Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo Shaacisay Shuruudaha Laga Rabo Tartan Quraan Oo Lagu Tagayo Jabuuti

0
Saturday February 29, 2020 - 14:28:44 in News by
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo Shaacisay Shuruudaha Laga Rabo Tartan Quraan Oo Lagu Tagayo Jabuuti

    Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo Shaacisay Shuruudaha Laga Rabo Tartan Quraan Oo Lagu Tagayo Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo Shaacisay Shuruudaha Laga Rabo Tartan Quraan Oo Lagu Tagayo Jabuuti


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay shuruudaha laga rabo arday ka qayb galaysa tartanka quraanka kariimka ah ee ka dhacaya wadanka jabuuti.

Image may contain: outdoor


wrsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland ayaa lagu shaaciyey wakhtiga la qabanayo tartanka ay ku soo baxayaan ardayda tagi doonta wadanka jabuuti iyo shuruudaha laga rabo.


warsaxaafadeedka wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa u dhignaa sidan:-


Waxa loo diyaar garoobayaa tartanka Qur’aanka kariimka ah ee uu sanad walba qabto Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, tartankan oo aynu innaguna ka mid nahay dalalka ka qayb gala sanad walba,


Shuruudaha Looga Baahanyahay Ka Qayb Galayaasha:


1.Waa in ay madarasaddu haysataa shahaadada diiwaan gelinta Wasaaradda ee 2020.


2.Waa in uu maamulaha madarasadu ka diwaan gashan yahay Wasaaradda.


3.Madarasad kastaa waxa ay soo gudbinaysaa saddex arday oo ku tarramaya 30 ka jus, 20 ka jus iyo 10 ka jis.


4.Waa in uu ardaygu si fiican u xafidsan yahay inta Jis ee uu tartanka ku galaayo.


5.Waa in aanay da’da ardaygu ka waynaan 25 sanno.


6.Haddii ay madarasadu doorato in qaybaha lagu tartamaayo qayb ka mid ah ay kaga qayb gasho waa laga aqbalayaa.


7.Wakhtiga ugu danbaysa ee ay diiwaan galintu joogsanaysa waa 15/03/2020 tartanku waxa uu qabsoomayaa 17/03/2020.


Sida awgeed, waxa lagu adkaynayaa in ay maamulayaashu soo buuxiyaan dhammaan shuruudaha kor ku xusan inta ka horaysa taariikhda taariikhda kor ku xusan.

Alla Mahad Leh.

Loading...
Loading...