Khilaaf U Dhaxeeya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi Oo Ka Hadlay

0
Tuesday April 02, 2019 - 14:56:44 in News by
  • Visits: 1665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf U Dhaxeeya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi Oo Ka Hadlay

    Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Jira


Muqdisho(HWN):-Khilaaf ayaa wali u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya.


Gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa sheegay inuu jiro khilaaf wali u dhaxeeya aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya.

Image result for labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya


Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aqalka hoose ee baarlamaanku uu u muuqdo inuu ka caga jiidayo dhamaynta khilaafka u dhaxeeya aqalka sare, isaga oo xusay inaanay hada jirin wax wada shaqayn ah oo ka dhaxaysa aqalka hoose ee baarlamaanka.


Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ka hadlayey furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka sare ayaa sheegay inay guul daraysteen dedaalo badan oo uu ku bixiyey sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya, isaga oo tilmaamay inaanu ilaa hada wax jawaab ah ka helin fariimo uu gaadhsiiyey madaxweyne Farmaajo iyo labadii gudoomiye ee iskaga dambeeyey golaha shacabka.


Dhinaca kale gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in aqalka sare uu diyaar u yahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaaf kasta oo ka jira wada shaqayn dhexmarta labada aqal ee baarlamaanka, waxaanu cadeeyey in golaha shacabku ay la qaadan waayeen xal laga gaadho ismarinwaaga jira.


Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa haatan ka dhaxeeya khilaaf, iyada oo Golaha Aqalka sare uu jaray xidhiidhkii wada shaqayneed ee uu la lahaa aqalka hoose ee baarlamaanka kaas oo mudo dhawr bilood ah haatan xayiran, halka madaxweyne Farmaajo aanu wali ka dhabayn dhawaaq hore uga soo baxay oo uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya.


Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday inuu ka qayb galo furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka sare, iyada oo khudbadii uu jeedin lahaa uu akhriyey raysal wasaare Xasan Cali Khayre.


Hadhwanaagnews.com/Muqdisho
Soomaaliya
Loading...
Loading...