Wefti Ka Socda Midawga Yurub Oo Maanta Imanaya Somaliland Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

0
Tuesday April 02, 2019 - 11:54:33 in News by
  • Visits: 2962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda Midawga Yurub Oo Maanta Imanaya Somaliland Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

    Wefti Ka Socda Midawga Yurub Oo Maanta Imanaya Somaliland Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ka Socda Midawga Yurub Oo Maanta Imanaya Somaliland Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

Hargeysa(HWN):-Wefti ka socda qaar ka mid ah dalalka midowga Yurub gaar ahaana kuwa Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka, horumarinta iyo nabad-gelyada ayaa la filayaa in ay maanta dalka soo gaadhaan, kuwaas oo la sheegay inay bookhasho hal maalin ah ku joogi doonan dalka.

Wefti EU Ah Oo Somaliland Imanaya


Xogo wargeyska Waaberi ka helay socdaalka weftigan ayaa sheegaya in ay ka kooban yihiin Safiirrada Denmark, Midawga Yurub, Ingiriiska, Sweden, Finland, Switzerland iyo Norway.


Weftiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, xisbiyada Qaranka iyo madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland.


Xogaha uu wargeysku ka hadlay socdaalka weftigan ayaa sheegaya in ay madaxweyne Biixi kala hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashooyinka, ammaanka gaar ahaana xiisadda Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq oo hadda ku sii fiday gobolka Sanaag iyo arrimo la xidhiidha doorashooyinka.


Waxa kale oo la filaya in ay madaxda xisbiyada iyo madaxweyne xigeennadii hore kala hadlaan xal u helista khilaafka arrimaha doorashooyinka. Madaxweyne xigeennadii hore ayaa hore ugu guuldarraystay xal u helista khilaafka xisbiyada.


Sida oo kale safiirka dalka Maraykanka ee Somaliland iyo Somalia Mr Yamamoto ayaa la filaya in uu qayb ka noqdo dadaallada doorashooyinka iyo ammaanka. Madaxweynaha Puntland Mr Saciid Deni oo uu dorraad kula kulmay Boosaaso ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqay in ammaanka Bariga Sanaag la ilaaliyo lagana shaqeeyo arrimaha horumarka.


Socdaalka weftigan ka socda dalalka daneeya doorashooyinka Somaliland iyo ammaanka ayaa imanaya iyada oo shalay xisbiga WADDANI shaaciyay in ay burbureen wada hadallo u socday Kulmiye.


Kulamo u socday xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa burburay Axaddii kadib markii wada hadallo socday saddex maalmood ku dhammaadeen natiijo la’aan. Wada hadallada ayaa lagu lafo guray laba qodob oo ay isku mari waayeen labada xisbi kuwaas oo ku saabsan Komishanka doorashooyinka.


Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa doonaya in la kala diro guddida doorashooyinka xilli hore lana keeno Komishan cusub oo qaban qaabiya doorashada maaddaama mudda xileedka guddida hadda joogta dhammaanayo wax yar ka hor doorashada baarlamaanka ee dhammaadka sanadkan qorshaysan.


Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu dalbanayay in Komishanka doorashooyinka laga dhigo mid xisbiyadu ku leeyihiin tiro siman maaddaama ay yihiin Garsoorkii xisbiyada sida uu sheegay Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.


Xildhibaanku waxa uu sheegay in aanu xisbiga Kulmiye haba yaraatee waxba ka tanaasulin labada qodob ee laga wada hadlayay sidaasna ay ku burbureen wada hadalladii sida gaarka ah u dhexmarayay labada xisbi oo uu sheegay in markii hore Kulmiye dalbaday.


"Komishankani in uu tago oo Komishankii doorashada inoo qaban lahaa yimaaddo runtii midhkaasi wuu ku adkaaday qoladii kale, hawsha ha sii wataan ilaa inta ay bisha November kaga dhammaanayso oo dabeedna iyada oo doorashada 12 cisho ka hadhay Komishan kale ha yimaaddo dee caqli maaha taasi doorasho inoogu qabsoomayso, Marka midhkaa halkaas ayaa xisbiga kale(Kulmiye) iska taagay,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.


Waxa uu intaasi raaciyay " Midda labaadna waxa weeye in si siman loo qaybsado (Komishanka) oo iyada waxaabad moodaysa in mararka qaar si dheeldheel ah ay run ahaantii u hadlayaan oo aan kordhinno oo shantii hore ee aanu haysanayna halkii hore ha noo yaallan haddana saddexda xisbi min laba xubnood ha qaataan oo sidaasna Kulmiye 7 ha ku yeesho Waddani-na laba ha ku yeesho aaraada ka soo baxaysay ayay ka mid ahayd, marka waxaa ka muuqanaysay dhinaca in aanay ka imanayn isfahan doorasho inoogu qabsoonto.”

 

Loading...
Loading...