Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.2aad (Abdi-Shotaly).

0
Thursday February 27, 2020 - 08:49:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.2aad (Abdi-Shotaly).

    Waxa faaladan taxanaha ahi ay inoo maraysay, qaybtii koowaad,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa faaladan taxanaha ahi ay inoo maraysay, qaybtii koowaad,
iyadda oo ay "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" Ay qulubaa gediyeen wixii ay soo qabeen labaddii Kala ahaa  mujaahid/Madax-Weyne Abdirahman Ahmed Ali iyo Madax-Weyne Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal, (labadaba illaah jana-diisa fardawsa hawgu deeqee). Waa kuwii raaf ka rogi waayey, ee geed sare iyo mid hoose-ba u fuulay siddii ay xiniin yahay u qaban lahaayeen. Ha-yeeshee waxa ahaayeen laba Madax-weyne oo Siyaasadda ku cirays-taye, waa kuwii si wacan u muquuniyey askartan, ee intay qaawi-yeen geed qudhaanjo leh ku xidgay, ee daba-doodda dadka tusay fool xumi-deedda. Qaybtan labaad waxa iyana aynu ku qaadaa-dhigi doonaa, Wax tarkii iyo faa'iidoo-yinkii uu Madax-Weyne  Daahir Riyaale ku soo kordhiyey ( Illaah caafimaadka iyo cimri dheer hawgu sii deeqo'e). Wuxu ahaa shakhsi aad u dul-qaad badan, qun-yar socod ah, Saaxibal maskax ah, garanaaya xilka ay ummadda reer Somaliland u egmatay, una daacad ah, ku adag tahay qaran-nimadda Somaliland, oo aan ku korin cuqdad iyo beel nacayb ( Sidda kuwan hadda doobta ka ridaaya Xaafad-tooyadda), ee loo siman yahay, sharciga iyo distoorka dalka u yaala ku dhaqmi jirey, cadaaladda iyo wax wadda lahaan-shaha iyana si weyn u illaalin jirey, saxaafadda iyo xoritatul-qawlku ay fasax ahaayeen, wuxu ahaa shakhsi wax garad ah, illaahay-na uu ku manaystay aqoon iyo garasho wax kala hagta. Wuxu ahaa nin Alle iyo Rasuul-keennii ku dhaqma suni-hiisii, oo aad u denbi yar, cid-na aan ku dhicin ( sidda kan waalan ee qasanaaya aan ahayn). Wuxu ahaa nin maskax furan oo gar qaata, wacadkuu gallo fuliya, wax maqala oo aan weliggii ka tegin sabaaladda iyo wadda jirka. Muu aqoon ku jiqsii iyo shicibka uu xukumo la ficiltan ( sidda nacaskan wax is mooday aanu ahayn). Wuxu ahaa ruux xalaal-nimo u dhashay oo aan ahayn xaaraami sidda " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ma dhamayn karo wanaaga uu lahaa ee uu ummadda u soo hooyey, waxan-se ku koobayaa muu lahayn haba-yaraatee khasaare, dhaliil, goldaloo-looyin ee wuxu ahaa qof is raacsan, oo aad u maskax balaadhan dhan kaste oo loo edgo-ba, khayr Alle ha siiyee.


Madax-Weyne Riyaale wuxu ahaa "Geesi Isaaq Garan Waayey  oo Guduri loo loogay" Akhriataw waxan rabaa in aan u gallo wixii uu inoo qabtay, ee uu geliyey dalkan iyo dadkan, hadda ay rogeen labadda askari yo xulafa-doodu, halkuu ka soo qaaday markiii uu maamulka gacanta ku dhigay yo halkuu keenay Sumacad ahaan iyo tayo ahaan-ba. hadaba inta aanan u gelin wuxu qabtay. Waxan doonayaa in aan ummad yahay mar kale idin xasuusiyo, bal wixii askartu ku samayn jireen maamulkii Madax-Weyne Daahir Riyaale Kahin. Waad ka dheregsan tihiin. wixii ay ku kici jireen ee mudaaharaado ahaa iyo tiraddii dad ku dhimatay, waxay dhuri jireen ee aan hal xalaal ah lahayn, Xoriyatul-qawlkii iyo saxaafaddii ay u madax banaanaayeen, ee misana aan wax laga xidh-xidhi jirin. bal maantana u fiirsadda sidda xaalka dalku yahay, ee keligii talisni-madda ah, qaladi ha ku dhacdee. Waxaa-se sare aan ku soo taxay oo dhan, way ka soo hor-jeedaan maanta, ma jirto xoriyatul-qawl, in ka badan 200 oo weriye baa la xidhay, sidda Abdimalik Musa Coldoon, ama dalka ka baxsaday sidda weriya-yaashii Hadhwanaag iyo Mukhtaar Cali Adan oo ahaa qoraa ka tirsanaa shebekedda Aarabinews ee Gobolka Awdal, Cabdirazaq Teera iyo qaar kaloo badan, hablaa lagu xidhay Xamar baad ku riyooteen. Waxa la xidhay oo albaabadda la isugu laabay TV-yaaddii gaarka loo lahaa, yaan ku dheeraane oo qaybaha dambe, baan kaga hadli doonaaye, ku soo dhawaadda wax qaba-shaddii Madax-Weyne Daahir Riyaale Kaahin waa tan hoos ku qorane:-

(a) Wuxu ahaa Madax-Weyne ku xigeenkii Marxuum Cigaal (Ihun).

