Faallo:- Faa'iido Nooce Ahba Ugu Jira Xisbiyada Mucaridka Heshiiska Laga Gaadhay Muranka Doorasgoyinka Somaliland?

0
Thursday February 27, 2020 - 15:15:23 in News by
  • Visits: 3419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Faa'iido Nooce Ahba Ugu Jira Xisbiyada Mucaridka Heshiiska Laga Gaadhay Muranka Doorasgoyinka Somaliland?

    Faa'iido Nooce Ahba Ugu Jira Xisbiyada Mucaridka Heshiiska Laga Gaadhay Muranka Doorasgoyinka Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faa'iido Nooce Ahba Ugu Jira Xisbiyada Mucaridka Heshiiska Laga Gaadhay Muranka Doorasgoyinka Somaliland?

 

 

 


haddii uu meel maro:

1. In xisbiyada mucaaradku yeelan doonaan afar xubnood oo komishan ah iyo in saddex xubnood oo loo samin yahay jiri doonaan.

2. In Muuse Biixi oo diiddanaa 9 xubnood in laga dhigo komishanka doorashooyinka uu aqbali doono 16 xubnood oo is huwan.

3. Doorashadii lagu daray labada sannadood oo waqtigeedii lagu qaban doono iyada oo waxba kama jiraan laga dhigay labadii sano ee sida xaaraan ahaanta ah loogu daray markii hore.

4. Siyaasiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo markiiba soo dhaweeyay furista ururrada siyaasadda iyaga oo aan ku hadlayn mawqifka xisbiga ay ku jiraan oo la ogaaday.

5. Furista ururada siyaasadda ee uu madaxweynuhu kaga dhex dhawaaqay labada gole, oo gabihaanba iska noqotay ciyaar iyo gole-ka-fuul aanay waxba ka soconayn.

6. Murankii xisbiyada oo dhamaad ku sii dhow, dabadeed culaysyada dambe ee doorashada la xidhiidha oo dhan oo Muuse ku kaliyaysan doona, sida saami qaybsiga goloha wakiillada oo kale, kharashka doorashooyinka iyo amaanka guud ahaanba

7. Maxamuud Xaashi oo culays soo saari doona Kulmiye mar haddii aanay jirin ururo lagu mashquulaa.

8. Doorka beesha caalamka oo soo noqday, taas oo in badan uu Muuse iska giijiyay, balse imika uu garwaaqsaday.

Hadhwanaagnews.

Hargeisa Office.


Loading...
Loading...