Beesha Caalamka Oo Dalbatay In Doorashada Soomaaliya Lagu Qabto Waqtigi Loogu Talagaly
Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shaciga doorashada federaalka Soomaaliya ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka isla markaana uu 20-ki bishaan saxiixay madaxweyne Farmaajo, uu qeyb ka yahay hannaanka doorasho ee aasaasiga iyo lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan.
War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha
caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay
garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka
Qaranka si uu u hirgeliyo sharciga doorashada.
Waxay kaloo sheegeen in ay carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga
baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso oo ay ku jiraan Dowladda
Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah,
xisbiyada siyaasadda inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo
guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada.
War-saxaafadedkan ayaa lagu sheegay in saaxibadda Soomaaliya ay carrabka ku adkeynayaan in qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talagalay oo lagusoo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Qoraal saxaafadeedkaan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray, Dowladaha Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay.
VOA