Wasiir Qambi vs Hass: Waxa Qoray Maxamed Ilig

0
Wednesday February 26, 2020 - 10:45:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Qambi vs Hass: Waxa Qoray Maxamed Ilig

    Wasiirku waxa uu eedeyay shirkad Ganacsi oo dalka ka shaqaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku waxa uu eedeyay shirkad Ganacsi oo dalka ka shaqaysa
oo maalgashi ku samaysay dalka intiisa badan.

Hadaba miyuu maray dariiqa saxda ahaa.

1.     Horta Shirkada shidaalka waxa maamula oo u ah Wasaarada wada shaqayneed Wasaarada Ganacsiga Somaliland.

2.     Shirkada hadii eedayn xoogeedu intaasi leegyahay lagu eedaynayo waxay ahayd in xeer ilaalintu dacwad ka geyso maxkamada taasina ma dhicin.

3.     Wasaarada Arrimaha Gudduhu waxay ahayd inay la timaado eedaynta Arrimaha khuseeya Amniga ee lagu eedeyay.

4.     Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu uu ka badheedhay Arrinta eedaynta taasina maaha mid khusaysa shaqo ahaan Wasaaradiisa, balse waa mid ay kaliftay inay isku degaan yihiin shirkada uu eedaynayo taasina may ahayn shaqo Xukuumada biixi laga filayay oo Haayadaha sharciga ah ayaa shaqada leh, hadiiba eedayn jirto.

5.     Hadii Wasiirku uu ku eedeyay shaadh wasiirnimo oo Xukuumada ahna oo ay kuwada socdaana waxay ahayd in arrintani hoos loo dhaqo oo nidaam Dawli ah oo aan shirkadaha Sumcadeeda lagu dilayn loo maro.

Sharcigu inuu Sareeyo waa in loo helo Xuquuq siman sharciga ee maaha in iyadoo aan eeda la dhamayn laga hadlo waxaan badhitaan sharci ah marin ama tuhun ah.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...