War Deg Deg Ah:-Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Beesha Caalamka Oo Heshiis Gaadhay Iyo Muuse Biixi Subaxa La Hordhigayo

0
Thursday February 27, 2020 - 00:23:43 in News by
  • Visits: 8235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Beesha Caalamka Oo Heshiis Gaadhay Iyo Muuse Biixi Subaxa La Hordhigayo

    War Deg Deg Ah:-Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Beesha Caalamka Oo Heshiis Gaadhay Iyo Muuse Biixi Subaxa La Hordhigayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Beesha Caalamka Oo Heshiis Gaadhay Iyo Muuse Biixi Subaxa La Hordhigayo


Hargeysa(HWN):-Weftigii ka socday beesha caalamka ee uu hogaaminayey safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa caawa kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani.

Image result for war deg deg ah


Kulankan weftiga beesha caalamku la qaateen xisbiyada mucaaridka ah oo qaatay wakhti badan ayaa lagaga hadlayey khilaafka ilaa hada ka taagan arimaha doorashooyinka somaliland.


Labada dhinac ayaa dood dheer ka yeeshay sida lagu soo afjari karo khilaafka mudada jiitamayey ee mucaaridka iyo muxaafidka somaliland iskaga soo horjeedaan arimaha doorashooyinka.


Sida ay Hadhwanaagnews u sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiyada mucaaridka ahi, beesha caalamka iyo hogaanka xisbiyada Ucid Iyo Waddani ayaa isla qaatay sadex qodob oo ay ku heshiiyeen kuwaas oo kala ah.


1. In Muuse Biixi Aanu Furin Ururada Siyaasada Maadaama Oo Aan La Gaadhin Wakhtigii Sharcigu Dhigayey.

2. In Doorashada Golaha Wakiilada La Qabto Sanadkan Gudihiisa.


3. In Komishankii Hore Ay Qabtaan Doorashada, Komishanka Riyo Raacna Ay Farsamo Ahaan La Shaqeeyaan.


Dhinaca kale weftiga beesha caalamka ayaa la filayaa in maalinta bari ah ay kulan la qaataan hogaamiye Muuse Biixi kuwaas oo hordhigi doona heshiiska ay ka sidaan xisbiyada mucaaridka ah ee la xidhidha doorashooyinka iyo komishanka qabanaya.


Sidoo kale shacabka somaliland ayaa u dhag taagaya go’aanka uu hogaamiye Muuse Biixi ka yeelo heshiiska ay beesha caalamku ka sido xisbiyada mucaaridka ah ee lagu furdaaminayo khilaafka dabada dheeraaday ee hortaagan doorashooyinka somaliland.

 

 

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com
Loading...
Loading...