Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.4raad (Abdi-Shotaly).

0
Saturday February 29, 2020 - 10:09:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.4raad (Abdi-Shotaly).

    Horta aan hordhac idiin siiyo'e, Magaca hadeer la qudhun-saday ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta aan hordhac idiin siiyo'e, Magaca hadeer la qudhun-saday ee
" Mujaahid" Waa mid ay ku ceeshaan ama sheeg-taan wixii ka talaabay Xadka wakhtigii Halgankii SNM- Sidda labadan askari ee ina hor boodaaya, meel ay xabad ka rideena aan cid haysaa jirin. bal idinkaa ii sheegi doona halkay ri' gees kaga rideene, Waxa ka horeysa iska sheega-shadda qaawan " Horta wax ma loo diran jiray-ba" ilayn magac iyo cinwaan aanad u qalmin, meela u soo marin la iskama samaystoo, wax kuu soconaaya maahee, sidaas oo ay tahay muwaadin, Waxay qaybtii sadexaad ee taxana-hani inoo joogay, iyadda oo uu xanuun-saday Madax-Weyne Siilaanyo (Illaah caafimaad ha siiyo'e) Oo hawshii uu wadi kari waayey loo egmaday, af-kana u dhigteen tuugtii uu ugu horeeyey " Maxamuud beenaale, Sacad Cali shire, Gaafaadhi" Iyo qaar kaloo badan oo hoos yaac ahi. Hadaba inaka oo halkaa ka sii dhaqaaqay-na, Awel-ba ha iska-ba tamar yaraadeene Madax-ddii hore, hana lahaadeen dahliilo'e,ee itaal-koodda way ilaali-nayeen distoorka iyo kala dambaynta, inkasta oo ay jireen mad-madaw fara badani, misana way dhaantay sidatan, oo wax uun bay xeerina-yeen, ummaduna way is ogolayd, oo way u sinayd si kaste oo la eego-ba, may jirin qaar madax sheeganayaa oo Gobola dhan yidhi " Ha iska tageen" sidda ka Nuux Taani ay ugu yeedhaan, beelo xataa isku gobolka ah baa maanta la kala ilaali-nayaa (Sidda degmadda Ceel af-weyn oo kale). Hadaba aan dib ugu soo noqdo qaybtan afraade, Ha iska-ba yaraatee wuxuun bay soo kordhina-yeen afartii madax-weyne ee hore, maanta iyaba waa indho guba iyo aakhiro u hayaane, mid bilaa qaneecaad ah, oo wata "Yey" aan wax reebayn waa "Raggii ma adigaa ka hadhaye", oo Siilaanyo dhabarka sii taabtay, baa boob ku qaaday Foodkii ummadu ay gashay, waxana loo haystaa oo u fududaeeyey Siilaanyo, markii uu awooddii gacanta uga geliyey, isaga oo ah gudoomiyaha " Qudhmiye" Iyo Komishan Xaarami-yiin ah oo illaahoodu yahay dhuunta oo ay caabudaan. Waxan doonayaa in aan soo koobo in Askarigan xumbadda ka tuura " Xaafad-Tooyadda", In uu soo kordhiyey baabi'inta Somaliland ee uu kabaha waaeyn u soo gashaday, weli-giina uu xiniin yahay hayey, Ilaa iyo wakhtigii uu bilaabmay Halgankii SNM. Cadaymi-hiina waa kuwane hoos ka akhrista malaha qaar baa dad u haysta'e: -

 

(1) Waa kii jid-gooyadda u galay Madax-Weyne Siilaanyo, markii uu Gudoomiyaha SNM ahaa, ee dilka la beeg-saday ( Illaah baa ka bad-baadiyeye) isaga oo wata kan weli iska daba raq-raq leh ee la yidhaaho " Geenyo shaaximan" Oo bilaa caqli ah sidda baabuurka uu isteerinka u hayo.

 

(2) Waxa loo tirnayaa, oo lagu cadaynayaa, in uu ka dambeeyey Dilkii Mujaahid Aadan Shiine ee Dir-dhaba lagu khaarajiiyey, isaga oo is lahaa, yaan reeka nin kale ka soo bixin oo kaa wacani ama wax kala garanayaa, waana la og yahay in uu soo direy kuwii toogtay.

 

(3) Waxa loo haystaa oo kale mujaahdi Cawil Cadami, oo ah Mujaahidkii ka soo af-duubay " Xamar" Diyaaraddii Somali airline.

