Masuuliyiinta ugu Muhiimsanaa Mashaariicda Baanka Aduunku ka Fuliyo Somaliland oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha

0
Tuesday April 02, 2019 - 14:12:53 in News by
  • Visits: 2546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta ugu Muhiimsanaa Mashaariicda Baanka Aduunku ka Fuliyo Somaliland oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha

    Halkan Kaga Boggo Warkan Oo Dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Kaga Boggo Warkan Oo Dhan



Hargaysa(HWN)Kulan balaadhan oo ka qabsoomay Xarunta Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa wada yeeshay Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Md Sharmaake Geelle iyo madax sare oo ka socota Baanka aduunka "WB" halkaas oo lagaga wada hadlayey heerka uu marayo hawl-qabadka Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda iyo raadka wanaagsan ee uu yeeshay.



Dhanka kale, Masuuliyiinta baanka aduunka ayaa hambalyo iyo sagootin isugu daray gudoomiyhii hore ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda kaasi oo dhawaan bannayn doona xilka xafiiska.


Qoraal kooban oo Kulankaa kasoo baxay ayaa Gudoomiye Sharmaake ku sheegay sidan.


"Waxaa kulan balaadhan nagu soo booqday madaxda ugu muhiimsan mashaariicda Banggiga aduunku ka maal-galiyo Somaliland kuwaas ooaanu kulan hambalyo iyo sagootin isugu jira wada yeelanay. Intii kulanku socday ayaan iskula eegnay seeska adag ee u yaala hawl-qabadka qaran ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda iyo jihada muhiimka ah ee dhawaan furmaysa. Dhanka kale, waxa aanu isku sagootinay wanaag iyo anaga oo guul wada taagan."


Loading...
Loading...