Maxaa Axsaabta Siyaasada Somaliland Ay Isku Hayeen Laba Sanadood , Maxayse Ku Heshiin Karaan ? !!!
Hadii aynu isku dayno in aynu wax ka saadaalino in axsaabta
siyaasada Somaliland ay heshiis ka gaadhaan khilaafkii doorashooyinka
Somaliland oo soo jiitamayey labadii sano ee u dambeeyey isla markaana
dalkii galiyey xaalad cakiran oo siyaasadeed.
Haddaba marka aynu gudo galno khilaafkii mudadaa labada sano ah soo
socday iyo waxii uu salka ku hayey , waxa aynu odhan karnaa dano
siyaasadeed iyo in la kala adkaado ayaa u ahayd saldhig , sababta oo ah
waxa la isla gaadayey qorsheyaal iyo shirqoolo siyaasadeed oo la is tab
iyo xeelad fahmayey.
Xisbiga weyn uu mucaaradka ah ee Waddani ka dib markii doorashadii
lagaga guuleystay Madaxwaynaha oo ay tabashooyin ka qabeen in qaladaad
jireen natiijada , ayaa marka xaqiiqada loo dhaadhaco qaladaadkii ay
tirsanayeen aanay ahayn qaar natiijadii doorashadii dhacday 13 Mov 2017
wax yeelaya sababta oo ah marka si mug leh loo eego doorashadaasi waxa
lagu galay qalab casri ah runtiina marka doorasho la eego tii ugu
qaladaadka yarayd ayay ahayd , isla markaana waxa ay ahayd doorashadii
aan natiijadeeda la is haybsanin ee cod la isku muquuniyey badan .
Haseyeeshee Xisbiga Waddani waxa ay ku doodeen in natiijada
doorashadii lagu shubtay hadana shacabka waxa ay la wadaagi kari waayeen
bal qaabka loogu shubtay iyo goobta ay ku taageero xooganaayeen ee
lagaga shubtay , taasi oo ka xisbi ahaan sumcad daro u noqonaysay
maadaama si qurux badan loo kala guuleystay ay ahayd in iyaguna ay
wanaaga ka raacaan oo ay haneeyaan.
Taasi may dhicin xisbiga Waddani waxa ay ururiyeen qaladaad dhacay
oo komishanka iyo shaqaalihiisa ka dhacay goobihii doorashada , waxa
kale oo ugu weynaa waxyaabaha ay ku durayeen natiijada in qalabkii
indhaha ee lagu diwaan galiyey dadka aanu goobihii laga codaynayey oolin
taasi oo sahli karaysay in laba qof oo isku eegi isku codeyn karaan iyo
dad aan da'dii gaadhin in la diwaan galiyey , laakiin dadka aqoonta u
leh isla markaana ka soo shaqeeyay doorashooyinka Somaliland way garan
karaan qaladaadka noocaas ahi inta ay ka noqon karaan doorashada oo wax
iska kooban ayey noqonayaan , isla markaana aan gobol gaar ah ku
koobnayn.
Laakiin marka ficiltankii xanafta badnaa ee kaambaynka doorashadii
madaxtooyada dhex maray xisbiyada Waddani iyo Kulmiye la eego ayaa
qoraalkan iyo cabashadan loo fasiran karayey in looga jeedo in
natiijadii doorashadii dhacday cambaar loogu yeello oo arinku ahaa ( cad
yahow ku cunay ama ku ciideeyey ) , waxaana xisbiga Waddani ku dooday
in komishankii doorashadaasi hore qabtay la badelo maadaama oo aanay
aamini karayn in ay doorasho kale u qabtaan.
Qolada hogaanka dalka haysa ee Xisbiga kulmiye waxa aad moodaysay in
ay far garanayaan oo waxa ay ku doodeen komishankaasi wax ceeb ah iyo
wax lagu kala diro midna muu galin , ee mudadiisa ayuu dhamaysanayaa ,
iyaga oo u fahansanaa hadii komishankaa la kala diro dee doorashadii ay
qabteen 13 Nov 2017 waxa ay noqonaysay waxba kama jiraan iyo hal bacaad
lagu lisay , markaa waxa ay ku adkaysteen komishankaasi waajibaadkiisii
horena wuu ka soo baxay , wax meesha ay kaga tagaan oo dambi ahina ma
jiraan oo mudadooda way dhamaysanayaan.
