Akhriska Qur'aanka Iyo Ku Camal Falkisa (Qodobka 4aad Ee Guusha)

0
Tuesday April 02, 2019 - 10:09:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Akhriska Qur'aanka Iyo Ku Camal Falkisa (Qodobka 4aad Ee Guusha)

    Mudanayaal iyo marwooyin walaalahayga qaaliga ah ee soomaliyed e ku xidhan barnamijka taxana ah ee guusha salaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaal iyo marwooyin walaalahayga qaaliga ah ee soomaliyed e ku xidhan barnamijka taxana ah ee guusha salaam ka bacdii manta waxaynu falanqaynaynaa qodobkii afraad ee guusha o aynu hore u so taxnay qodobadaas barnamijyadii hore oo ah (Qur”aan akhris iyo adkaar akhris) sida daraded aynu hoos ku falanqayno oo aynu ku dhaqano si fiicana u dabaqno insha allah.

Sida aynu wada ognahay qur”aanku waa dastuurka iyo hagaha umadda islaamka ah shakhsi ahaan iyo dawlad ahaanba waana iftiinka qudha ee if iyo akhiraba isla markaana aynu ku badbadayno isla markaana aynu horumar aduunyo iyo mid akhiraba ka gaadhayno hadii aynu dabaqno.

Sidedaba dadkena soomaliyeed gaar ahaan dhalin yarada waxaad mooda in ay wayahan danbe ku mashquulen internetka oo anay badankoodu kitaabka kala furin ba waxaan maalin dhawayd dawanayey barnaamij u duubey wariye xassan dun carbeed alle khayr ha siiye oo u dadka la dhex qadayey o lahaa goorma kugu danbaysay in aad akhridid kitaabka qur”aanka ah dabeto jawaabta ay dadka badankedu bixiniyeen waxay ahayd waxaa igu danbaysay bari hore halka dadka qaar oo aad u yaraa lahaayen waxaa naagu danbaysay saaka amaba shalay.

Walaalayaay hablo iyo inamaba waxaa laynago baahanayahay in kitaabka qur”aanka ah akhrino mar walba oo aynu firaaqo helno hadii ay ahaato salaada hore galabkii iyo waliba habeenkii iyo wakhti walba oo aynu firaaqo nahay xataa marka aynu shaqaynayno waa in aynu idaacada qur”aanka ah dhagaysanaa hadii aynu awoodno.

Waliba wakhtigan aynu ku jirno waxaa fufud nidaam iyo habab lagu xifdin karo qur’’aanka kariimka ah inaga oo qaybinayna wakhtigeena kana fa’idaysanan jaaniskena.

Si lamida oo joogta ah waa in aynu ducaysanaa mar walba oo aynu si caad u samaynaa ducoyinka ku sugnaaday nabi maxamed SCW wana in aan maalin walba samaynaa oo caado dhaqameed ka dhiganaa maadama ay jiraan ducooyin fara badan oo ajarkeda la soo koobi karayn.

Samankan ama wakhtigan aynu noolnahay waxaa caado noqotey in dadku ku mashquulaan wax yaabo fara badan oo malayacni ah kuwaas oo dadki aduunka ku noola inaga reebay isla markaana inaga dhigey wa inta samese dad maala yacni ah oo ay noloshu u tahay maalmo is daba socda oo aan kala go lahayn oo maalinba maalin u dhibayso iyaga oo aan qorshe maalmed lahayn.

Hadii aynu soo qaadano tusaale cad o iftimaya waxaynu odhan karnaa qofka dhalinyarada ah waa in uu diintisa barto ku dhaqmo isla markaana dadkisa iyo dalkisaba ku anfaco si u noolado noloshi aynu doonaynay if iyo akhiraba.

Ugu danbayn qur’aan akhriska iyo in u qofku mar walba ducaystaa waa sir wayn oo nolosheena wax wayn ka badalaysa isla markaana kor u qaadaysa ee aynu fadlan ku dadaalno si aynu if iyo akhiraba u guulaysano.

Alla mahad leh alla mahad leh alla mahad leh

By: Mohammed Adam Hassan

Engineer Developer and Successful

E-mail: [email protected]

Tell: 0634394700

( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay )


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...