Milateriga Israel Oo Weeraray Falastiin Iyo Suuriya

0
Monday February 24, 2020 - 07:49:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milateriga Israel Oo Weeraray Falastiin Iyo Suuriya

    Milateriga dalka Israel ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milateriga dalka Israel ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka
ah oo ay ka fuliyeen marinka Qaza ee Falastiin iyo Suuriya ay ku bartilmaameedsadeen kooxo jihaad doon ah.

Weeraradan ayay Israel sheegtay in looga jawaabayay gantaalo lagu soo weeraray dalkeeda oo laga soo tuuray dhanka Koonfurta.




"Waxaanu bartilmaameedsanay saldhigyo ay kooxaha jihaad doonka ah ku leeyihiin Koonfurta caasimadda Dimishiq iyo marinka Qaza,"ayay yirahdeen milatreriga Israel.


Waxaa adag in Israel ay sheegato weeraro ay ka fuliso gudaha dalka Suuriya, waxaana ay sheegeen in milaterigoodu uu bartilmaameedsaday "xarun ay ka hawlgalaan kooxaha jihaad doonka ah" oo ay sheegtay inay ku dhuumaleystaan gudaha Falastiin iyo Suuriya.


Haseyeeshee Dowladda Suuriya ayaa sheegtay inay soo ridday inta badan madaafiicdii lagaga soo tuuray dhanka Israel. Saraakiisha caafimmaadka ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen Qaza, mana jirto wax dhimasho ah.


Weeraradan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay Koonfurta dalka Israel kusoo dhaceen madaafiic gaaraya 20 oo laga soo tuuray marinka Qaza maalin kahor, mana jirto wax khasaara ah oo ka dhashay weeraradaas.


Xiisadda ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Israel ay sheegtay in xadka Falastiin ay ku dishay shakhsi katirsan kooxaha Islaamiyiinta ee Falastiin.


Xukuumadda Telaviv waxaa kale oo ay sheegeen in ninkaas uu qaraxyo ku rakibayay dhanka xadka.

Muuqaalo si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya cagacagafta Israel oo qaadaya meydka ninka la dilay, arrintaas oo ka careysiisay dad badan oo reer Falastiin.


Qaar kamid ah shacabka Falastiin ayaa ku baaqay in loo aarguda, saacado kadibna waxaa madaafiic lagu garaacay Israel, taas oo keentay in la weeraro Qaza.


Kooxda Islamik Jihaad ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxayna ku tilmameen mid looga jawaabayo dilka mid kamid ah oo lagu dilay dhanka xadka.


Islamic Jihad, oo ay taagaeerto Iran, waa mid kamid ah kooxaha ugu adag ee ka dagaalama marinka Qaza, waxayna xulafo la yihiin kooxda kale ee Xamaas, kuwaas oo dagaalo dhowr ah la galay Israel.


Gacan ka hadalka u dhaxeeya Israel iyo kooxdan ayaa soo bilawday bishii Nofembar ee sanadkii hore, xilligaas oo Israel ay duqeyn dhanka cirka ah ku dileen sarkaaa sare oo katirsan kooxdaas gacan saarka la leh Iran.


Isku dhaca ciidamada Israel iyo Falastiniyiinta ayaa dhacay horraantii sanadkan, maalma un kadid markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu daaha ka rogay qorshihiisa cusub ee nabadda bariga dhexe.

 

BBC

Loading...
Loading...