Somaliland Dal Ma Tahay?
Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guleid Ahmed Jaamac (Guuleed Dafac) ayaa Su’aal geliyay Somaliland inay dal tahay iyo inkale, sida uu ku sheegay qoraal uu garyaqaanku soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga, qoraalka garyaqaanka oo dhamaystiran ayaa sidan uqoran:-
Waxa la isku haystaa ba waa intaas. Somalia uma aragto Somaliland inay tahay dal. Somaliland waxa ay isu taqaan inay tahay dal madax banaan oo leh dawlad sharci ah.
Aduunyadu
weli uma aqoonsan Somaliland inay tahay dal madax-banaan oo gaar u taagan.
Aqoonsigu
maaha arin sharci oo jawaabtiisa laga helayo kutubta xeerarka caalamiga ah. Waa
go’aan siyaasi ah oo ay qaadato laanta fulinta ah ee dal kale. Uma baahna ansixinta
baarlamaanka. Tusaale ahaan hadii xukuumadda Ingiriisku go’aansato inay
Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan, waxa talaabaas qaadaya oo ay gaar u
tahay raysal wasaaraha ee uma baahna in aqalka Baarlamaanku ansixiyo ama diido.
Si taas la mid ah Baarlamaanka Ingiriisku ma aqoonsan karo Somaliland, hadii uu
soo saaro qaraar uu ku aqoonsanayo na ma yeelanayo raad sharci oo waxba kama
bedelayo meeqaamka dawladda Ingiriisku u taqaan Somaliland ama dal kale oo
aqoonsi raadinaya. Marka aad xagaas ka eegto waa wax fudud, balse waxa adkeeyey
dabeecadda aqoonsiga oo ah mid siyaasi ah.
Culimada sharcigu way ku kala aragti duwan yihiin saamaynta sharci ee aqoonsigu ku leeyahay jiritaanka dal. Qaarkood waxa ay qabaan inaan aqoonsigu ahayn ka go’aamiya dalnimada (statehood) ee jiritaanka dalku ku xidhan yahay buuxinta shuruudaha Mucaahadada Montevideo ku qoran. Sidaasdarteed, waxa ay qabaan in hadii dal buuxiyo shuradahaas kuna dhawaaqo madax-banaani inuu sidaas ku yahay dalku mid jira oo madax banaan ee aanu u baahnayn oo aanay shardi ahayn in dal kale aqoonsado.
Culimada
sharci ee taas ka soo horjeedaa waxa ay qabaan in aqoonsigu yahay shardi ka mid
ah shuruudaha dal lagu noqon karo. Hadii aan la aqoonsanayn, kayaankaasi maaha
dal madax-banaan oo leh jiritaan dalnimo, ayay ku doodayaan.
Aqoonsigu
si guud waa mid la xidhiidha dalnimada (statehood) iyo mid la xidhiidha
dawladda (government). Ka hore waa marka dalku yahay mid ku cusub dunida
sababtu waxa ay doonto ha noqote. Waxa ay noqon kartaa inuu ka dhasay isku biiris
dalal, kala googo’ dal hore u jiray, isku xidhan qaybo dalal kale iyo habab
kale oo kala duwan.
Aqoonsiga dawladdu waxa uu la xidhiidhaa marka dalka la aqoonsan yahay balse xukuumadda ka talisaa ay tahay mid aan ku iman sifo sharci ah. Badiyaa waxa ay dhacdaa marka af-gembi dhaco ama kacdoon dadwayne afka dhulka u daro dawlad kale sifo rabshadaysan oo aan marin hanaan sharci. Somalia, tusaale ahaan, sidii ay u burburtay dawladii dhexe sanadkii 1991 may lahayn dawlad aduunku aqoonsan yahay ka hor sanadkii 2012 oo ah markii dalal badan oo Maraykanku ugu horeeyey ay go’aansadeen inay aqoonsadaan dawladda Somalia. Ilaa hada waxa jira dalal aan si rasmi ah u aqoonsan dawladda Somalia oo aan ula dhaqmin dhokumentiyadeed iyo haybadeeda dawladeed si la mid ah dawladaha kale. Balse dalalkaasi way aqoonsan yihiin dalka Somalia.
Maadaama
oo aqoonsigu yahay arin siyaasadeed cid walba oo raadinaysa inay aqoonsi hesho
waxa la gudboon inay qaado talaabooyin siyaasadeed oo ku dhisan istiraajiyado
iyo qorshayaal habaysan oo ku foogan dalalka ay hubaasha tahay in la leexin
karo fekerkooda iyo mawqifkooda siyaasadeed. Si kasta oo aad xaq ugu leedahay
aqoonsi, ma jirto cid gar sharci dhegaysanaysa sababta oo ah ma jirto maxkamad
aduun ama dawlad aduunka ka dhexaysa oo aad u gudbin kartid dacwad iyo qadiyad
aad leedahay si ay uga go’aan gaadho. Cidda aad qancinaysaa waa hogaamiye
siyaasadeed. Taasina waxa ay xudunta iyo udub dhexaadka raadinta aqoonsiga
dhigaysaa danaha dawladaha kale (interest). Waydiintu waa inay noqoto dal hebel
maxa ugu jira inuu ku aqoonsado, maxaase kaga xumaanaya?
Sidee baad ku tusi kartaa dal inay dani ugu jirto inuu ku aqoonsado? Dan dhaqaale, mid siyaasasadeed, mid istiraajiyadeed, mid ciidan, mid amaan iyo qaar kale oo badan ayaa muhiim ah in si cilmiyaysan loo derso. Waxa duruuri ah in la fahmo oo la lafo-guro fekerka, cabsida iyo rabitaanka hogaamada siyaasadeed ee dalalka wax laga raadinayo. Waa in isha lagu hayo oo lagu fogaanaado dhaq-dhaqaaqyada dalalka gudohooda ka socda.
Runta
biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay inaan aqoonsi lagu helin xaqnimo ama
hadiyad ama in lagaa naxo ama doodaadu saxan tahay. Falastiin ayaa taas wax ku
heli lahayd. Ama Taiwan ayaa ku socon lahayd. Kosovo na lama siiyeen aqoonsi.
Waxa labada hore hortaagani waa quwado iyo dano siyaasadeed. Waxa Kosovo u
sahlayna waa dano siyaasadeed oo tuurta ku sitay.
Arday Sharciga Caalamiga ah iyo Xidhiidhka Caalamiga ah anoo ah ayaan fekerkan idin la wadaagay oo malahayga wax iiga baxsan yihiin labada ba