Ciyaartoy Caan Ah Oo Sheegay In Hooyadii Kubada Cagta Necebtahay

0
Saturday February 29, 2020 - 08:19:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoy Caan Ah Oo Sheegay In Hooyadii Kubada Cagta Necebtahay

    Sadio Mane oo sharraxay sababta ay hooyadiis 'u neceb tahay Kubadda Cagta'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadio Mane oo sharraxay sababta ay hooyadiis 'u neceb tahay Kubadda Cagta'


Ciyaartoyga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee horyaalka Ingiriiska, Sadio Mane, ayaa BBC-da uga warramay sababta ay hooyadiis "u necebtahay Kubadda Cagta" iyo arrimo uusan horay uga warqabin oo ku saabsan horyaalka Premier League-ga.



Mane ayaa sheegay inuusan waligiis horay u ogeyn in kooxda ku guuleysata horyaalka Ingiriiska ay ciyaartoydeedana si shakhsi shakhsi ah u helaan billado dahab ah.


Arrintan ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen qaar ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha ciyaaraha.


Liverpool ayaa hadda 22 dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamineysa tartanka horyaalka Premier League-ga, waxayna ku socotaa waddadii ay ugu guuleysan lahay markii ugu horreysay muddo 30 sano gudaheed ah.


Laakiin Mane ayaa sheegay inuusan wax dan ah ka lahayn billadda dahabka ah ee uu heli karo haddii kooxdiisu ay qaaddo horyaalka sanadkan.


"Shalay uun ayaan maqlay in haddii aan horyaalka hananno aan sidoo kale heli doonno billado", ayuu yiri Mane oo la hadlayay BBC-da.


Mane ayaa sanadkii hore kooxdiisa kaalinta labaad kula dhammeystay tartanka koobka Premier League-ga, kaasoo ay ka qaadatay kooxda Manchester City.


Sadio Mane ayaa kooxda uu leyliyo Jurgen Klopp ku biiray sanadkii 2016-kii, isagoo uga soo wareegay kooxda Southampton.


Laacibkan weerarka ka ciyaara ayaa sheegay inuu aad u farxi lahaa haddii macallinka u dhashay dalka Jarmalka taallo looga dhiso garoonka Anfield, ee ay ku ciyaarto kooxda Liverpool.


"Waan hubaa inaan u mideysnaan doonno guul kasta oo aan gaarno, sababtoo ah waa tababare aad u wanaagsan, kooxdana horumar weyn ayuu gaarsiiyay", ayuu yiri Mane.


"Aad buu saaxiib ula yahay ciyaartoydiisa, taasina waa mid ka mid ah awoodisiisa guusha horseeda", ayuu kusii daray.


‘Sababta ay hooyadey ku necebtahay Kubadda Cagta'


Ciyaartoygan oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaartoyga ugu wanaagsan Qaaradda Afrika ee sanadkii 2019-ka, ayaa ku dhashay kuna barbaaray tuulo yar oo ku taalla waddanka Senegal, wuxuuna sheegay in noloshii uu kusoo koray ay ahayd "mid adag", laakiin uusan waligiis ka niyad jabin inuu ku riyoodo nolol wanaagsan iyo sidii uu ku noqon lahaa ciyaartoy xirfad leh.


"Haddii aad eegto meesha aan ka imid, waa tuulo aad u yar, oo wax badan ka fog caasimadda Dakar, runtii aad bay nolosha noogu adkeyd, laakiin waa iska adduunyo, waana khasab inaad hammi fiican yeelatid, oo aad ku fikirtid inaan maalin uun heer sare gaari doontid", ayuu yiri.


Inkastoo uu hadda ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican caalamka, Mane wuxuu sheegay in hooyadiis ay "waligeedba necbeyd ciyaatya Kubadda Cagta".


Waxay u arki jirtay inay tahay "wax wakhtiga lagu lumiyo oo aan faa'iido lahayn".

Sidoo kale adeerkiis ayaa sida hooyadiis oo kale "u necbaa Kubadda".


"Waligood ma aysan dooneynin inaan ciyaaro Kubadda Cagta, sidaas awgeed waxaan kusoo jiyaari jiray iskuulka iyo meelo kale oo aan kula dhuuman jiray, balse ugu dambeyn guul ayaan gaaray, waana u caddeeyay in fikraddooda ay khaldaneyd", ayuu yiri Sadio.


Ciyaartogan ayaa sidoo kale gacan weyn siiya dadka saboolka ah, isagoo mashaariic kala duwan ka fuliyay dalkiisa, gaar ahaan deegaanka uu kasoo jeedo.


Tan iyo markii uu noqday ciyaartoy caalami ah, Mane wuxuu bixiyay lacago fara badan oo dalkiisa Senegal looga dhisay isbitaallo, laakiin ma jecla in lagu amaano howlaha samafalka ah ee uu sameeyo.


"Ma doonayo inaan ka hadlo arrimaha noocan ah, waxay ila tahay in dadkaas ay baahi u qabaan dhaqaalahaas, anigana waxaan sameeyaa wixii karaangeyga ah", ayuu yiri.


Wixii ka dambeeyay markii uu Sadio Mane ku biiray kooxda Liverpool, "qof kasta oo reer Senegal ah wuxuu taageeraa kooxda Liverpool", dadkiisuna waxay ku faanaan horumarka uu ku tallaabsaday.


BBC

Loading...
Loading...