Faallo :-Daraasadaha Aan Aqoonta Ku Dhisnayn Ee Uu Kornayl Muuse Khudbadihiisa Kuso Qaato.

0
Sunday February 23, 2020 - 15:32:52 in News by
  • Visits: 1736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo :-Daraasadaha Aan Aqoonta Ku Dhisnayn Ee Uu Kornayl Muuse Khudbadihiisa Kuso Qaato.

    Daraasadaha Aan Aqoonta Ku Dhisnayn Ee Uu Kornayl Muuse Khudbadihiisa Kuso Qaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasadaha Aan Aqoonta Ku Dhisnayn Ee Uu Kornayl Muuse Khudbadihiisa Kuso Qaato.

Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi waxa uu in badan kudbadihiisa ku sheegaa diraasado aan la garanayn cid samaysay iyo cid uu ka soo xigtay toona. Sideedaba qofku marka uu cilmibaadhis xiganayo waa in uu sheegaa cidda cilmibaadhista samaysay, iyo sannadka la sameeyayba si xogtaadu u noqoto mid la tixraaci karo, saxsanideedana loo hubin karo. Haddaba madaxweynaheennu waxa uu ku caanbaxay inuu inala wadaago tirakoobyo iyo cilmibaadhisyo afkiisa mooyee meel kale oo loo tixraaco aan lahayn, waa arrin maadays looga arki karaayo goobaha cilmiga, haddii aad wax bilaa tixraaca akhrido sida Muuse.



Khudbaddii uu 18-kii May 2019 jeediyay, iyo tii maalintii dhawayd uu baarlamanka ka hor jeediyay ayaan intan idiinka soo saaray, bal si aan iskula eegno, inagoo qodob walba hadalkiisii soo qaadan doonna.


1-"Dalkeenna 65% waa xoolo-dhaqato, 20% waa beeralay, 3% waa kalluumaysato, inta soo hadhayna waxay ku tiirsan yihiin adeegga ganacsiga iyo warshadaha"


Sidii aan xagga sare ku soo tilmaamay Muuse ma sheegin halka uu xogtan ka soo xigtay. Ma wasaaraddaa qorshayntaa diyaarisay mise cid kale? Tolow ma wasaaraddaa keligii u diyaarisay? Mooji, se bal aan eegno xogtuu inoo sheegay.


Muuse waxa uu ina leeyahay 88% dadka reer Somaliland waa xoolodhaqato, beeralay ama kalluumaysato. Tolow haddaba dadka reer Somaliland ee noloshooda ganacsiga ku maareeya iyo kuwa mushaharaadka ka qaata hay'adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa bannaani ma 12% keliyaa? Sidee ayay suurogal u tahay dadka magaalooyinka ku nool ee seddexdaa midna aan ahayni inay Somaliland 12% keliya ka noqdaan? Waa wax lagu qosli karo oo u eeg in ilmo carruur ahi madaxweynaha u soo jeediyay, haddii aanu isaguba gole-kafuulin.


2-"Dadkeenna 50% waxay ku nool yihiin magaalooyinka, halka 50% kalana ay ku nool yihiin miyiyada"

Waa qodob kale oo isna wacdarihiisa wata. Goormaa la tirakoobay dadka magaalooyinka ku nool iyo kuwa miyiyada ku nool. Haddii uu madaxweynuhu sidaa fudud u garanaayo tirada dadka maxaa la iskaga haystaa saamiga xildhibaannada golaha wakiillada gobol waliba ka helayo? Muxuu si fudud gobol walba u tusi waayay tirada dadkiisa iyo inta xildhibaan ee ay saamiga u yeelanayaan?


3. "Tirada guud ee dadweynaha Somaliland waxa weeye -sida lagu qiyaaso- 3,800,000"

Madaxweyne, tolow yaa ku qiyaasay? Intii ay Somaliland jirtay tirakoob dhab ahi kama hirgaline xaggee ayuu ka keenay tolow tirakoobkan muhiimka ah? Tirakoobku ha dambeeyee sanduuqa codaynta ee doorashooyinka ayaan wada gaadhin dadka reer Somaliland.


3-"Tirada dadkeennu sannadkii waxay kordhaysaa 3.3%"

Oo horta sannadkii carruurta Somaliland ku dhalata iyo dadka ka dhinta ma la yaqaannaa? Haddii aan labadaa qodob midna la garanayn tolow sidee ayuu ku helay boqollayda korodhka ee reer Somaliland? Iska daa Somaliland hal degmo ayaynaan aqoon tirada dadka ku dhasha sannadkii iyo inta ka dhimata, haddana Muuse wuxu rabaa inuu inooga sheekeeyo arrimo ka sii waaweyn. Labadii bilood ee u dambeeyay uun inta Hargeysa ku dhimatay yaa noo sheeg ku dhaha isaga iyo wasiirkiisii caafimaadka!


4. "Qulqulka uu reer miyigu ku soo qulqulayo magaalooyinka sannadkiiba waa 5%"

Tirakoobkii dadkaba horta maynu hayn, ee xogtan kale ee xaasaasiga ahna yaa u soo qoray odayga? Hargeysa oo kaliya tolow ma og yahay inta qof ee reer miyi ah ee maalintii soo gala; tani ha u dambaysabee?


5. "Halbeegga cabbirka dhaqaalaha (GDP) ee JSL waxa uu kordhay 2% labadii sanno ee u dambeeyay"


Waa wareey! Oo tolow GDP-ga Somaliland intii aanu iman immisuu ahaa, se hadda immisuu yahay? Waxa jirtay mar UNDP-du qiyaastay GDP-ga dalka, taasina xilligiisii waabay ka horreysay ee goorma ayay xukuumaddiisu hawshan qabatay? Midda kale maxay dadka ula wadaagi waayeen xogtaa muhiimka ah, waaba haddii ay sameeyeene? Runtii Muuse waxa uu inoogu ciyaarayaa si aanay bisaddu jiirka ugu ciyaarin. Mar labaad maxaa kobocaasi bulshada dhexdeeda iyo suuqyada uga muuqan waayay? Sawtan maalin walba dadkii busaaraddan xadhka goosatay ka cabanaya.


6. "Waxa lagu guulaystay in sicir-bararku ka soo dego 19%, lana gaadhsiiyo 4% sannadkii 2019-kii"

Waa war kale oo badi dadku ku qosli doonaan. Tolow ma xafiiskiisa ayuu ka dareemay sicirbararka hoos u dhacay, illeyn waa tan oo noloshii bulshada iyo sicirkii badeecadaha waxba iskamay dhimin, badeecadaha qaarna waabay sii qaaliyoobeene?


Odayga hadalka ayaynu ku badinnay ee yaa ku yidhaahda uun xogtan halkii aad ka soo xigatay noo sheeg. Ma wasaaradahaa keligaa diraasadahan kuu sameeya dadkana ka qariya.


Hadhwanaagnews.

Hargeisa Office.

Loading...
Loading...