Way Dileen Iyadoo Riman

0
Tuesday April 02, 2019 - 08:48:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Way Dileen Iyadoo Riman

    Khadar Ismaaciil Haybe ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray arrin aad u murugo badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khadar Ismaaciil Haybe ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray arrin aad u murugo badan oo ku saabsan arrin soo jireen ah balse aad u qallafsan, taasoo u baahan in dhaqse wax looga qabto, si uu isu bedelo moowqifkeenna ku aaddan noolaha ma yeeraanka ah ee nala nool ama kaymahaba ku nool.

"Iyadoo geed gaab yar hoos huruda, ayaa yar ciyaal iskuul ahi, dhagax jaajuur (bulukeeti) la dul istaagay oo caloosha kaga dhuftay, naf la caaridkii ayay gurigii soo gashay kuna dhimatay.

”Maalmahanba fool bay ahayd, oo guriga kamay bixi jirin waanan la socday xaalkeeda oon wax siin jiray, imika ayaan u imid iyadoo khalaas ah aakhirkiina way dhimatay BAAR.” ayuu raaciyay.

”Ilaa yaraanteedii ayaan hayay. Ubadka naxariista bara oo xayawaanka inala nool inuu amaan ka helo u sheega ee ay meeshay ku arkaanba dhagax ku dilayaan, Alle raalli kama aha, dhiig badan ayaa halka dambe ka imaaday oon u malaynayo in uur ku jirtii ay tahay.”

Umadda Soomaaliyeed oo u nisba sheegata inay tahay umad Muslim ah ayaa inta badan seeggan dhaqamada iyo faraalka la socda Diinta Islaamka ee xaniifka ah, sida naxariista, damqashada iyo ilaalinta xurmada noolaha dad iyo xayawaanba.

Hargeysa, somaliland

Facebook account

Khadar ismaaciil haybe


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...