Cafiskii SNM Fidisay W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday February 27, 2020 - 19:47:16 in Articles by
  • Visits: 1473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cafiskii SNM Fidisay W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Cafiskii SNM Fidisay W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cafiskii SNM Fidisay W/Q: Cali Cabdi Coomay


Markii jabhaddii SNM iyo shacabkii taageersanaa ay qabsadeen magaalooyinka Soomaalilaan, waxa magaallo kasta ka buuxay dad aad u badan oo ka mid ahaa xaasaskii ciidamadii Max’ed Siyaad. Dadkii qoxootiga ahaa ee la doonayey in dhulka lagu beero iyo dad kale oo taageereyaal u ahaa kacaankii Max’ed Siyaad Barre. Markaa waxa la isk weydiiyey maxaa laga yeelayaa dadkan? Qaar waa reer Soomaalilaan qaar kalena waa reer Soomaaliya, halka kuwa kalena ay Itoobiya u dhasheen.




Markii dalka laga saaray taliskii Max’ed Siyaad bishii febarwari dhamaadkeedii 1991, dadkii reer Soomaalilaan, waxa ay ku baaqeen shirkii ugu horreeyey ee nabadeed oo la iskugu yimid magaalada Berbera. Ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay shirweynihii beeluhu isgu yimaadeen magaalada Burco. Bishii maarij 1991 waxa Hargaysa ka dhacay shir ballaadhan oo laga furay aqalka madaxtooyada ee wakhtigan. Shirkaasi wuxuu socday muddo 4 cisho ah waxa maalin kasta ka qaybgeli jiray dad gaadhaya 400 qof. Ujeedada shirkaasi wuxuu ahaa sidii loo dawayn lahaa collaadii socotay 10-ka sano. Waxyaabaha la isku weydiiyey shirkaasi waxa ka mid ahaa laba qodob:


= Miyaa la kala aarsadaa oo dagaalka iyo collaadu weynu sii wadnaa haddii aynu nahay SNM iyo shacabkii taageersanaa?


= Miyeynu joojinaa oo weynu la heshiinaa dadkii collaadu inaga dhexeysay, ee reer Soomaalilaan ahaa?


= Dadkan aan Soomaalilaan u dhalan ee dalka aynu ugu nimid maynu laynaa mise weynu iska daynaa oo deegaankoodii ayeynu ku celinaa?


Waxa xusid mudan in wakhtigan shirku socday in magaalada afar-meelood saddex ay dunsanayeen, oo weliba guryahoodii ay ka qaxeen ay degan yihiin dad aanay garayn, oo lagu qiyaasay 30 kun oo ka mid ahaa dadkii magaalada burburiyey ee ahaa qoxoontiyadii uu dhulka degiyey taliskii Siyaad ee uu doonayey inuu ku deegaameeyo, sida Yuhuuda magaalada Qudus loogu deegaameeyo oo kale. Si ay dhulka u dhaxaal mustaqbalka. Haddii aynu dib ugu noqo shirkii qoddobada sare lagu falanqaynayey waxa la soo qaatay qodob qodob. Ka koowaad waxa la isku raacay:


= In aan la kala aargoosan oo SNM iyo shacabkii taageersanaa ay iska iloobaan aarsi oo ay ku bedeshaan cafis. Waxa ay tusaale u soo qaateen markii Rasuulkeena (scw) iyo asxaabtiisi laga saaray gurahoodii ee la colaadiyey sideena, ee ay qoxooti noqdeen. Ka dib markii dambe ee ay qabsadeen "Makka” sidaynu Hargaysa u qabsanay, ayuu Rasuulku(scw) shiriyey dadkii uu ka xoog batay ka dib wuxuu ku yidhi” maxaad iga filaysaan?” waxa ay yidhaaheen aargoosasho”. Basle wuxuu ugu bishaareeyey nabad iyo walaaltinimo.


= Waxa la isku raacay in lala heshiiyo beelihii ay wada deganayeen reer Soomaalilaan oo la iska cafiyo wixii dhacay, dawladna la wada dhisto.


= Waxa la isku raacay in aan la’layn dadkan dalka jooga ee kacaankii ka hadhay, balse la is-dhaafiyo, oo lagu celiyo deegaankoodii ay ka soo haajireen. Waxa laga codsaday qof kasta oo baabuur lehi inuu ka qayb qaato daad-guraynta dadkan. Dadkan qaar ka mid ahi waxa ay kaga baxeen lug. Waxaad arkaysay dad fara badan oo ubadkoodii yo alaabtoodii wata oo ku teedsan Hargaysa ilaa Harta sheekha. Dadka qaar ayaa ku taliyey in alaabta laga reebo maadaama aanay iyagu lahayn, oo dadka reer Hargaysa leeyihiin, balse waa laga diiday, oo waxa la yidhi” qaata wixii aad kari kartaan. Dadkaasi markay sii socdeen xagooda hore mooyee xagga dambe mays oo eegayn. Jabhaddii USC ee uu hogaaminaayey Janaraal Caydiid waxa ay si toos uga aargoosatay guud ahaan haybta Daarood ama taageerayaashii MSBarre. USC waxa ay xasuuqday shicibkii Daarood intii ay gaadhi karaysay. Kornayl Cabdilaahi Yuusuf buugiisa Halgan iyo Hagardaamo, wuxuu ku sheegayaa inuu Caydiid geystay xasuuqii Ruwaanda ka dhacay 1994 oo kale. Hasayeeshee SNM ficilkaasi waxa ay ku beddeshay cafis. Faahfaahin ka eeg, Cibaarooyinka qarniga (2003) ee uu qoray Cali Qoryooley. Cafisku waa guul mustaqbal.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...