Somalilland Waxay Hadhsanaysaa Burbur Laga Soo Bilaabo 2013kii.

0
Tuesday April 02, 2019 - 08:27:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalilland Waxay Hadhsanaysaa Burbur Laga Soo Bilaabo 2013kii.

    Sidaynu wada ognanahay Xukuumaddii Kulmiye bilawgeediiba waxaa soo baxay geeddi socodkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu wada ognanahay Xukuumaddii Kulmiye bilawgeediiba waxaa soo baxay geeddi socodkii
 is maamaamulka Somaliland inuu baydhay oo Dan guud boobkii Faraha Ka baxay dad badan oo Fara madhnaa caydhaha yurub KU qaadan Jiray iyo qaar Tahriib u diyaar ahaa oo diif badani Ka muuqan jirtay, ilkahoodu jajab iyo qaar maqan lahaayeen Inay maanta fooqyo lacago badan KU suntan yihiin ,xoolahaasina ay ahayd Inay wasaaradda Maaliyadda Inay tagaan ahayd si caafimaadka, tacliiinta ,wadooyinka ,mushahar kordhinta Askarta ay Ka qayb noqon lahayd ayaa la leexsaday OO Xagga Xawaaladaha loo duway. In hanti dhawr KU kuwaa ugu horaysiiyo AYEY tahay. Curyaamin Baarlamaano, DOORASHO la'aan iyo danguud iibin baa loo dhaqaaqay. Xisbiyadaii oo la burburiyo oo Distoorkii fadhiid laga dhigo ayaa Fulintii Xukuumaddii caadaysatay. In sharciyaddii Baarlamaanka iyo hab dhaqankii Dawladnimo ummaddu horteeda lagu kufsado ayaa loo dhaqaaqay, Mooshino iiba codkoodu ayaa loo dhaqaaqay oo qofna Ka qarsoonayn. Xukuumaddii oo madaxweynihii ka xanuunsaday oo UU hawl iyo hadalba gabay ayaa maamulkii ummadeed la duduucay OO dad aan la doorani oo dumar iyo caruuri iska maamusheen. DOORASHO Iska booba ha dhacdo, oo ciiidamada nooc kasta lagu isticmaalay Xisbiga WADANI si aanu Kursiga u helin Muse Biixi kursigii uu ku ordayey WADANI WUU u sii daayey, badhiina wuu la helaa kursigii Markiiba reer Kulmiye MADAXWEYNE Muse Biixi waxay u bixiyeen HANDARAAB laakiin anigu waxaan u bixiyey SIILAANYO KA ROONE waayo isagu wuu caafimaad qabaa isagaa Xukuumaddiisa maamula , Musuqmaasaqiina hakad buu galay, Sicir bararkii kor u socday waa la( control ) lay , hanti dhawrihii aan shaqayn jirina xaggii Musuqmaasaquu u Soo hangagaaray. Madaxweyne kasta waxaa hor taagan oo iyana Gidaar adaga dhaqan Jaahiligii REER Quraysheed KU noo laayeen Diinta Ka hor ayey Somalida Maanta ku sugantay, Rasuulkeennii Mohamed ahaa (CSW) hawshii Jaahiliyadu Kala hortimi ayaa Madaxweyne kasta oo yimaadda dhulalka Somalida lagala hortegayaa iyagoon Waxyi KU soo degayn.


Haddaan Xukuumadda SOMALILAND Cannaadinimada joojin wadanku BURBUR iyo Kala yaac buu HADHSANAYAA, maanta Guurti Sharciyi ma joogto, Baarlamaan Sharciyi ma joogo, Dawladdii Hoose waqtigii wuu Ka DHACAY, qaar baaba lagu sheegayaa inay Yahuudda Miciinsadeen oo DARDAARANKII NEBI MOHAMED (CSW) Ka dulbooday.

Hadalku Wuxuu leeyahay MUUSAW XAGGAAD U SOCOTAA?

M BASHE
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...