Halkaasi marka la isla marayo ayaa Xisbiga Waddani waxa uu joojiyey
wada shaqeyntii komishankii doorashada Somaliland taasina waxa ay
caqabad ku noqotay in wax talaabo doorasho iyo hawlaheega ah hore loo
qaado , in badan ayaa dhex-dhexaadin laga galay oo la isku dayey bal in
axsaabta siyaasada la isku soo dhaweeyo si ay Somaliland doorasho uga
dhacdo laakiin way suuragaliwayday in ay heshiiyaan .
Intaasi markii ay dhacday ayaa odayeyn iyo dhex-dhexaadin kale la
galay waxaana lagu heshiiyey in komishankii hore hawlihiisa sii wato ,
komishanka cusub ee la magacaaboyona 9 xubnood laga dhigo oo axsaabta
siyaasadu min laba laba xubnood yeeshaan oo qaab dhismeedkii komishanka
doorashooyinka ee hore wax laga badelo kaasi oo ahaa 7 xubnood oo ay
axsaabta mucaaradka ahi ku lahaayeen xisbi waliba 1 xubin , waxaana la
isla gartay in xeerka wax laga badelo oo Golaha wakiilada Somaliland la
horgeeyo lagana wada hawlgalo hawshaasi .
Markii hawshaasi la galay ayaa xisbiga Kulmiye hawshii uga
fadhiistay oo aanay sidii la rabay uga hawlgalin markii Golaha wakiilada
Somaliland la geeyeyna aanay ka ololeyn sidii balantu ahayd waliba
iyaga oo haysta aqlabiyada Golaha wakiilada, taasi waxa ay dhalisay in
labada Xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI halkaasi iska raacaan oo ay
isku mawqif ka moqdaan kana hor yimaadaan xisbiga kulmiye oo ay sheegaan
in qalooca uu isagu wado , halkii eedaymihii hore ay ku eekaayeen
Xisbiga Waddani , haddaba intii la is haystay ayaa waxa dhamaatay mudo
xileedkii komishankii hore ee doorashada Somaliland.
Halkaa marka uu xaal marayo ayaa waxa soo baxday in ururada
siyaasada la hadal hayo ama la danaynayo , dabadeedna labada xisbi
mucaarid ayaa waxa ay mawqif isku mid ah ku cadeeyeen in ay ka
tanaasuleen in xubnihii loogu darayey komishanka cusub oo ay rabaan in
doorashada lagu galo sidii hore ee 7 xubnood ahayd isla markaana mar la
wada qabto doorashadii Golaha wakiilada Somaliland iyo doorashadii
Golayaasha Deegaanka dalka sanadka 2020 , waxaana la soo magacaabay
komishankii doorashada ee cusbaa .
Halkani ayuu haddana ku bilowday khilaaf hor leh iyo murug kale ka
dib markii Madaxwaynaha Somaliland soo magacaabay xubin lagu doodayey in
aanay shuruudaha Xubinta komishanka lagu xulanayo buuxinin , khilaafkii
oo taagan ayuu madaxwayne Biixi ku adkaystay in hadii xubintaasi wax ka
dhiman yihiin jaran jarooyinka sharci ee ka dambeeyaa soo celin doonaan
, sidii madaxwaynuhu u soo magacaabay ayaa lagu ansixiyey , markii la
arkay in aan la kala baxayn ayaa Golaha wakiilada oo mudadii ka
dhamaatayna Golaha Guurtida Somaliland u kordhiyeen laba sanadood taasi
oo khilaafkii jiray cirka ku sii shareertay.
Marka halkaasi la isla marayo ayaa xisbiga Waddani diiday in uu
xubintiisii komishankaasi uga qayb galaysay in ay la noqdeen komishanka
doorashooyinka ee la sameeyeyna u aqoonsanayn komishan qaran, isaga oo
xisbiga UCID na ku raacay walow ay xubintii uu soo magacaabay ku jirtay
komishanka oo maalmahan ugu dambeeyey iska cadishay komishanka
doorashooyinka Somaliland .