(b) Wuxu ahaa isaga oo ku meel gaadh ah, kii hir-geliyey in ururadii ugu horeeyey ay tartamaan, oo ay ka soo baxeen, Udub, Qudhmiye, Ucid aakhirkii,

(c) Wuxu noqday Madax-weynihii ugu horeeyey ee ku soo baxa Cod shacabku leeyahay, ee aan baarlamaan dooran, reer hebela aan loogu codayn. ee raganima-diisa, sumaca-diisa iyo karti-diisa meel kaga soo baxay.

(d) Wuxu Qabtay afar doorasho oo xor iyo xalaal u dhacay, mid-na aan la boobin ee si cadaalad ah u meel maray, taariikh-dana ugu jira ( Alle ha daayee)  oo ay ka mid yihiin:-

(1) Tii ugu horeysay ee uu ku noqday Madax-Weynaha,

(2) Tii lagu soo doortay Kuwa imika gacanta hoos dhigta, ee uu dhaameelka u daadiyo " Raggii ma adigaa ka hadhay", ee isku magacaaba xildhi-baanadda wakiiladda.

(3) Tii ugu horeysay ee Golayaasha deegaanka.
(4) Doora-shaddii uu ku soo Madax-Weyne Siilaanyo.

(5) Wuxu ahaa kii yidhi " Wax aanu ku wadda hadalaa ma jirto Xamar, oo wax-ba nama dhex yaalaan, Xataa waxay Addis-Sababa Diyaarad ka soo wadda raaceen ilaa iyo London, Maato-Gawracii sidda kan madax-nimadda u waashay, ee la odhan jirey Abdilahi Yuusuf ee ku bakhtiyey Sanca ( Dalka Yaman), oo intaa ay ku wadda jireen diyaaradda aanu salaamu-calaykum odhanin, kana farmaajo buu jilbaha qabsaday, oo baryo ula tegay, weliba lagu yidhi xaal ka bixi dadkii aad laysay, waxase ka khaldanaa Farmaajo laf-tiisa, haba bixiyo xaale, Horta SNM qoriba ma qaaday, Xarshin buu laxooxdda ka dubi jiraye, waxana looma diran jirin, ee haduun buu laba xiniin-yood oo aanu u dhalan la soo baxay.

Muwaadin afka lagama hadlo, oo reer hebel laguma hadaaqo'e, kaas baa ahaa Madax-weyne Aabihii talin jirey, oo maskax ku shaqeeya. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waxan aan dadka ahayn, ee suuradda bani'aadamka leh ( waa kan meesha baf-baf leh, ee siddii oday geelii ba'ay, kolba dhinac aan loo fadhiyin isku qaadaayee, wuxuu isna ku samey-naayey waad ogaydeen, ilayn waa qudhunle aan meela u soo marin maamule, waa wax amar la siin jirey uun ah Digtoonaw, oo ay madax martay waali ku tidhi madax baa la noqdaaye. Wuxuu ka qabo dadnimo xumaan awgeed. Ka geenyo Shaaximan la yidhaahaa isagu waa neefkii xeradda ku jiri-jirey ee qofka lihi, kolkuu doono qali jirey, markuu rabo maali jirey, markuu doonaayo seko ku bixin jirey, haddii la ilaalin waayo-na iska lumi jirey, ee bahaluhu meela-haas ka heli jireen, oo ku dheeraan maayo, waayo waa wax-ba laba jibaaran ( Zero Square), Rabbi khalaq wa dalaq, uu iska wato kani, isagu mid rayi keeni kara, ama diidi kara maaha, ee farta buu wax ugu sheegaa. Waxan ku soo gaba-gabeeyey murtidii ahayd "Dooni-yahay waa kugu jirnaa ee nala jab", Bal cidda gaarka ah ee wax ku waayeysa ha dhimatee, cirka ha isku shareerto.

La soco qaybta 3aad oo Madax-Weyne Siilaanyo, aan ku qaadaa-dhigi doono.

* N.B Riyaale Waa Geesi Isaaq Garan Waayey, Oo Guduri Loo Loogay!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...