Qalin Duurayaal Iyo Caruur,Qaranki Loo Dhiibtaye, Qadhaadhkiidagaalkiyo, Qaxee Qoysas Kala Baaday
1-QUSHI SOCOSHO WAAYEEL QALDANO,QOLO KU DOODAAYA,
QORSHA XUMIDA QALAD JOOGTA OON,XEER CID QABANAYN,
QALIN DUURAYAAL IYO CARUUR,QARANKAN LOO DHIIBTAY,
QABIIL DAWLADII LAGU QASAYA,QAYRKEEN NAGA REEBAY.
2-QARASH URURSO MOOYEE MA JIRO,QIIL KALOO FURANI,
QAWADA IYO MID QUUSTABA DALKII,NAGA QASAAREEYE,
QADHAADHKII DAGAALKIYO QAXII,QOYSAS KALA BAADAY,
QUDHOODABA KUWII WAAYEY BAAN,CIDINA QIIMAYNIN.
3-QAXARIYO DHIBTAAN SOO MARAA,QOONTI NAGU TAALE,
QUNYAR HADAL FARMAAJOW,INTAN QOOL KU GELINAYO,
QARDAJEEXA FAAN QAAWANOON,LOO QIYAAS DEYNBA,
QABRIGOON GALAA IIGA ROON,XAMAR QAREEN MOOD.
4-QAYBQAYBSHE BEELIHII UNKADAY,QARAN KU SHEEGEENA,
QAATAYE QAADAA DHACDAYOO,QUUSAY SHACABKIIYE,
QIYAASTAAN ARKAAYIYO,SIDUU QIRAYO MAANKAYGU,
QALBI JABE DADWEYNUHU,MARKAY QURUXBA WAAYEEN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!