Gudi dhex-dhexaadinaysa ayaa ka ergaysay labada dhibacba oo kalsooni
ay siiyeen gudidaasi intii ay arinka ku jirtay ayaa Xubnihii komishanka
degdeg loo dhaariyey isla markaana ay is doorteen iyada oo Gudoomiye
loo doortay xubintii khilaafkuba ka taagnaa , dabadeedna gudidii
dhex-dhexaadinta ayaa waxa ay soo saareen go'aan ah in komishankan
muranku ka taagan yahay la kala diro , komishankii hore ee khibrada
lahaana la soo celiyo , soo jeedntaa xisbiga Waddani iyo Ucid way
aqbaleen , xukuumadiina way aqbashay ha yeeshee waxa uu sheegay
Madaxwaynuhu in aanu jirin sharci uu ku kala diri karo komishankaasi
cusub isla markaana uu arko isagu sharci in ay yihiin , laakiin hadii la
rabo in ay meesha ka baxaan aanay ahayn hawl isaga kaligii u taalla.
Marka waxaasi oo dhami soo dhaceen oo khilaafkii iyo murugii
halkiisii taagan yahay ayaa Madaxwayne Muuse Biixi maalin dhawayd oo uu
jeediyey khudbadii sanadlaha ahayd ee labada gole uu ka horjeediyo
sanadkiiba hal mar waxa uu ku sheegay maadaama ay heshiin waayeen
axsaabta siyaasada Somaliland mudadii ururada siyaasada la furayeyna ay
ka hadhay 2 sano , si xal loo gaadho waa in ururadii siyaasada
Somaliland la soo dedejiyo sharcigana wax laga badelo , dhawaqaasi oo
dadweynuhu aad u soo dhaweeyeen isla markaana loo arkay fursad u soo
baxday muwaadiniinta aan axsaabta maanta jirta aan ku qancin.
Haddaba waxa shir cadho ka muuqato oo ay arinkaasi kaga soo
horjeedaan wadajir u qabtay axsaabta mucaaradka Somaliland UCID iyo
Waddani oo ku tilmaamay in uu madaxwayne Biixi isku badelay kalidii
taliye isla markaana uu rabo in uu axsaabta mucaaradka Somaliland in uu
meesha ka saaro oo uu qaar kale la soo baxo waa sidii ay hadalka u
dhigeene , baaqan oo dhaliyey in daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland
ay dalka yimaadaan bal in mar kale la heshiisiiyo axsaabta siyaasada
Somaliland si dalka doorasho uga dhacdo , waana dhex-dhexaadintii 3 aad
sida aan filayo ee beesha caalamku ka gasho doorashooyinka Somaliland ,
ilaa haddana ma sugna wax la isku af garan doonaa.
MAXAA AY KU HESHIIN KARAAN AXSAABTA SIYAASADA SOMALIND HADDABA !!
1- Hadii aynu saadaalino waxyaabaha lagu heshiin karo uguna
macquulsan waxa ka mid ah in la yidhaahdo furista ururada siyaasada
xiligoodii ha loo daayo oo noqonaysa sanadka 2022 , doorashadii Golaha
wakiilada Somaliland na hala qabto sanadkan , doorashadii deegaankana
dib ha loo dhigo si loogu beego xiliga ururada siyaasada la furayo.
2- in doorashada Golaha Wakiilada Somaliland dib loo riixo
qabashadeeda la iskuna afgarto in ururadii siyaasada Somaliland la furo
oo sadexda urur ee xisbi u soo baxaa ay galaan doorashadii Golaha
wakiilada Somaliland.
Labadan qodob ka horena waxa uu faaiido u leeyahay axsaabta
mucaaradka oo hadii doorashadii Golaha wakiilada Somaliland la galo waxa
ay xoog ku yeelan karaan Golaha wakiilada Somaliland waxaana ay diidi
karaan ama iska xishi karaan in aan ururadii siyaasada Somaliland la
qabanin .
Qodobka labaadna waxa uu dan u yahay xukuumada oo hadii ay tartanka
ururada siyaasada Somaliland qabato waxaaba suuragal ah in axsaabta
meesha jooga maantu ay ka wada baxaan meesha oo axsaab kale oo cusubi
timaado.
Isku soo wada duub oo Allow yaanu waaga Waraabe cunin bal aynu eegno
natiijada iyo xalka khilaafka doorashooyinka Somaliland oo dartii wafti
culusi dalka u yimid sida aan maqlayno.
Muxamed Dhimbiil
Tell: +252634429221
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...