 

(4) Wuxu ka xanaaqay isaga iyo kuu ku adeegtaa, markii uu Abdirahman Ahmed Ali (Ihun) Uu ku dhawaaqay Magaca Somaliland 1/May/1991kii, ee ku bilaabay in aanu raaf u rogmin, waayo kama uu raali ahayn in la abuuro Somaliland ee wuu ka soo hor jeeday, waayo kuma uu bilaabeen dagaal sokeeye, mase miyir qabo ee dharka uun buu xidhan yahay, malaha qof dhan baad u haysa-taane.

 

( 5) Wuxu Xaafad-tooyadda ku rasaaseeyey Madax-Weyne Abdirahman Ahmed Cali (Ihun), isaga oo xanuun ka qaaday Garaxajis baa Madax ka ah Somaliland, ee sidaas ruux aan bukini ma samayn lahaa? Oo dalka ma ku bilaabi lahaa Dagaal? Miyaanu yidhaaheen " Alxamudu-lilaahi" Iyadda oo laga soo doogay xeryihii ay ummadu ku jirtay ee Itoobiya 10ka sano, Waxaas baad noo sheegaysaan Eyga ah " Mujaahid" Bal is waydiiya kuwa ku taageeraaya reer hebelaw.

 

(6) Wuxu ahaa kii Dagaal-kii sokeeye u Aabaha iyo taayiradda ahaa, isaga oo qarsanaaayey, in aan Xamar laga go'i karin, siday imika ugu cadaatay ee uu Farmaajo jilbaha qabsaday, ee lahaa nacsnimo intuu ka qabo iyo waali " Anigoo wax dili kara duco qaadan maayee, debci qori hay faro" Maxaa-se ka raacay, waa tii futadda qoriga laga geliyey, ee Marya-Alool oo dhami xaarku ku dhegaye.

 

(7)  Wuxu ahaa Kii ina Cigaal (Ihun) laabta u garaacay, ee yidhi aniga baa wax kaa celinaaya, ee markuu arkay Cigaal ( Ihun), in aanu wax-ba hayn eryey, ee Berbera kala soo jeestay caydda iyo hantaataca madhan. Markuu Cigaal rumaystay in uu waalan yahay, oo aanu somaliland rabin in ay caga dhigato, waa kii fidh-fidhka u jaray, ee u fasaxay in uu Berbera Ka soo nac-nac-leeyo, ilayn wax kale ma samayn karan, isaga iyo ka uu hogaanka ku haystaa ee " Geenyo shaaximaniye".

 

Akhristaw kuwan aan qaneecaadka lahayn waa "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximane" laguma soo dhamayn karo xumaan-toodda Maqaal iyo laba toona, oo khasaare mooyee meel ay dooji-yeen lama hayo intii ay nolashoodu jirtay, Sideeda-ba waxay ku ab-tirsadaan "Jeegaan". Hadaad dib ugu noqoto magaca jeegaan micni-hiisa, lama arag lamana maqal jeegaan wax doojisa, mid roob da'aaya kala eridda mooyaane, sidaas bay labadan askarina ka yihiin khayr ay keenaan, mid sidda jeegaan-taas ay jooji-yaan mooyaane, Sidaan xaga sare ku soo hadal qaaday-ba. Magaca "Mujaahi d" Waa lagu xoog-sadaa, oo xataa riyihii caydayska loo watay ee xuduudda laga-la talaabay iyo dameerihii la raranaayey qaxii la galay, baa iyakuna  " Mujaahidiin ah", mar haday xadka ka talabeen sidda labadan askari, markaas dadka qaar baa u haysta "Magaca Mujaahid" Wax weyn ee runtu waxay tahay beri baan Xuduudda ka talaabay mujaahdi-nimadu, Akhristaw micne kale oo ku jiraa ma jiraan, oo waa sidda riyaha iyo dameeraha aan sare ku sharaxay, labadan askarina kuwaas uun bay la nooc yihiin, ee ha la yaabina markaad maqashaan Mujaahid. Weli Maynu dhamayn khasaarahii uu askarigu u geystay ummadda reer Somaliland iyo dalka-ba, ee qaybta dambe ee shanaad baynu ka sii waddi doonaa, faaladda baa sii dheeraa-naysee.

 

  La Soco Qaybta 5naad iyo Sii Wadidda Sooyaalkii Qaneecaad Laawaha "Ragii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan".

 

* N.B Isma Doorsho Awrkii Xun Iyo Aaran-kuu Dhalaye"

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...