Turkiga Oo Yurub Yurub Ku Fasaxay Qaxootiga

0
Friday February 28, 2020 - 15:41:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Yurub Yurub Ku Fasaxay Qaxootiga

    Koox muhaajiriin ah oo ku sugan dalka Turkey ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka xuduudda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox muhaajiriin ah oo ku sugan dalka Turkey ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka xuduudda dalkaas uu la wadaago Greece iyo Bulgaria, ayaga oo ku wajahan Yurub.

 

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Ankara uu sheegay inaysan hadda kadib u hogaansami doonin heshiiskii ay sanaddii 2016 la saxiixdeen Midowga Yurub ee lagu joojinayo muhaajiriinta usoo socdaalaya Yurub.

 

Sarkaalka ayaa kadib u sheegay Reuters in booliska iyo saraakiisha ilaada xuduudaha lagu amray inay ka hor wareegaan qaxootiga doonaya in dhulka iyo badda ay uga tallaabaan Europe.

 

Turkey ayaa Khamiistii sheegtay in 33 askari looga dilay duqeyn ay ciidamada dowladda Syria ka fuliyeen gobolka Idlib.

 

Dagaalka Idlib ayaa horseeday in qaxooti badan oo Syrian ah ay usoo cararaan dhanka Turkey.

 

Turkey ayaa waxay hadda marti gelisaa 3.7 milyan oo qaxooti Syrian ah waxayna sheegtay inaysan xamili karin intaas ka badan.

 

Culeyska mart-gelinta qaxootiga "waa mid aad ugu culus inuu hal dal xambaaro,” ayuu sarkaalka Turkish-ka u sheegay Reuters.

 

VOA


Loading...
Loading...