Wasiirada Kornayl Muuse Biixi Oo Laaluush Ku Haysta Shirkadaha Ganacsiga Iyo Lacagtii La Ururinayey Labada Sano Oo La Baafinayo....Warbixin

0
Wednesday February 26, 2020 - 17:56:02 in News by
  • Visits: 1776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Wasiirada Kornayl Muuse Biixi Oo Laaluush Ku Haysta Shirkadaha Ganacsiga Iyo Lacagtii La Ururinayey Labada Sano Oo La Baafinayo....Warbixin

    Qorshaha Gunti Giijiska Dhaqaale Ee Kornayl Muuse Biixi Oo Haatan Saameeyey Wasiiradiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaha Gunti Giijiska Dhaqaale Ee Kornayl Muuse Biixi Oo Haatan Saameeyey Wasiiradiisa.


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa labadii sanadood ee uu xilka hayey waxa uu sheegay inuu si weyn ula dagaalamay musuq maasuqii isla markaana ay qaranka u badbaaday lacag fara badan oo ku bixi jirtay meelo aan loo baahnayn.



Hogaamiye Muuse Biixi oo mudadii uu xilka hayey aanay dawladiisu hirgelin hal mashruuc oo faa,iido u leh bulshada isla markaana wax ka taraya noloshaada ayaa laga sugayaa inuu shacabka u cadeeyo halka ay ku dambaysay lacagtii uu ururinayey.


Saamaynta ka dhalatay dhaqaalaha dalka ee uu kaligii xaraystay kornayl Muuse Biixi oo si weyn u taabatay shacabkii noloshoodu ku xidhnayd kharashaadka ay dawladu gasho isla markaana keenay in meherado badan oo ganacsi ay xidhmaan ayaa hada waxa uu gaadhay wasiirada xilalka ka haya xukuumada Muuse Biixi.


Qorshaha gunti giijiska ah ee kornayl Muuse Biixi ku urursanayey lacagta dalka oo keentay inuu wasiiradiisa ka mamnuuco inay saxeexaan wax lacag ah marka laga reebo mida daruuriyaadka u ah socodsiinta hawlaha wasaarada oo lagu soo koobay shan kun oo doolar($5000) ayaa haatan saamayntiisa laga dareemayaa xubnaha xilalka u haya kuwaas oo qaarkood markii ay laaluush ka waayeen shirkadaha deegaanadooda ah aflagaado qaawan u gaysanaya.


Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaa ka mid noqday wasiirada uu taabtay qorshaha gunti giijiska dhaqaale ah ee kornayl Muuse Biixi isaga oo eedaymo aanu u meel dayin kula kacay shirkada Hass Petroleum oo uu ku xidhiidhiyey inay maalgalin ku samayso jabhado ka jira Buuhoodle.


Dhinaca kale Gudoomiyaha shirkada Hass Petroleum Cabdiraxmaan Yusuf Qarbooshe Oo Ka Jawaabayey Eedaynta Wasiir Qambi ayaa banaanka soo dhigay laaluushka tooska ah ee uu waydiistay wasiirku, taas oo laga dheehan karayo sida uuu sameeyey qorshaha lacag urursiga ah ee Muuse Biixi, waxaanu yidhi gudoomiye Qarbooshe "Wasiir Qambi Waxaanu Iskugu Nimid magaalada Addis Ababa waanu i salaamay oo dad ehel ah ayaanu ahayn waxaanu i waydiistay Inaan Wax taro oo aan wax siiyo nasiib daro aniguna gacanta waxba kumaan hayn waanu sii wada fadhinay oo hadalka ayaa naga yara taagtaagmay wuxuu iigu xigsiiyey eedayn ah waad arki doontaa, waanu iga cadhooday"


Gudoomiye Qarbooshe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Aniguna waxaan ku idhi deegaankaygii ma joogo magaalo ayaanan marayey oo kugumaan tala galin, ninkaasi waxa uu la dagaalamayey oo dadka qiimihiisa ka garanaysaa waa shilinyar oo shaxaad ah, wax kale oo noo dhaxeeyey ma jirin, sharaf, xigmad iyo ehelnimo ayaa noo dhaxaysay"


Hogaamiyaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan looga fadhiyaa inuu bulshada u cadeeyo halka uu geeyey lacagtii uu ururinayey labadii sanadood ee ugu dambeeyey ee uu ka hor istaagay wasiiradiisa isla markaana uu cunaqabataynta ka saaray shacabkii ku noolaa kharashaadka ay dawladu gasho ee uu hakiyey.


Si kastaba ha ahaatee dadka falanqeeya arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha ayaa sheegaya in cida kaliya ee ka faa,iiday qorshaha gunti giijiska dhaqaale ee Kornayl Muuse Biixi ay tahay qoyskiisa oo si gaara gacanta ugu qabtay awoodii dhaqaale ee dalka kuwaas oo haatana diyaar u ah inay door muuqda ku yeeshaan ganacsiga dalka ka jira.


Hadhwanaaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...