Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Ardayad Indho La Oo Dalab Cajiib Ah U Marisay Saxaafada

0
Wednesday February 26, 2020 - 16:51:52 in News by
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Ardayad Indho La Oo Dalab Cajiib Ah U Marisay Saxaafada

    Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Ardayad Indho La Oo Dalab Cajiib Ah U Marisay Saxaafada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Ardayad Indho La Oo Dalab Cajiib Ah U Marisay Saxaafada


Garoowe(HWN):-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, Taas oo Maalmo ka hor Fariin Maanso ah u soo dirtay Madaxwaynaha, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor


Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Mudane Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la' iyo Qoyska Ayaan Xasan Ducaalle.


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah, Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool Puntland.

Image may contain: 6 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Ugu dambeyn, Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah.

Image may contain: 7 people, people standing
Image may contain: 3 people, people standing, shoes and beard
Image may contain: 7 people, people standing

=Dhammaad==

Loading...
Loading...