah dalkaasi lagu dilay. Mac-hadka Watson ee Jaamacadda Brown ayaa sheegaya in 58,000 oo ciidamo ammaan ah iyo 42,000 oo askar iska soo horjeedday ah ay halkaas ku dhinteen.


BBC

Loading...
Loading...