Xisbi Siyaasadeedkii barakaysnaa ee UDUB wuxuu dalka....W/Q Axmed Maxamed

0
Sunday February 23, 2020 - 23:59:39 in Articles by
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbi Siyaasadeedkii barakaysnaa ee UDUB wuxuu dalka....W/Q Axmed Maxamed

    Xisbi Siyaasadeedkii barakaysnaa ee UDUB wuxuu dalka....W/Q Axmed Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbi Siyaasadeedkii barakaysnaa ee UDUB wuxuu dalka....W/Q Axmed Maxamed


Xisbi Siyaasadeedkii barakaysnaa ee UDUB wuxuu dalka 8 Sanno gudahood kaga qabtay 4 doorasho, xili Somaliland maanta ka dhaqaale iyo awood ba liidatay.



1. Laba doorasho madaxwayne,
2. Doorashooyinkii dawladaha hoose,
3. Doorasho Baarlamaan.


Doorashooyinkaa isdaba jooga ah iyo hanaanka dimuqraadiyada ee dhismayay, waxay Somaliland adduun waynaha kaga kasbatay ixtiraam iyo in qadiyadeeda loo dhaga nuglaado, Ururka dalalka Africa (African Union), 2005 Somalilad wuxuu u soo diray Guddi xaqiiqo raadisa (Fact finding mission) oo qadiyada Somaliland ka soo talo bixiya, warbixin ay diyaariyeen oo ay shirkii madaxwayneyaasha Africa oo isla 2005 ka dhacayay Bujumbura ay hor dhigeena, waxay Guddidaasi ku xuseen Somaliland in la aqoonsado u qalanto, dalalka Carabta ee midowga Afrika ka tirsan gaar ahaan Masar iyo Sudan ayaa ku gacan saydhay in Somaliland qadiyadeeda shirka la keeno oo report-ka la dhagaysto.


Dhanka kale, Xisbiga Kulmiye oo Somaliland qabtay xili ay ka dhaqaale iyo awood badan tahay xiligii UDUD, 10 Sanno wuxuu qabtay 2 doorasho oo dirqiya, inta Kulmiye joogay waxa dhaqan noqotay muddo kordhin joogto ah oo Goleyaasha dawlada loo sameeyo ilaa maanta Golaha Guurtida ay soo fadhiistaan Caruur third generation ah oo aabahood ka dhaxlay, aabahoodna awowgood ka dhaxlay, taasi waxay keentay in garawshiiyihii Somaliland adduunyada kale ka helaysay meesha ka baxo, qadiyadii aqoonsi raadiskana bulshada caalamku dhagaha furaysato. Waxa kale oo Kulmiye aynu ka dhaxalay qabyaaladii oo Sixir barar ku dhacay ka dib markii siyaasiyiinta bilaa mabda'a ah ee inay dadka qabyaalad ku abaabulaan mooyaane aan caqli kale lahayni wax Jeegaan la yidhaa oo qabiilo isbahaystay ka kooban hindiseen.


Haddaba, waxa dadwaynaha reer Somaliland la gudboon in sidii Xisbigii UDUD usoo noqon lahaa laga wada hawl galo.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...