Kenya Oo Ka Hadashay Eedo Ay Somaliya U Jeedisay

0
Friday February 28, 2020 - 15:25:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Ka Hadashay Eedo Ay Somaliya U Jeedisay

    Dowladda Kenya ayaa ka hadashay warqad shalay kasoo baxday Dowladda Federaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay warqad shalay kasoo baxday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xukuumadda Nairobi ku eedeysay inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa Kenya ugu baaqday inay si deg-deg ah u joojiso "xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanideeda iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal"



Hase yeeshee afhayeenka Korneyl Cyrus Oguna Dowladda Kenya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.


"Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbahainta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan," ayuu yiri Oguna.


Dadka deegaanka Mandera ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo taabacsan wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinur (Janan) ay ku sugan yihiin xadka labada dal, gaar ahaan xaafadda magaaladaasi ka tirsan ee BP1, balse afhayeenka Dowladda Kenya ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo katirsan Jubaland iyo qof baxsad ah oo ay Kenya martigelisay.


"Waxaan nahay dal uu sharciga ku shaqeeya, waxaanu ixtiraamnaa xeerarka caalamiga ah balse haddii ay jirto cid wax ka tabaneysa Dowladda Kenya waxaa ajira wadiiqooyin loogu talo galay oo ay tahay in la maro oo lagu dacwoodo. Mana jirta sabab aanu u martigelino qof baxsad ah. Marka wax dacwad oo rasmi ah oo inaga soo gaartay safaaradeenna Muqdisho ma jirto, wana halkaas wadada ay tahay in la maro," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Xadka magaalooyinka Mandera iyo Beled Xaawo ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Jubaland ay isku hor-fadhiyaan, waxaana taas ay keentay in shacb badan ay ka qaxaan dhanka xadka.


"Ka dowlad ahaan shaqadeenu waxay tahay in aan ilaalino xuduudaheena iyo in aan xaqiijino haddii uu iska hor-imaad dhaco in aanu usoo gudbin xadkayaga. Haddii taas ay dhacdo waxaaanu diyaar ku noqoneynaa xuduudaheena, si aynu u xaqiijino difaaca shacabkeena oo aanu ka difaacno inay sameyso xaalad walba oo amni oo dhacda," ayuu hadalkiisa ku daray Cyrus Oguna.


War saxaafadeed maalin kahor kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya, oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray BBC-da, ayaa lagu dalbaday in Kenya ay si deg deg ah u joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya.


"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal," ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.


Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay in muddo ah dulqaad muujineysay.

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood, ayaa waxaa ka go'an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda".


Dhanka kale, warkan ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay qaddarineyso AMISOM balse aysan ka oggolaaneynin inay howlahooda "dhan kale u weeciyaan".


Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii bishan Kenya ka dalbatay inay usoo gacan geliso Cabdirashiid Janan, oo ay sheegtay inuu 28-kii January kasoo baxsay xabsi lagu hayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

 

Loading...
Loading...