Kalluumaysatada Lughaya Iyo Saylac Oo ka Qayliyay Cashuur Dheeraad ah Oo Xukuumada kusoo Rogtay.

0
Monday February 24, 2020 - 20:35:37 in News by
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalluumaysatada Lughaya Iyo Saylac Oo ka Qayliyay Cashuur Dheeraad ah Oo Xukuumada kusoo Rogtay.

    Kalluumaysatada Lughaya Iyo Saylac Oo ka Qayliyay Canshuur Dheeraad ah Oo Xukuumada Kornayl Biixi kusoo Rogtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalluumaysatada Lughaya Iyo Saylac Oo ka Qayliyay Canshuur Dheeraad ah Oo Xukuumada Kornayl Biixi kusoo Rogtay.

Waxa isasoo taraysa cabashooyinka ka imanaya Kaluumaysatada maxaliga ah ee ka kaluumaysta xeebaha degmooyinka Lughaya iyo Saylac kuwaasoo ka biyo diidsan canshuur ay xukuumada Biixi dul-dhigtay kaluumaysiga.



Xasan Jaamaca Cilmi oo ka mid ah kalluumaysatada degmada Lughaya oo shabakada uga waramay cabashadooda ayaa tilmaamay in canshuurahan cusubi ay la macno yihiin kuwo niyad jab leh waxuuna yiri.


"Waxaan ahay muruqmaal risiqiisu ku xiran yahay Badda, maalmahan ma galin badda, sabata oo ah waxa ay xukuumadu na dul-dhigtay canshuur aanan qaadi karin, waxa muwaadiniinta deegaanka lagu amray in kiiloogii ay ka bixiyaan canshuur dhan $0.6 doolar, ma ihi qof awooda in uu bixiyo lacagta intan dhan, halkana ma jiro suuq wayn oo kaluunka lagu iibiyaa, talaabadaasna waa mid nolosha ku adkaynaysa aniga iyo qoysas badan oo ila mid ah oo ku tiirsanaa kaluumaysigaas, hadii xaal sidan ku socdana, waxa aan ku fikirayaa in aan shabaga iska laabo oo aan ka fikiro in aan gudin u qaato dhuxulaysi dhibtii doontaba ha gaadho degaanka'e si aan nolosha qoyska u maareeyo"


Sidoo kale Siciid Xasan oo ay kaluumayste ku sugan degaanka Ceel-sheekh ee degmada Lughaya oo isagana nala soo xiriiray ayaa sheegay in canshuurta ay xukuumadu soo rogtay ay ku kooban tahay degmooyinka xeebaha galbeedka Somaliland waxuuna yiri.


"Waxaan la yaabnay in dadka ka kalluumaysta xeebaha gobolka Awdal lagu soo rogo cashuur dheeraad ah oo ayna nala qabin dadka kale ee ka kalluumaysta xeebaha Somaliland tusaale ahaan xeebaha Berbera dadka muwaadiniinta ee ka kalluumaysta waxa laga qaadaa $0.2 doolar, halka xeebaha galbeedkana laga rabo inay bixiyaan cashuur dhan $0.6, taasina waa cadaalad-daro iyo wax aan la aqbali karin"


Dhinaca kale Saraakiisha Maaliyada iyo Hawl-wadeenada Kaluumaysige ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya oo aan isku daynay in aan cabashooyinkan wax ka waydiino ayaanay noo suura-galin in aan helno, halka qaarna ay jawaabta cabashadaas ku soo koobeen in ay cashuurahaasi yihiin digreeto heer qaran ah oo iyaga ay masuuliyadoodu tahay oo kaliya inay fuliyaan


Geesta kale cabashadan Kaluumaytada Awdal ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa waqti ay maalintii shalay ahayd, xildhibaanada degmada Saylac walaac ka muujiyeen cashuurahan lagu kordhiyay kaluumaysatada, waxana xusid mudan in Cashuurahaas quusta galiyay muruqmaalkii xeebaha ee ay noloshoodu ku xidhnayd xabada kaluunka ah ee shabaga ugu dhacda ayaa waxa ay 5tii bishan February ku soo bexeen digreeto wasiir oo ka soo baxday Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland, waxana uu nuxurkeedu yahay in 0.6 Doolar lagu cashuuro Halka kiiloo ee kaluunka ah ee xeebaha ay kala soo baxaan kaluumaysatada maxaliga ah, halka sidoo kale 1 doolar lagaga cashuurayo halka kiiloo ee ay ajinabigu kala soo baxaan xeebaha Somaliland.


Si kastaba ha ahaatee, Cashuurahan ayaa u muuqda kuwo niyad-jabka ay sheegeen kaluumaystada maxaliga ahi ka sokow kuwo loogu talo galay in lagaga macaasho khayraadka ay Ajinabigu kala soo baxayaan xeebaha dalka, basle aan u danaynayn dadka maxaliga ah, kana dhigaya kuwo faraha ka laabta kaluumaysigii, mustaqbalkana u xuub-siibta kuwo ay noloshoodu ku tiirsanaayo gurmadka iyo deeqaha Shisheeyaha, aakhirkana gaajo, macaluul iyo shaqo-la'aan ay sabab u tahay xukuumadii ay doorteen uga soo bara-kaca degaanadoodii, una soo haajira magaalooyin dulsaar-na ay ku noqdaan qoysas ahaa markii horaba kuwo nolosha la daa-laa-dhacaya.
Loading...
Loading...