Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee Ciidanka Booliska+Sawiro

0
Tuesday February 25, 2020 - 17:23:06 in News by
  • Visits: 2727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee Ciidanka Booliska+Sawiro

    Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee Ciidanka Booliska+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee Ciidanka Booliska+Sawiro



Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf loogu sameeyey Marxuum Maxamed Shiil Dhidar oo ahaa taliye-ku-xigeenkii hore ee ciidanka Booliska Somaliland.

Image may contain: 4 people, people standing

Image may contain: 6 people, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, outdoor

Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Maxamed Shiil Dhidar, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalaysalaadiin, waxgarad, waayeel iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwaas oo ku dheeraaday taariikh nololeedkii marxuumka, iyaga oo Eebbe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabadana Cawil san ka siiyo.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay goobta Aaska, ayaa si qoto dheer u sharraxay Taariikhdii marxuumka iyo kaalintii uu ku lahaa dhismaha qaranka, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku ahaa tiir muhiim ahaa oo ka baxay ciidanka Booliska.

Image may contain: one or more people, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, outdoor and closeup
Image may contain: 6 people, people standing
Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey kaalintii uu marxuumku ku lahaa halgankii qarannimada Somaliland loo soo galay iyo shaqadii adkayd ee uu soo qabtay muddadii ay Somaliland jirtey shaqadii hufnayd ee uu hayey, "Maxamed Shiil markii dambe waxa uu noqday taliye-ku-xigeenka ciidanka Booliska, noloshiisa intii uu joogay qaranka, ayuu u shaqaynayey, sarkaal uun buu ahaa ku hawlan hawlaha qaranka, anigu waxan uga markhaati ahay inuu ahaa raggii hawlaha ugu waaweyn SNM ka geystay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.



Wa-bilaahi Tawfiiq

Loading...
Loading...