Ha u Cararina ! W/Q: Kaysar Maxamed

0
Wednesday February 26, 2020 - 10:51:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha u Cararina ! W/Q: Kaysar Maxamed

    Sharaf iyo karaamo iyo shaqo-abuur ayaan ku aqaanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharaf iyo karaamo iyo shaqo-abuur ayaan ku aqaanaa
Shirkada HASS iyo Madaxdeeda sharafta leh.

Dalka Somaliland Sharci ayaa ka jira oo maaha meel shaadh dawladeed la isku hadido, halgan dheer ayaanu usoo galnay inaan shaadh Xukuumadeed la isku dulmin.


Wasiir Qambi waxaa looga fadhiyaa inuu caddayn buuxda soo bandhigo oo uu eedayntiisa culus ku kaabayo.



Hadii uu Caddayn buuxda keeni waayo waxaa ku waajib ah inuu is casilo oo uu raali gelin buuxda bixiyo sharcigana la hor geeyo.


Hadii Shirkada ay ku cadaato eedaynta loo jeediyay waxaa waajib ah in sharciga la hor keeno oo weliba liisanka ganacsiga laga qaado.


Waa Xaaraan in Ganacsiyada la weeraro, waxaana haboonayd in Wasiirku hadii uu caddaymo hayo uu laamaha Sharciga u gudbiyo inta aanuu warbaahinta ka weerarin shirkad sumcad fiican ku leh Dalka gudihiisa iyo dalka debadiisaba.


Waa Xaaraan in la gugujiyo oo tashuush lagu furo Ganacsatada iyo Maalgashadayaasha sharafta badan ee shaqada u abuuray kumanaan qof oo Muwaadiniinta Somaliland ka mid ah, isla markaasna ah Cashuur bixiyayaal uu Dhaqaalaha Dalku ku dhisan yahay.


Habeen iyo Maalinba waxaanu u orodnaaa in Dalkeena la maal-gashado, sawir foolxun ayay inaga bixinayaan dibin-daabyada lagu samaynayo Shirkadaha ganacsi ee Dalka jooga, waxaanay shaki ku abuurayaan dadkii maalgashiga ku samaysan lahaa Dalka.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...