Indho Gardaran Hadday Ooyaan, Maxaad Ka Fili Kuwii Garta Lahaa?

0
Saturday February 29, 2020 - 10:16:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Indho Gardaran Hadday Ooyaan, Maxaad Ka Fili Kuwii Garta Lahaa?

    Qofka aan xogogaalka ahayn ee daawada muuqaalkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka aan xogogaalka ahayn ee daawada muuqaalkan

( Indho-gardaran Indho-gardaran) wuxuu u qaadanayaa "dad masaakiin ah oo la dhacayo!" Gurigan waxaa leh qoyska nin caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda koonfur iyo waqooyiba. Waa (AHN) Yuusuf Aadan Bowkax. Bowkax wuxuu ka mid ahaa macallimiintii ugu horreysey ee Soomaalida xilliyadii gumaysiga ilaa dawladnimadii. Wuxuu macallim ka ahaa dugsiyada Sheekh, Gebiley, Laascaanood, Hargeysa iwm. Wuxuu macallim u ahaa in badan oo ka mid ah madaxdii waddankeenna soo martay oo ay ka mid ahaayeen rag ka mid ahaa xubnihii ugu sarreeyey Kacaanka sida Ismaaciil Cali Abokor Axmed Saleebaan (Dafle), Maxammed Cali Shire. Ragga kale ee uu macallimka u ahaa waxa ka mid ah, prof. Ibrahim Meygaag Samatar, Dr. Cali Kh. Galaydh, Gahayr iyo raacii ka danbeeyey ee ay ka midka ahaayeen Prof Ahmed I Samatar. Yuusuf Aadan Bawkax wuxuu markii danbe ka mid noqday wasiiradii xukuumaddii rayidka ahayd wuxuuna wasiirla warfaafinta ka ahaa xukuumaddii AHN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Xukuumaddii Kacaankana wuxuu mar ahaa maareeyaha madbacadda qaranka. Wuxuu intaa dabadeedna ahaa Safiirkii dawladda Soomaalida u fadhiyey dalka Jarmalka Galbeed.

 

Haddaba waxa la yaab leh in qof taariikhdaa iyo abaalkaa weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, oo laga yaabo marka la isku daro intuu macallimka ahaa, dadkuu aflixiyey, kuwii ka sii aflaxay iyo kuwii kuwaa kasii aflaxayba in waxtarkoodu gaadhay guri kasta oo Soomaaliteed, in maanta gurigiisii uu dhistay lixdameeyadii oo dadka Soomaaliyeed ee Xamar degganaa in badan oo ka mid ahi xogogaal ka tahay, lagana yaabo dadkii xaafadda Digfeer ilaa Banaadir inta u dhexeysa degganaan jirey in 80% ay garanayaan in dumar iyo carruur rag tuug ahi intay soo abaabulaan yidhaahdaan gurigii Bawkax sheegta.

 

Waxaan isweydiiyey haddii Bawkax oo sidaa ummad badani u garanayso gurigiisii in la sheegto loogu badheedhi karo, maxaad ka filanaysaa miskiinka Sucuudiga xoogaa ka soo shaqaystay ee aakhirka toddobaatanaadkii ama siddeetamaadkii guri Xamar kaga dhistay ama kaga iibsaday. Maxaad u malaynaysaa ninka shaqaalaha rayidka ahaa ee aan cidi garanayn ee Xamar guriga ka dhistay? Maxaad ka filaysaa adhiilaha reer Burco ama bakhaarlaha Berbera iyo Boosaaso, ama ninka reer Laasqoray ee doontiisa wuxuu ka tabcaday guri kaga dhistay Xamar. Maxaad u malaynaysaa harqaanlaha, ama xalwadlaha reer banaadir ee dhididkiisa guriga kaga dhistay Xamar.

 

Dulmigaas iyo isku garabsiinta dulmiga ee Xamar ka jirta waa waxa dhiiggu ugu daadanayo 30ka sannadood nabadna looga la yahay. Waxaan isweydiiyaa miyaan derisku islaam ahayn oo ka gilgilanayn markay arkaan dhacdadan oo kale oo qof caan ah oo ay wada yaqaaneen gurigiisa oo budhcad ku habsatay markii sharci lagaga saarayna ay weli dulmiwadayaashii sii qaylinayaan. Gurigan muddaa dacwadi ka socotay aakhirkiina mulkiilayaashii ayaa loo xukumay. Waxa xusid mudan in maxkamaddii ay imaan waayeen kooxdii guriga ku habsatay oo manaafacaadsanaysey 29kii sano ee la soo dhaafay.

 

Gebagebadii: Dadka Soomaaliyeed waa inay ku baraarugaan waxa aynu maalin walba dhegeysanaa ee TV yadu inoo soo daayaan waa waxan oo kale oo aan xaqiiqada ku salaysnayn. Waxa la yaab leh aqoon darrada iyo xirfad xumida qolada TV goobjoog ee warkan ummadda u soo tebisay. TV-gu warkan taliyaha booliska lagu eedaynayo waxay ahayd inuu taliyaha laftiisa soo waraysto. Waxay kaloo ahayd inuu dhinaca kale ee guriga loo xukumay iyo maxkanaddaba soo waraysto oo war isu dheelli tiran oo sugan oo dhinacyada oo dhan xogtooda taabanaya uu ummadda u soo bandhigo.

TAASAA LA LEEYAHAY HA IS RAACDO! 

Hoos riix si aad muuqaalka u daawadid

 

 Indho-gardaran

https://www.youtube.com/watch?v=cLZJfi46rvM 

By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...